Beri baa waxaa jiray laba nin oo saaxiibbo ahayd, oo isku meel ka xammaalan jiray. Dhawr dukaan oo isku dhaw ayaa macmiil u ahayd, oo raashinkana u rogi jireen, adeegyada kale ee xammaaliga ahna u qaban jireen.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa labada nin mid ka mid ah, waxaa u soo shaxaad tegay nin ay qaraabo ahaayeen, oo shaqo la’aan ahaa. Waxa uu xammaaligaasi maalintaas shaqeynayey ayuu ninkii qaarna qado uga dharjiyey, inna, inta kala barteen, qeyb jeebka u geliyey. Maadaama uu ninku shaqo la’aan ahaa, muddo ayuu inta mar ba maalin u yimaado, shaxaad nafta uga qaadayey.
Isla waayadaasi mar aan ka fogayn, ayaa xammaaligii kale waxaa u soo shaxaad tagay nin ay qaraabo ahaayeen oo isna camal la’aan ahaa. Xammaaligan, sidii uu kii hore sameeyey oo kale ma yeeline, waxa uu ninkii ku yiri, “Ina adeer, anigu halkaan ayaan ka xammaashaa, maadaama aad shaqo la’aan tahay, waxa aan kugu la talin lahaa in aad shaqeysato, oo aad xammaaligan dhinacaaga ka soo gasho. Inta aad hawshan la qabsanaysana, waxa aan helo ayaan kala baranaynaa.” Ninkii waa yeelay taladaasi, waxa uuna maalintii ku xigtayba bilaabay in uu xammaali u soo shaqo tago.
Saddex beri ka dib ba, shaqadii waa la qabsaday, raggiisii ayuuna dhinac ka raacay, muruqiisii inta maalay, ayuu shiidkii iyo busaaraddii ka baxay, naagna inta guursaday, reer fiican yeeshay.

Fikirkaada Waa Muhiim