Cadayashadu waa in lanadiifiyaa ilkaha muuqaal iyo ur ahaanba.waxaa xaqiiq ah in afku uu lamidyahay weel dhanka nadiifinta, kawaran haddii aad saxan aad kucasheysay cawada asaga oo aan ladhaqin laguyiraahdo kucun quraacda miyaad yeeli lahayd? Waxaa cad in qofkii kudhaho xitaa aad ladagaali lahayd sow maahan.

Afka haddii aan lacadayin waxaa kuyimaada caqabado badan sida:

  1. suuska ama ilka jajabid.

  2. Af qurun.

  3. Ciridka oo bukooda.

 

Cadaygu waxa uu nadiifiyaa ilkaha, waxa uu wasaqda kasoosaaraa ilkaha dhaxdooda iyo dulduleelada hoose. Haddii aan ilkaha laga soosaarin wasaqdaas waxa ey kugu yeelanlartaa saameyn weyn.

Afkeenna waxaa kudhaxnool bakteeriyo  haddii ey hesho fursad ah in afka wax looga dhaxtagay waxa ey kubilaabeysaa quudashao ilkahaagana waxa eygalayaan inti ey bakteeriyadu quudaneysay, maxaa yeelay ilkuhu wey isku dhagganyihiin ama goysaha waxa ey leeyihiin godad meelahaas ayay karaadsaneysaa cunnadeeda.

 

Cuntooyinka afka looga tago waxaa ugu daran macaanka nuuc kasto uu yahay. Caruurtaada kaceli in ey kuseexdaan mac-macaanka sida nac-naca IWM.

 

Diinta Iyo Cadayga?

Sidookale diinteenna islaamka waxa ey nagu boorisay cadayga sida Nabaiga NNKH ka sugnaatay oo uu innoo soowariyay Abii-hurayra Alle haka raali noqdee : “ haddii eysan ummadeyda dhib ku ahaan lahayn waxa aan amri lahaa cadayga, weesaqaadkasto aktiisa”.

في حديث أبي هريرة رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال : ” لولا أن أشق على أمتي لأمرتهم بالسواك عند كل صلاة ” رواه البخاري (2/299) ومسلم (1/151) . وفي رواية للبخاري : ” عند كل وضوء ” .

Fikirkaada Waa Muhiim