Wiil dhallinyaro ah ayaa qisadan iiga sheekeeyey. Wiilkan ayaa maalin waxa aan isugu soo galnay meel shaah laga cabbo. Arday jaamacad dhigta buu ahaaye, isaga oo markaas ka yimid jaamacad ayuu kursigii i xigay fariistay. Waa Soomaali iyo dhaqankeede, annaga oo aan is aqoon baan isla qabsannay, oo ay isugu kaaya baxday. Mawduuca shaakadu waxbarashada ayuu ahaaye, sidii aan hadba meel uga galaynnay, ayuu sheekadan yaabka leh ee qabsatay iiga warramay.
Waxa uuna yiri, “Suldaan, tii iigu yaabka badnayd, waxa ay ahayd, aniga oo maalin laamiga iska haya, ayaa waxa aan ku soo baxay mac-had. Waan ku leexaday, waxa aana akhriyey maaddooyinka ay bixiyaan oo boorka hore ugu qornaa. Waxa i soo jiidatay, maaddo kombiyuutar ah oo laba toddobaad lagu baranayey. Inta xafiiskii mac-hadka aan galay, ayaan maaddadaas iska soo diiwaan geliyey. Labadii asbuuc baan dhigtay, shahaadana waan ka qaatay”.
Mar laga joogo 9 bilood, ayaa maaddo igu adkaatay jaamacadda, is iri, armaad mac-hadkii aaddaa, oo aad ka soo qaadataa maaddadan, maadaama ay ka mid ahayd maaddooyinkii ay dhigayeen. Ma ba labalabayne, inta soo baxay ayaan mac-hadkii soo aaday. Mise, meeshii mac-hadka ahayd, waa maqaayad cuntada fudud laga cuno.
Dhawr jeer baan shaki i galay, markii dambe, ayaan is iri, meeshu waa meeshiiye, bal horta gal oo fiiri. Markii aan soo galay maqaayaddii, ayaa waxa an arkay, maamulihii mac-hadka oo maqalka fadhiya iyo laba ka mid ahayd macallimiintii oo cuntada bixinaya! Yaab. Maamulihii ayaa i arkay aniga oo afka maroojinaya, kolkaas buu inta ii yeeray, waxa uu i yiri, “Ma arday dii baad ahayd?”.
Saanne “Haah”. Inta i yiri, “Fariiso”, ayuu ii dalbay rooti hilib ku dhex jiro iyo kalax qare ah. Markii aan cabbay, ayuu igu yiri, “Saaxiib, ha yaabin, mac-hadkii waxa aan u beddelnay maqaayaddan. Gacansigii hore baa shaqayn waayey, kolkaas baan kan kala socda ku beddelnay”.

Fikirkaada Waa Muhiim