Ma rabtaa inaad shaqo codsato? Warqada codsiga shaqada waxaa luuqada Ingiriiska lagu yiraahdaa ‘Cover letter. Marka aad tahay shaqo raadis oo aad doonayso inaad dalbato shaqo waxaad u baahantahay inaad diyaarsato CV iyo warqada codsiga shaqada. (CV and Cover letter)

Dad aanan ku aqoonin adiga inay shaqo si fudud kugu siiyaan ma ahan wax fudud. Laakiin ogaaw inay ku xerantahay sidda wanaagsan ee aad u qori karto CV iyo warqad codsi shaqo oo aad iyo aad u wanaagsan. Hadaba, waxaa wanaagsan inaan mid waliba si gaar ah u sharaxo.

Marka horre, waa maxay CV “Curriculum vitae”?

–      CV-ga waa warqadda yar ee ay ku qorantahay dhammaan faahfaahinta ku saabsan nafsadaada iyo guud ahaan waxyaabihii aad soo qaadatay sidda waxbarashada heerka aad ka gaartay, siminaarada aad soo qaadatay iyo xirfadaha aad wadato.

Cv-ga waa warqad yar oo aad ku suuqgaynaysid nafsadaada, waxaana loo baahanyahay inaad CV-gaaga ku cadeyso sidda ugu wanaagsan ee aad nafsadaada isku suukhgayni karto.

F.G: Marka aad shaqo codsanaysid ‘dhulka ha isdhigin. Haddii aad doonayso qoraal si fiican u sharaxaayo CV-ga aqri midkaan: http://www.tukesomalism.com/archives/4350

 

Waa maxay Warqada Codsiga Shaqo ‘Cover letter’?

–      Warqada Codsiga Shaqo ‘waa warqad ka turjubanayso waxyaabaha xirfada aas-aasiga kuu ah ee la xariira shaqada aad codsanayso. Warqadaan waxaana la qoraa marka aad CV-ga qorto kadib, maxaa yeelay CV-ga waxaa ku qoran aqoontaada, xirfadaada, iwm. CV-ga ma ahan inaad isku suukh-gaysid maxaa yeelay waa la fahmi karaa haddii aad been ku qorto ee fadlan ha isqasaarinin. Marwalbo waxaad ku qortaa waxyaabaha xaqiiqda kuu ah oo kali sidda aqoonta shaqo, aqoonta waxbarasho, guulaha aad gaartay iwm, halka warqada codsiga lagaaga baahanyahay inaad ku qorto waxyaabaha sidda gaarga ah ee aad u mudantahay in shaqadaan lagu siiyo, sidda waayo aragnimo, qibrad kuu gaar ah ee ku saabsan shaqada.

Warqada Codsiga Shaqo ‘waxay si gaar ah u sharaxdaa waxyaabaha kuu gaarga ah, sidda kartidaada gaarka kuu ah, u jeedooyinka aad u mudantahay inaad shaqadaas hesho.

F.G: warqada Codsiga Shaqo ‘Cover letter’ haku qorin waxyaabihii aad ku qortay CV-gaaga. Waxaad ku qortaa inaad adiga tahay shaqsiga mudan booska shaqo ee ka banana ururka, shirkada iwm. Waxaana lagaaga baahanyahay inaad ku qorto erayo xikmadeysan oo ka turjubanaayo inaad tahay shaqsi karti u leh innuu qabani karo booska banaan ee shaqo, waliba ku dadaal inaad isticmaasho erayo keeni karo in laguugu yeero wareysi, kana illaali been inaad ku qorto. Sawabtoo ah shirkada ama ururka aad shaqada ka codsanayso waxay leeyihiin aqoon duruqsan, weyna fahmi karaan inaad been sheegayso waa haddii ay yihiin kuwa aqoon fiican u leh shaqaalaha iyo shaqaaleynta. Ogaaw, marwalbo waxay ku xerantaahy shirkadaha qaabka ay wax u shaqaalaysiinayaan.

“…. How applicants apply for jobs depends on the company, as well. Some companies use talent management software to accept applications for employment and to screen and select candidates to interview.”

“……Do keep in mind that every company has its own recruiting strategy, so it’s important to conduct a multi-faced job search and to be sure your job hunting where companies can find you.” –  Thebalancecareers.com

F.G: Markaad shaqo dalbanayso waxaa lagaaga baahanyahay inaad u dalbato si kalsooni kujirto, hana isliidin oo noqo qof shaqsiyad dhisan leh oo leh awooda iyo qibrada shaqada aad rabto.

Fikirkaada Waa Muhiim