Buuggaan ( Gogoldhigga Ganacsiga) oo ka kooban 15 Cutub, wuxuu macluumaad guud iyo mid gaar ahba ka bixinayaa Ganacsiga. Waa buug qacda horeba kuu iftiiminaya waxa uu dhab ahaan yahay ganacsigu, isagoo si wanaagsan kuugu sharraxaya deegaanada kala duwan ee uu ganacsigu ku habboon yahay. Wuxuu faham weyn kaa siinayaa Nidaamyada dhaqaale ee qaarkood maanta dunidu ku shaqeyso, isaga oo dhanka kalana, si dhaammaystiran kaga warramaya qaybaha kala duwan ee Ururada ku lugta leh ganacsiga. Wuxuu aad kaaga haqab-tirayaa Suuq-geynta, Isku darka suuq-geynta, Jumlada, Tafaariikhda, Ganacsiga caalamiga ah iyo weliba haayadaha caalamiga ah ee ku lugta leh, isagoo geesta kalana xog buuxda kaa siinaya Agaasinka, Maamulaha iyo Maareynta shaqaalaha.

Qaramadu waxay maanta baratan ugu jiraan sidii ay ganacsigooda u hormarin lahaayeen, is-bahaysi jara kurtunada hortaagan is-waydaarsiga ganacsigooda u samaysan lahaayeen, wax-soo-saarkooda meel dhow iyo meel fog-ba u gaarsiin lahaayeen, una hanan lahaayeen sayladaha Caalamka ugu waa weyn. Sidaas in loo fakaro waxaa keenay barashada iyo fahamka “Ganacsiga”.

Tartanka loogu jiro ganacsiga ayaa noqday mid ahmiyad weyn leh, waxaana aad u-adkeeyey saamaynta is-baddalka xawaaraha dunida. Hore-u-kaca iyo koboca ganacsiga dunida cusubi wuxuu ku qotamaa arrimahaan hoos ku qodhan:-

  • Horumarka habka kala gaddiska lacagaha qalaad iyo fududaynta caqabadaha gudaha ayaa waxay ka dhigeen ganacsiga gudaha iyo kan dibaddaba mid yara fudud, oo dhaqso u-bullaala.
  • Is-baddalada cusub ee dhanka Science-ka iyo Technology-yadda ayaa waxay u dhiseen jihooyin cusub soo-saaridda tacab iyo adeeg qanciya baahida aadanaha si ka wacan kana wax-qabad badan kuwii hore.
  • Kororka dalabka macaamiisha ayaa iyaduna abuurtay furado-suuqeed cusub oo waa weyn.

Haddaba kolka la eego Soomaaliya ayaa waxaa muuqata in ay loollankaas ka dhacsan-yihiin, taas oo ay ugu wacantahay dowlad la’aanta qaan-gaartay iyo jahliga xididdeystay. Way jidhaan xayn Soomaali ganacsade-yaal ah, haddana aqoontooda ganacsi aysan gaarsiisnayn heer ay kula tartamaan ganacsade-yaasha shisheeye. Way jidhaan in yadh oo Soomaaliya, oo ku xeel-dheer ganacsiga laakiin aanan helin fursado ay cilmigooda ku bullaaliyaan. Way jidhaan shakhsiyaad Eebbe isgu daray Maskax, maal iyo cilmi mug leh, oo dalka caalamka raacsiin lahaa haddana ka cabsanaya hoggaamiye-kooxeed-yada laf dhuun gashay Soomaali ku noqday. Waa arrimahaas iyo kuwo kale waxa Soomaaliya ka dhigay “Bartire buugga kuma yaal”.

Barashada ganacsiga ayaa ah mid milgo leh, waa laf-dhabarka horumarka adduunyada cusub. Waa maaddo baaxad weyn oo markaad baranaysid aad wax ka ogaanayso maaddooyin kale oo ay farqaha ku wadato, oo ay kamid yihiin:- Dhaqaalaha, Xisaabinta, Suuq-raadinta, Cilmiga bulshada iyo Maamulka. Hasa yeeshee maaddadaas macnaha weyn ku fadhida ayaa waxaa fahma oo kaliya Soomaalida inta yadh ee taqaan afafka qalaad iyadoo inta kale ee aqrisa Soomaaliga aysan xog buuxda ka haysan, taas oo ay sabab u tahay la’aanta ama yaraanta buuggaag ku qoran af-kooda hooyo, oo cilmigaas ka hadlaya. Haddaba si qaybta dambe ee dadkaas macluumaad guud uga helaan maadaddaas ayaa waxaan cilmigaas ka soo tabin-doonaa haddii Eebbe idmo casharro Soomaaliyeysan oo taxane ah, koo-kooban, oo bixiya faham guud, inkasta oo Rabboo ihaga mooyee aanan qudhaydu ku cad-caddayn.

Waxaan jeclahay haddii Alle yidhaahdo in aan toddobaadkiiba maalinta Axaddaa soo daabaco, waxaana casharrada u qaybin doonaa cutub-cutub, cutub walbana kolkuu dhammaado waxaan raacin-doonaa xoogaa su’aalaa si ay dadka ku taxani uga soo jawaabaan.

Ganacsiga iyo Qeexitaanadiisa

Waa maxay ganacsi?

Ganasigu waa wax-qabad kasta oo ujeedadiisu tahay soo-saaridda iyo qaybinta badeeco/alaab (goods) iyo adeeg (services). Ganacsigu wuxuu saameeyaa qayb-kasta oo nolosheenna ka mida. Kaliya ma ahan qaybinta cuntada aannu cunno, dharka aannu xidhano iyo gaadiidka aannu u raacno Iskuulada, Jaamacadaha iyo Shaqada, ee waaba meesha ugu badan ee aannu ka helno shaqooyin iyo Mushaaraad aannu ku soo iibsanno badeecadaas iyo adeeggaas.

Helitaanka Macaash fara-badan iyo qancinta rabitaanka aadanaha – waa labada ugu muhiinsan himilooyinka Ganacsiga.

Staub iyo Attner oo ah khuburo ku xeel-dheer ganacsiga, una dhashay Maraykanka ayaa ganacsiga waxay ku qeexeen “Ganacsigu waa abaabul, kaas oo yoolkiisu yahay soo-saaridda badeeco iyo adeeg, si loo sameeyo macaash”.

Thomas Evelyn ayaa isna wuxuu ku qeexay “Ganacsigu wuxuu ka kooban-yahay dhammaan qaybaha ay ka mid yihiin: Samaynta, iibsashada iyo raritaanka tacabka”.

L. H. Haney ayaa isna wuxuu Ganacsiga ku qeexay “Waa wax-qabadka aadanaha ee ku aaddan kasbashada hanti lagu helo badeeco-gadid iyo gadasho”.

Hughes iyo Kapoor waxay dheheen “Ganacsigu waa dadaal abaabulan oo ay sameeyaan ashkhaas gaara si ay u soo-saaraan, una iibiyaan tacab iyo adeeg qanciya baahida bulshada si ay faa’ido uga helaan”.

Maxay kala yihiin: tacab-soo-saar, badeeco iyo adeeg?

* Samaynta ama diyaarinta badeecada iyo adeegga ayaa waxaa loo yaqaan tacab-soo-saar (Production). Dadka isticmaala tacabkaasna, waxaa la dhahaa macmiil ama Rukun (Consumer).

* Badeecadu waa walxaha lataaban-kadho sida:- Cuntada, cabbitaanada, mootooyinka iyo gawaarida. Labada tusaale ee hore waxaa loo yaqaan Tacab isticmaalkiisu/ku dhaqankiisu cimri-gaaban-yahay (Consumer Non-durable goods). Labada tusaale ee dambana waxaa loo yaqaan Tacab ku dhaqankiisu yara waaro (Consumer durable goods).

* Adeeggu waa waxa aanan badeeco ahayn, laakiin waa walxaha aannu isticmaalno sida : teleefanada, wax-barashada iyo madadaalada.

Wuxuu si faahfaahsan tooshka kuugu shidayaa meelaha ay dhibaatooyinka, mashaakillada iyo halisaha ganacsiga qul-qulateeya ama soo food saara ka imaan karaan iyo habka looga hor-tago halisahaas ama lagu yareeyo.

Waxaa Buuggaan waxaa uu u qoran yahay sida Buugta Wax-barashadJaamacadaha, waxaana lagu soo ururiyey Cilmi fara badan oo la xiriira ganacsiga, waxaadna kaga bogan kartaa oo kaliya, adiga oo si wanaagsan u dhex gala.

Buuggaan waxa aad ka heli kartaa: Moqdishu, Hargeysa, Bosaso, Garowe, Borama, Balaweyne iyo Nayroobi.

Fikirkaada Waa Muhiim