Ammaan  oo dhan waxay u sugnaatay Allaah (SWT) ee nagu manaystayn nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo Rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salamaynaa guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan kuwa Soomaliyeed.

Asallaamu Calaykum waraxmatullahi wabarakaatuhu.

Waxa aan halkaan idiin kusoo gudbin doona Qormo ka hadli doonta dhaqanka Soomaliyeed anagoo kala ah labada Qoraa ee Qoraa Cabdiqaadir Ibraahim Axmed ( Kambale ) iyo Qoraa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Guure ) ee ka bogosho wacan.

                               

Waa Maxay dhaqan?

Dhaqan waa astaamaha iyo aqoonta ay bulsho meel degan ay leeyihiin iyadoo laga eegayo dhinac walba sida Luuqada,diinta,fikirka,cadaadka bulshada,fanka iyo suugaanta. Dhaqanku waa muujiyaha jiritaanka bulsho ay udhamaystiran yihiin wax walba oo ay bulsho meel dagani leedahay sida Luuqad ay ku wada hadlaa ,diin ay wada aaminsanyihiin iyo hab suugaaneed ay wax u  wada curiyaan.

Dhaqanku waxaa uu qeexaa is ku xirnaanta iyo midnimada ka dhaxaysaa bulsho walba oo isku dhaqan ah.

                                    

Dhaqanka Soomaliyeed.

Dhaqanka soomaliyeed waa dhaqan guun ah oo facwayn waa dhaqan in mudo ah soo jiray laguna tirayo inuu yahay mid kamid ah dhaqamada ugu filka wayn dunida,sidoo kale waa dhaqan inta badan waafaqsan shareecada islaamka. Dhaqanka soomaliyeed waxaa u kulansaday laamaha laga rabo in dhaqan walba uu lahaado,sida Luuqad,diin,suugaan,fan,cadaad bulsho,hab fikir iwm.

Dhaqanka soomaliyeed waa dhaqan gudbinaya  akhlaaq fiican,fikir balaaran,wadaniyad iyo dal jacayl. Sidoo kale dhaqanka soomaliyeed waxaa uu siwayn u ixtiraamaya Diinta islaamka isagoo inta badanba waafaqa oo ay yartahay inuu Ka horyimaado.

Dhaqanka soomaliyeed waxaa uu dhiiri galinyaa in la aamino dhulka hooyo oo aan marnaba laga tagin laguna badalan dhulal shisheeye. Bulsho waliba inta ay dhaqankeed taqaan ayay tariikhdeeda iyo jiritaankeeda taqaan,dhaqanku soomaliyeed waa u taaganaha jiritaankeena ummadnimo iyo na baraha faa,idada dalkeena.

 

 Asal guurka dhaqan ee ay dhalintu horboodayso.

“Ma jirto qaaciido la isku waafaqsanyahay oo ina tusinaysa in dhaqan lagu badaasho dhaqan uu yahay horumar”. Da’ayarta oo ah cadadka ugu badan ee bulshada soomaliyeed oo qiyaastii lagu qiyaaso 70% ay si dar dar leh uga qayb qaadanaya aasal guur dhaqan oo dhab,hab labiska dhalin yarada,isticmaalka erayo qalaad,hab xiraashada timaha  waa kuwa  ka mid ah tuusalayaasha ugu fud fud ee ina tusin kara asal gaar ka dhaqan ee ay dhalintu hoor boodayso.

Waa sax in dadyowga dunidu ay kala dheegtaan wixii cilmi iyo horumar ah,waxaase khalad ah in dhaqan dad kale  ay leeyihiin in aynu u aamino inuu yahay ilbaxnimo iyo horumar,qofba qof inta uu ka cilmi iyo aragti badan yahay ayaa uu ka hormarsan yahay  kana ilbaxsan yahay.

 

 Doorka Dhaqanka ee Dhalin yarada

Dhalin yaradu waa dhaxayaal sugaayasha berito,dal walba waxaa uu ku dhismaa waayo aragnimda dadka waawayn iyo xooga dhalin yarada, si loo helo dhalin yaro hananka karta hoogaanka dalka waa in  dhalin yaradu ay dib u milicsadaan dhaqankooda waayo dhaqanku waa baraha ugu fiican ee tusinaya tariikhda awoowayashood,qiimaha dalkooda iyo waxa ay hido u lahaan jireen.

Waa hubaal qof ka maran dhaqankiisa inuu qaadanayo dhaqan dadyow kale ay leeyihiin,soomalidu waxay ku maahmaahdaa meeshii qof ka baxo qof kale baa soo galo waa muhiim in da,ayartu ay ku baraarugto in meeshii dhaqankeenu ka baxo in uu dhaqan kale soo galayo.

F.G: waxaa ay qormadani si toos ugu socotaa da,ayarta soomaliyeed si ay ugu baraarugaan asalka guurka dhaqan,waxaa kale oo ay qormadi fariin udiraysaa dhamaan da,ayarta soomaliyeed si ay uga waantoobaan asal guurka dhaqan ee ay iyagu hormuudka u yihiin.

                                   Murtida Qormada.

                                    Dhaddig iyo laboodkiinba

                                     Dhallinyarada maantaay

                                     Dhiska dumay ku dheeldheeshee

                                     Dhool meel fog ka hillaacay

                                     Dhaayaha la sii raacdee

                                      Dhacamaha rag kale ootay

                                      Dhaxan kaama celiyaane

                                       Dhogortiin maxaa doorshay?

                                         Xigasho: Afmaal xassan Cilmi

Guntii iyo gabagabadii waxaa kusoo afmeeraynaa qormadan in dhamaan bulsho wayn soomaliyeed yar iyo waynba in loo kaco sidoo loo noolayn lahaa dhaqankeena soo jireenka ah isla markaasna xooga loo saari lahaa in laga hortago in uu dhummo dhaqankeenuu oo uu noqdo mid baylah ah oo aysan cidi lahayn.

Waxaa Wada Qorey: Qoraa: Cabdiqaadir Ibrahim Ahmed ( Kambale ) iyo Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ( Guuree ).

Fikirkaada Waa Muhiim