Axmed, isaga oo ay ilmo labadii dhaban ka da’ayso buu is ka cambaraaqsaday, ka dib markii gabadhii uu adduunka ugu jeclaa ee Xamda, iyada oo yasaysa ay markii ugu dambeysey quus gaarsiisey, iyada oo hadalkeedii ugu dambeeyey uu ahaa, “Waryaa, aniga ma i taqaan? Adiga noocaaga oo kale i ma haweysto. Mar dambe ha ii la imaan waxa aad sheegeyso. Magaalada qeyrkaa waa joogaaye iyaga la haasaaw”. Is la markaasina inta haruuftay, oo candhuuf taririq ka siiyey, ayey uga dhaqaajiyey bakad cidla ah oo ka dambaysa hoteelka Shaamo.

Axmed, markii uu saacad fadhiyey halkii, oo uu ku soo baraarugay dad badan oo ku xoonsan, inta istaagay ayuu damcay bas inta qabsado in uu aado gurigiisii, markaas buu bas u socda kii Xamda raacay. Gurigii buu garaacay, kolkaas baa Xamda ka furtay. Markii ay aragtay in uu isagii yahay ayey inta candhuuf ku tuftay bay albaabkii xoog u xirtay. Wiilkii, inta naxay ayuu gartay meesha uu joogo. Inta laabtay ayuu gurigiisii aaday. Sidii hore oo kale, dhawr habeen ma seexan, waxa uuna ku qarwaa Xamda. Waa is ka dhaafay waxbrasho, xitaa waa ka tagay iskoolkii ay is ku barteen ee ay Ingiirka ka wada baran jireen ee Al-imra ee isna uu uga imaan jiray Baarubax iyana ay ka soo aadi jirtay Madiina.

Axmed, sidii uu jacaylkaas u la jiifay, oo uu uga fekerayey sidii uu ku heli lahaa Xamda, ayuu maalin maskaxdiisii aad uga shaqiisiiyey. Waxa uu ogaaday, in sababta ay Xamda ku nacayso ay tahay fakhriga iyo dhaqaale darrada haysata, maaddaama ay iyadu tahay qof ladan oo ka soo jeedda qoys hodan ah. Isaga oo ka fekeraya sida uu ku hanan karo, ayuu waxa uu soo xasuustay in ay aad u jeceshay dibedda. Kolkaas buu go’aansaday – si uu u hanto – in uu u sheego in uu baxayo, oo eeddadiis oo Sweden joogta ay u yeertay. Inta uu sidaas talo ku gaaray, buu maalin farriin waxa uu ugu diray moobeelka, in uu baxayo laba asbuuc ka dib, oo uu aadayo Nayrobi, ugana sii dhoofayo Sweden. Awal uma soo jawaabi jirine, inta farriin kooban u soo qortay ayey ku tiri, “Allaha ku nabad geeyo”. Faysbuuggiisii hore inta xiray ayuu faysbuug cusub sameystay, oo dad cusub ku darsaday oo aan aqoon, is la markaasina ku darsaday faysbuuggeedii oo uu hayey.

Laba asbuuc ka dib, laftii moobeelkiisii waa beddelay, waxa uuna bilaabay in uu faysbuug ugu soo diro farriin in uu tagay Nayroobi. Waa u soo jawaabtaa iyana, mar walbana waxa ay tiraahdaa, “Allaha kuu sahlo dhoofka”. Muddo ayuu hadba farriin u soo diraa una sheegaa meesha wax u marayaan.

Afar bil ka dib, ayuu faysbuug ugu sheegey in la aqblay oo uu Sweden aadayo maalmo ka dib. Aad bay arrintas ugu faraxday. Waxa ayna bilawday maantaas ka dib, in ay faysbuugga si joogta ah qoraallo ugu soo dirto. Markii dambe online ayaa lagu wada sheekeysan jiray. Xitaa faysbuugga ayaa la is ka dhex wacaa, oo si fiican loogu wada haasaawaa. Axmed aad buu u nafisay, haddii uu helay Xamdadii taleefoonka ka qaban weydey oo saacado la sheekeysanaysa, oo welba jacayl kala hadlaysa. Xoogaa markii oo joogaba hal sawir oo photoshop lagu habeeyey oo aad loo qurxiyey, oo uu dhex taagan yahay meel qurux badan oo Sweden ah ayuu soo geliyaa, markaas baa Xamda waxa ay noqotaa qofka ugu horreeya ee like saara, commentina ka bixiya. Marka uu la hadlayo, waxa uu uga sheekeeyaa Yurub; quruxdeeda, qabawgeeda iyo mustaqbal fiicnideeda, kolkaas bay inta aad uga hesho tiraahdaa, “Abbaawe, goorma ayaan isugu imaanaynaa Sweden?”.

Waxa uu u sheegaa in uu iyada u maqan yahay, oo kolka uu soo helo sharciga uu u imaanayo. Gabadhii, aad bay u jeclaatay Axmed, mar kastana faysbuugga ayey ka wacdaa, haddii ay weydana farriin u reebtaa. Intii uu maqnaa Axmed oo marna uu Nayroobi joogay marna uu Sweden joogay, laba nin ayaa soo doontay Xamda oo ay diidday, iyada oo ka rajo qabtay Axmed.

Axmed oo waayadaas ku jiray lacag uruursi xooggan, ayaa maalin maalmaha ka mid ah, isaga oo oday adeerkiis ah u soo shaxaad tagay, baa Xamda oo ka qeyb galaysay xaflad aroos hoteelka City Palace ee Muqdisho, casar liiqii waxa ay hoteelka bannaankiisa ku aragtay qof kursi ku fadhiya oo ku mashquulsan taleefoon, oo ula ekaaday Axmed. Waa u soo dhawaatay, markaas bay inta aad iyo aad u fiirisay waxa u soo baxday in uu isagii yahay. Gadaal bay inta kala wareegtay bay fiirisay moobeelka uu ku mashquulsan yahay, mise sawir cusub oo uu koorweyn qabo oo la soo farsameeyey ayuu faysbuuggiisii gelinayaa. Intaas waa eegeysaa, markii uu geliyey, ayaa waxa uu ku qoray, “Qabawga Swden haddii jaakad weyn loo xirto illeen waa loo adkaysan karaa”. Inta ay faysbuugeedii gashay ayuu online buu ahaaye, ka waraysatay xaalka iyo Sweden.

Kolkaas buu yiri, “Qaali xaalku waa fiican yahay, Sweden qabaw waxa aan ahayn waa looga fiican yahay. Insha Allahu, sharcigii toddobaadkan baan helayaa, bil ka dib Xamar waan kula joogaa, reerka baan kaa soo doonin, marka aan is mehersanno, oo aan ayaan baashaalno oo aad uur yeelatidna waan baxayaa, Nayroobi baana ku geyn, ka dib na Sweden baan kuu wadayaa”.

Intaas markii uu qoray oo ay eegeyso, ayey ku tiri, “Ha dirin, waa i kane waan kula joogaaye”. Inta fiiriyey ayuu naxdin la suuxi gaaray. Inta nacalladday ayey ka dhaqaaqday, kolkaas buu inta ka daba orday oo hoteelkii dhexdiisii inta jilbojoogsaday, oo tafaha qasbaday, buu ku lahaa, “Xamdaay, walaalay waxa waxaas oo dhan iga keenayey waa jacaylkaaga, walaalay haddii aan fashilmay, ha iga tegin, waan ku baryaaye, abbaayoow eeg jacaylkayga oo ii nax oo ii naxariiso”. Xamdi oo aan qalbigeeda dhibic jixinjixin ah lagu ridin, ayaa inta kab iyo haraati is kaga furjisay bay wiilkii arooska keenay inta wacatay, ayey Axmed oo ooyaya halkii uga dhaqaajisay.

Fikirkaada Waa Muhiim