Beri baa niman Mudug joogay, waxa ay isku qabsadeen xoolo. Labada gees-ba qir-iyo- qir ayey ka gaartay. Dhex-dhexaadin ayey raadiyeen. Muddaci iyo Muddaca-calayhi; nin walba dooddiisii ayuu la yimid. Markhaari iyo dhaar ayey tagtey. Kuwii dhaarta lagu yeeshey, ayaa Kitaab loo keeney, xuf bay ka siiyeen! Kuwii kale ayaa yiri “Dhaartaas kumaanan qancin, ee nimanka Kistaab marsan meyna e, ha noo xilo dalaaqeen”. Nimankii waxaa lagu yiri “Dee Xilo dalaaqa, nimankaani Kitaabkii waa diideene”. Kuwii kale ayaa yiri “Adeer xilaha yaga arrintaan yar u furi mayno”. Sidaas ayaana kuwii xoolihii loogu xukumay, markii ay kuwii kale dhaartii diideen.
Sidaas darteed, meelo badan oo waddanka ka mid ah, dadku Kitaab-ku-dhaarashada dhaar uma yaqaanaan. Dadka qaar waxa loo baahan yahay, in marka la dhaarinayo, xilo-dalaaq lagu dhaariyo, sida goballada dhexe iyo wixii ka shisheeya, meelo kale oo koofurta ka mid ahna, waxaa loo baahan yahay in, calafka lagu dhaariyo, oo la yiraahdo, ku dhaaro “Ilaahow waxa aan jadiinka aan mariyo aan waayo”. Haddii aad loogu fiirsado, dad badan ayaa la helayaa, oo siyaalo kale dhaarta u yaqaan. 
Marka, Xildhibaan kasta sida uu dhaarta kama dambeysta ah, uu u yaqaano ha lagu dhaariyo.
Midda kale, ha la wacdiyo dhaarta ka hor, in haddii ay been ku dhaartaan, Alle iimaanka uu ka qaadayo, ay ceyrtoobayaan, ilmahooda uu jinni dhifsanayo, Aakhirana Jaxiima iyo Jahanama ay ku sugayaan.

Fikirkaada Waa Muhiim