Shalay galab ayaan tagay mid ka mid ah hudheellada Muqdisho. Dalab qaade meeshaas marayey baan u gacanhaatiyey si aan shaah uga dalbado. Nin kii baa ii yimid. “Fiijaan shaah ah i sii,” baan iri. Illeen ninku waa Keenyaati oo, ma ba fahmin afka aan kula hadlay. Ingiriis buu igula hadlay. Anigu qudheydu degdeg uga fahmin. Nin ila socday baa ay inta is af garteen, shaah inoo dalbay! Geesaha baan eegeegay, bal in ay jiraan dad shisheeye ah oo hudheelka jooga, mise dhammaan waa wada Soomaali.

Kolkii aan shaahi laystay – waa faduusheyda e – baan aaday maamulka hudheelka. “Niman yahow, maxaad shaqaalaha ajnabiga ah u keenteen adinka oo heli kara Soomaali?” iyo su’aalo kale baan la galay. Ninkii maamulka joogay, si deggan buu iila hadlay. Waxa uu yiri: Shaqaalahan waxa ku qorannay arrimahan soo socda:

  1. Soomaalida ayaa jaanibta jecel, oo Ingiriiskaas ay kula hadlayaan ayey danaynayaan. Baraaktiis bay ku qaataan. Hudheelkii ay ajaaniib u shaqeyso waa macmiil badan yahay.

  2. Ajaanibtaan shaqada waa ka yaqaannaan Soomaalida.

  3. Amarka si fiican bay u qaadanayaan. Wallaahi in aad maamule tahaad dareemeysaa sida qaddarinta leh ee ay kaaga hoos shaqeynayaan.

  4. Shaqada aad bay ugu jajaban yihiin.

  5. Haddii aad canaanato madaxa ayey hoos u foorarinayaan, waxa ayna ku leeyihiin, mar kale uma laabanayno iyaga oo jilbaha ku haysta.

  6. Waa han yar yihiin.

  7. Tuug ma ahan.

  8. Dadkoodii iyo saaxiibadood meeshaan ma joogaan oo shaah iyo cunto si hoose u siin maayaan.

  9. Qaad iyo balwad midna ma lahan.

    Waxa uu hadal kiisii ku  soo gabagabeeyey “Shaqaalaha Soomaalida ah baa…, kuwaas iga daa warkooda, doofaarta kaadi najaastu dhashay!”. 

Fikirkaada Waa Muhiim