Wiil dhallinyaro ah oo aannu waa sheeko-wadaag ahayn, ayaa waa hore, goor galab ah, iga soo wacay magaalada Nayroobi. Waxa uu ila soo socodsiinayey in uu gabar mehersaday, uuna doonayo in uu bil gudaheed aqal galayo. Maxaad ka taqaan dad asxaab ah, xoogaa buu iiga faalleeyey quruxda iyo qiimaha xaaskiisa cusub iyo sida uu ku soo xerogeliyey. Markii uu dhammeeyey, ayuu – waa i tuhmayee – kaalo i weydiistay. Anna waan kaaliyey. Waagaas baana iigu war dambeysay.

Maalin dhaw baan wiilkii isku aragnay whatsapp ka. Wareysigii koowaad ba, waxa aan ku weydiiyey xaalka xaaskii iyo haddii ay awlaad soo korortay amma wax la sugayo. Hadal aan ka naxay ayuu iigu jawaabay. “Gabadhii waan kala tagnay” ayuu igu yiri. “War maxaa dhacay?” ayaan weydiiyey. Kolkaas buu sheekadaan aan la yaabay ii galay, waxa uuna yiri ,“Saaxiibow, gabadhii, markii aan aqal galnay ba, arrin mucjiso ah ayaan ku arkay.
Saaxiibow, kolka ay indhaha is geliso oo ay gabama’do, Khuuro yaab leh bay sii daynaysaa. Weligaa ma aragtay gaari Indhataree ah oo raran oo rimmoor jiidaya, oo weliba meel bacaad ah maraya, oo darawalku sheellaraha uu dacasadda geeyey? Wallaahi dhawaqa uu bixinayo in aysan Khuuradeedu ka duwanayn! Anigu, nin hurdo fudud baan ahay oo jiif waan ka tagay.
Xitaa deriskii baa ashtako dadban bilaabay! La-tacaalid baan isku dayey, oo takhtar ayaan geeyey, kolkaas baan haddana soo ogaaday in aysan ba dawo lahayn Khuuradu. Gabadhu ‘labac’ bay ahaye, takhtar baa mar nagu yiri, gabadhu ha jimicsato, oo jiifka hadba dhinac ha u baddelato, cuntadana ha yareysato.
Markii aan wax walba sameeyey, oo aan ogaaday in aanan hawshaan xallin karin, anigiina hurdo ka tagay, ayaan gabadhii iska fasaxay. Suldaan, hadda waxa aan go’aan ku gaaray, gabadhii dambe oo aan shukaansado in aan marka hore iska weydiiyo in ay Khuuriso iyo in kale!”.

Balo kula tagtay. Bal muu dhaqan-Soomaaligii ku dayo, oo kab geddisan sanka u saaro gabadha. Wacad Alle, waa joojin lahayd, sidii aan maqli jiray. Yaa se kaala tashanaya meel Sheyddaan ku hirgisayo!

Fikirkaada Waa Muhiim