Waxaa jiray nin taliye ahaa, oo cidda uu xukumi jiray gacan bir ah ku hayey. Xukunkiisa iyo ciqaabtiisu ba waad adkaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah, ayuu si xun u ciqaabay nin ka mid ahaa dadkii uu xumayey. Ninkan, markii loo soo qabtay, buu waxa uu amray, in inta loo xirxiro, oo dabada loo deylo, kolkaas loo foorariyo.

Markii sidaas loogu diyaariyey, buu inta qori dheer soo qaatay dabada ka geliyey. Ninkii, ciqaabtii la mariyey, muddo ayuu dhulyaal u ahaa. 

Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa taliyihii geed fuulay. Alle amarki, geedkii buu ka soo dhacay. Dabodabo ayuu u soo dhacay, kolkaas baa qor dheer oo kor u jeeday dabada ka galay. Taliyihii, si xun buu geedkaasi dabada uga galay, kolkaas buu muddo dheer baxnaanin u jiifay.
Isaga oo maalin xanuunku aad u hayo, oo taahaya, ayaa waxaa u yimid odaayaasha ummaaddii uu xukumayey. Iyaga oo ka waraysanaya xanuunka haya, ayaa waxa uu si kadis u yiri “Waan ogaa in Ilaahay waxa aad gasho uu kaa jarayo, laakiin, ma aanan ogayn in uu Ilaahay dabo ugu aaro dabo!”.

Fikirkaada Waa Muhiim