Dhibka kala haysta xirfadlayda iyo looshaqeeyeyaasha! (Xog muhiim ah). 

Waxaa Soomaaliya ka jira eraygan LAKUKA, oo caan ka ah suuqa shaqada Soomaaliya, waxaana eraygan laga soo gaabiyey:
LA: la qabso
KU: ku qabso
KA: ka qabso
Tusaale, adiga oo xirfad leh ayaad shaqo ka helaysaa meel, ninka ku shaqaaleeyey ayaa waxa uu kuu keenayaa qof qaraabadiisa ah, waxa uuna ka soo dhaadhicinayaa in uu ninkaan ka barto shaqada iyo xirfaddaba, waxa uuna ku soo leeyahay LAQABSO shada!
Qofkii waxa uu soo agfariisanayaa xirfadlihii si uu shaqada uga barto, xirfadluhuna waa uu tixgelinayaa oo, waxa uu leeyahay waa qaraabada badarnoolaha. Markii uu shaqadii uu kala baro ayuu maalinta dambe shaqada KU QABSANAYAA! Muran iyo dhib ayaa meesha ka dhacaya, looshaqeeyuhuna wax buu ka ogyahay.
Marka muranku uu bato ayaa xirfadlaha loo yeerayaa, waxaana la leeyahay “Adeer buuqaan joogtada ah kama bixi karno e, shaqadaana nooga dhumaysa ee fadlan iska bax!” Markaas ayaa, isagoo ka muragaysan sida la yeelay oo mooda in la leeyahay daba day, iska baxayaa. Qofkii qaraabada ahaa sidaas ayuu meeshii KAGA QABSANAYAA!
Dadka xirfedlayda taasi waa wada sugeysa, haddii aadan qaraabada looshaqeeyaha ahayn, sidii aad uga dabaalan lahayd LAKUKA adigey ku jirtaa.

Fikirkaada Waa Muhiim