Waxaa jiray nin ganacsade ahaa oo degganaa magaalada Muqdisho. Ninkan ganacsada ah reerkoodu baaddiye ayey degganaayeen. Inta badan noloshoodu, isaga ayey ku tiirsanaayeen. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxa uu ku fekeray in uu walaalihiis, kuwa yaryar, mid soo kaxeeyo, oo uu wax baro, si uu reerka ula gacan qabto. 

Taladaas inta qaatay, ayuu wiil soo kaxeeyey. Waxa uu isla markii ba geeyey malcamad, kolkii uu dhammeeyey na, waxa uu ku daray iskool. Wiilkii, kolkii uu u gudbay dugsi sare, ayaa waxaa xiriir la soo samaysay haayaddii Nabadsugidda qaranka. Waxa ay ku qalqaalsatay in uu ku biiro, isna waa ka yeelay.

Wiilkii, kolkii uu dugsi sare dhammeeyey, ayaa walaalkiis misena jaamacaddii ku daray. Markii uu jaamacaddii soo afmeeray, ayaa walaalki jaamacad dibedda ah u soo dhammeeyey, laakiin wiilkii waa ka diiday in uu dalka ka baxo, illeen hawl uusan walaalkiis ogayn buu ku jiraaye. Markii uu walaalkiis ka diiday, ayuu ku yiri, “Waayehee, aniga ganacsiga igala shaqee.” Waa ka oggolaaday, waana kala shaqayn jiray.

Ninkan ganacsade ah, waxa uu ahaa nin dhaqaalihiisa, inta badan helay xilligii Kacaanka, waxa uuna fursad ka helay qandaraasyo dawladdu ay bixinaysay, laakiin, kolkii uu xoolo miiran hantiyey, ayuu isu beddelay mucaarad. Waxa uu ka bilaabay magaalada olole hoose oo Kacaandiid ah. Waxa uu lacago u diri jiray mucaaradkii dawladda. Dhibka ugu weyn ee qabsaday ninkaan ayaa waxa uu ahaa, dhaqdhaqaaqiisa mar walba waa lala socon jiray. Dhawr jeer baa la xiray, oo weliba oo aad iyo aad loo ciqaabay.

Waxa uu ninkani la yaabi jiray, sida ay dawladdu ku ogaato xogihiisa. Wax kasta oo uu yiri, shirka kasta oo uu qabto, tirada lacagta uu diro iyo cidda uu diro, dhammaan, marka la xiro oo uu sheegi waayo, ayaa xabbad xabbad loogu tiriyaa. Heer waxa uu gaaray, uu ka shakiyo nimanka ay mucaaradka isla yihiin ee uu la shiro. Kuma soo dhicin walaalki in uu yahay Nabadsugid.

Dawladdii, ninkii cadaadis adag bay saartay, qandaraasyadii waa ka joojisay, wiidadii walaalki mooyee, kuwa kale oo farabadanna waa la dul dhigay oo uusan ka war heyn. Mar uu aad u shiiday, ayaa walaalkiisii Nabadsugidda ahaa, madaxda dawladda ka codsaday, in odayga qandaraasyadii wax un looga soo celiyo, isaga oo u sheegay, in uu yahay oday madaxdhaqameed ka soo jeeda oo aysan busaaraddu ku wanaagsanayn, kolkaas baa dawladdu inta sharaftay askarigan, odaygii qandaraasyadii loo soo celiyey. Laba wiil oo uu dhalay, oo jaamacadda dhammaysayna, takhasus dibedda loogu diray.

Iyada oo ay halkaasi xaajo marayso, ayaa dawladdii dhacday oo la kala haaday. Labadii walaalaha ahayd, waa isla qaxeen, oo isla tageen xeryaha qaxootiyada Kenya. Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa odaygii helay teesare ka dhumay walaalkiis, kolkaas buu ku arkay in uu ahaa walaalkiis sargaal sare oo Nabadsugidii ka mid ahaa. Teesarihii ma siine, isaga oo yaabban ayuu goobay saraakiishii Nabadsugidda cid ka tirsan, kolkaas buu soo helay laba nin oo u xaqiijiyey in walaalkiis muddo dheer Nabadsugid ahaa. Markii uu ogaaday, ayuu yaqiinsaday in uu walaalkiis ka dambeeyey xiritaankiisii iyo jirdilkiisii. Aad buu uga xumaaday, in ninkii uu baadiyaha ka keenay oo uu intaas wax barayey in uu luggooyadiisa iyo ciqaabtiisa ka shaqeyn jiray. Meeshii ay isla degganaayeen, inta uga guuray, ayuu ku yiri, “Walaal dhab ah baan kuu haystay. Saaxiib ku ogaaday! Muusa biddiin Ciisaa biddiin”. Labadii nin saas bay ku kala tageen.

Arrintii, ayaa waxaa dhawr jeer soo dhex galay odayaal iyo cuqaal reerka ah, laakiin labadii nin waa la heshiisiin waayey. Sababta oo ah, midna waxa kuu dhegay in uusan ninkaasi walaalki ahayn, oo isaga oo wanaaggiisa ka shaqeynaya, uu dhibaato xun u geystay, kii kalana, waxa uu ku dhegay in uu saxsanaa, waxa uuna daliishaday in qaranka iyo horusocdkiisa uu u shaqeynayey, walaalkiisna uu doonayey halka aannu maanta joogno. Lacagta iyo hantida uu haystay qaranka ayuu ka helay, kolkaas buu hantidaas niman qaran-dumis ah u dirayey. Nimanka uu taageerayey, maalinna reerkiisa biil uma soo dirin, keliya qabiil buu ku taageerayey. Waxa aan doonayey in uu noloshiisii quruxda badnayd uu ku noolaado, isna waxa uu doonayey in aan xaqootigan, baaskan iyo gunnimadan aan ku noolaanno. Waa kane, qaranki dun, nimankii uu wax tarayeyna, waku waase, qaran ha keenaan!

Labad nin la heshiin waa. Ismaandhaafkaasi, iska daa iyagiiye, xitaa carruurtii ayey saameysay, oo ciyaalkiina ilma adeerrada ahaa is lama hadlaan.

Fikirkaada Waa Muhiim