Waagii Kacaankii barakaysnaa waddanka uu xukumi jiray, ayey ninkani muufadiisu maraqa ugu jirtay. Shaqo fiican oo dhaqaale miiran ayuu haystay. Ninku, naag uu jecel yahay ayuu qabay, oo xayn ubad ah u haysay. Raggu, la-dhaqanka dumarkooda waa ku kula duwan yihiine, ninkani xaaskiisa si gobanimo leh buu kula dhaqmi jiray.

Guri weyn oo qasri ah, oo laba dabaq ah ayuu uga taagay xaafadda Kaasabalballaare. Wax alle iyo wixii soo gala oo dhaqaale ah, iyada ayuu farta ka saari jiray. Kolkaas baa xaaskiisii ka sara martay marwooyinka kale oo dhan. Dhaqaalahaas aan xisaabta lahayn, ayey qaar dahab iyo xiriir ku gadataa, waxna dharkii soo baxa ku iibsataa, qayb hadba guriga ku beddelataa, inna, wixii quud ah ee dalka iyo dibedda laga keeno, guriga kaga soo buuxisaa.

Xilliga cuntada, guriga maqaayad baad mooddaa, waxa raashin kala jaad ah ee la diyaarinayo. Guriga, waa la is ka dhooban yahay, inta ehel iyo asxaab imaanaysa ee marwadaas u soo shaxaad tagaysa, inta dumar ah ee xaaskaas tabalcaaro u soo raadsanaysa. Guriga saddex shaqaale ayaa joogta oo ku hawllan shaqada gurigaas. Islaanta, iyada ayaa ka magacdheer ninka qaba, waxa ayna ku heshay ku-tamashlaynta lacagta ninkeedu siiyo.
     

Xilligii dagaallada sokeeye dalka ay ka qarxeen ayaa qoyskani qaxeen. Dhibka ay mareen lagama sheekeyn kara e, sidii ay u cararayeen ayey tageen xerada Dhadhaab. Waxa ay muddo rafaad ku jireen, waagii dambe ayaa Alle reerkii ur u bixiyey. Ninkii mooyee, islaantii iyo carruurtii baa dhooftay, oo dalka Kanada ka degay. Ninkiina, xeradii waa ka ka daldoorsaday oo, Nayroobi ayuu iska tagay.

Islaantii iyo ilmaheedii ba shaqo fiican ayey horay ka heleen. Naagtii, isla markii ba waxa ay bilawday in ay biisho ninkeeda, laakiin, waxa ay u soo dirtaa masruuf ku xaddidan kirada hudheelka iyo cuntada iyo mar mar kis yar oo ay ku tiraahdo “Ku arrad tiro” xilliyada ciidaha.

Ninkii, sidii uu filayey wax uma noqon oo, noloshii qaxootiga mid aan wax badan ka duwanayn ayuu galay. Tolka iyo asxaabtu waa tuhmaan oo, wax uu siiyana ma leh. Waa jaadaa oo, wax uu ku qayilo uma soo harto. Kama muuqato nolol qurxoon oo, shaati iyo surwaal ayaa la arkaa ku dul caddaada. Marka uu waco xaaskiisa, uma garaabta e, waxa ay isku xisaabisaa lacagta ay u soo dirto iyo noloshiisa, kolkaasina ku tiraahdaa, “Walaal, lacag lagu dhakhleeyo ma hayo.” Carruurtiisa ayuu la hadlaa, markaas bay ku dhahaan, “Abbe, hooyo la hadal, wixii aan helno iyada ayaan u dhiibnaaye.”

Mar haddii la tuhmayo oo uusan shaah bixin karin, haddana dhogor qurxoon uusan lahayn, oo uu masaakiinta u muuqaal eg yahay, waxa ay dantu ku kalliftay in uu dadka kala dhuunto araggiisa.

 

Odaygii, maantii dambe ayuu – busaaradda haysa darteed – aad u fekeray. Waxa uu soo xasuustay, markii uu shaqayn jiray, sidii quruxda badnayd ee uu islaantiisa ula dhaqmi jiray iyo habkii uu boqoradda uga dhigi jiray ee uu qayrkeed uga sara mariyey iyo qaabka marka ay fursadda heshay ula macaamilayso, sharaftii uga qaadday, qayrkiisna ugu dullaynayso. Inta is heyn waayey ayuu habeen taleefoon ku garaacay, kolkaas buu isaga oo xanaaqsan soo xasuusiyey sidii uu u geli jiray iyo habka ay ula dhaqmayso. Isaga oo furka tuuraya ayuu sidii uu daldalmayey, hadal oo dhan markii dambe ugu soo gebagabeeyey “Naa amma sidii aan kuu qabi jirnay noo qab amma na soo fur.” Taleefoonkiina waa isa saaray. 

Fikirkaada Waa Muhiim