Isaga oo maalin ku jira Faysbuuggiisa ayaa Faysbuug waxa uu soo hordhigay dad farabadan oo uu leeyahay ‘ku darso’. Dhuux,horay kaga ma darsane, aad buu u fiirfiiriyey dadkii, isaga oo is lahaa ku darso qofka aad u aragto macquul. Inta uu dadkii eeg eegayey, ayaa waxa ka soo horbaxay qof uu u saaran yahay sawir aad iyo aad u qurxoon. Waxa uu qofkaasi ahaa gabar dhallinyaro ah, oo u la muuqatay tii Soomaali ugu qurxoonayd, magaca ugu qoranna uu ahaa Sacdiya. Xoogaa ayuu profile keedii sii raacraacay, kolkaas buu had ba arkaa sawir bilicsan oo maankisa ruxa. Xoogaa yar ka dib ba, waa uu ku darsaday, iyana, shaw markaasi Online bay ahayde, isla markii ba waa ay aqbashay.

Dhuux, quruxdaas baa dardartee, is la jeerkaasi ba, waan salaamay. Waa laga qaaday. Kolkaas buu cabbaar la sii sheekeystay. Markii hore, iska tijaabi buu lahaa qoftaan bal in ay kula sheekeysan karto, oo si fiican uma aaminsanayn in ay la sheekeysan karto, oo waxa uu is lahaa qoftaan rag oo dhan baa dabayaacayee, adiga fursad ka ma heli kartid, laakiin runtii soo dhawoow uusan filanayn baa la soo dhaweeyey.

Dhuux, markii uu arkay sida uusan filayn ee ay u soo dhaweysay Sacdiyo, waxa uu bilaabay in uu xiriir la sameeyo joogta ah, oo maalin walba Faysbuug kala haasaawo. Sidii uu qoraal uga la sheekeysaneyey, markii dambe, waxa uu bilaabay in uu Messenger ka dhex waco, oo uu toos u la hadlo. Ayaan ka dib, waxa uu ka qaatay taleefoonka, oo haddii uu Faysbuug iyada oo Online ah ka waayo, ka wacaa. Wiilkii Dhuux ahaa, aad buu ugu daba dhacay Sacdiyo. Quruxdeeda waxaa ba ka daran, hadalkeeda macaan ee jacaylka ku dheehan yahay ee qajilka aanan lahayn ee xadda kicinaya. Dhawr jeer baa Dhuux ka codsaday in ay kulmaan, kolkaas bay inta ka yeesho, lagu kulmaa, mar Beerta Nabadda, mar Liido, kolna maqaayadda Istambul.

In uu gabadhaasi dilo ayuu go’aan ku gaaray, laakiin dhibka ugu weyn ayaa ahaa in uusan aqoon ba gurigeeda iyo halka ay deggan tahay. Wax kale ma samayn kara e, inta uu wacay gabadhii ayuu haaraan, habaar, cay iyo qeylo isugu daray.

Marka ay isku yimaadaan, Sacdiyo, ma jecla in ay meel fog ka fariisata e, iyada oo aad isku soo qurxisay bay inta agtiisa soo fariisato, oo isku dhejiso ayey hadallo macaan oo maankiisa lula ku tiraahdaa. Haddii ay aragto firaaqo yar iyo dadka indhihiisa oo ka jeestay, mac ayey ku dhejisaa. Kolkaas baa Dhuux inta dareenkiisa meesha ugu sarreeyo tago, aad iyo aad u qasmaa. Markii uu isna fursad yar helo, waxa uu isku dayaa in uu meelo gaar ah ka taataabto, markaas buu arkaa iyada oo isku kala bixinaysa oo ‘yac’ aan iska dhahayn!
Dhuux, maalin maalmaha ka mid ah ayaa Sheydaan u sheekeeyey. Waxa uu isku la warramay in uu Sacdiyo guri inta ku ballansado, uu la baashaalo, maadaama uu arkay in aysan diidayn. Wiil ay saaxiibbo yihiin oo ay isku jaamacad ahaayeen, oo qol kiro ah keligiis degganaa, ayuu maalin inta u tagay ka codsaday in furaha siiyo. Wiilkiina waa ka yeelay.
Maalin Khamiis ah ayuu Sacdiyo gurigii ku ballansaday. Xilli casar ah ayey ugu timid iyada oo sidii si ka sii daran isku sii qurxisay,oo misena udugga iyo carafta ka baxaysa aan la qiyaasi karin. Markii ay u soo gashay ba, Dhuux hawada ayaa ka qasantay. In yar markii ay wada fadhiyeen, ayey inta u soo dhawaatay sideedii ‘mac’ heer sare ah siisay. Dhuux inta is qaban waayey ayuu taataabasho ugu dhaqaaqay. Waa sidii ay rabtaye, inta indhaha dallacday, oo reen bilawday ayey is kala dhigtay. Waa nin la hayee, inta qaarka dambe u deylay ayuu horay xaajaysi uga bilaabay. Qof macallimad ah ayey ahayde, wiilkii tab iyo raaxo uusan weligi arag ayey u samaysay, kolkaas baa Dhuux, oo shaw aad u hamuun qabay, toddoba jeer galabtaas ka waraaabay. Markii ay hawshii dhammaysteen ayuu sii sagoontiyey.
Dhuux, galabtaas waxa uusan weli arag ayuu arkay. Gabar qurxoon, oo reero jacayl ah, dhego nugul, dareen xoogle leh, isla markaasina raaxo qanja kuu geynaysa, ayaa uu helay! Wiilkii jacayl hor leh buu ba u sii qaaday Saciyo. Sidii ayuu xiriirkii iyo mid ka sii fiican u la sii yeeshay.
Dhawr jeer oo kalana isla gurigii ayuu inta ku ballansaday, sidii loo marqaami jiray iyo si ka wacan Sheydaanka la isaga naaraa.
Ayaan ka dib, wiilkii Dhuux ahaa war uusan ku farxin ayaa u yimid. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa isaga oo sidii sii u lasheekeysanaya Sacdiyo, waxa ay mar u sheegtay war gebigiisii ba beddelay. Waxa ay ku tiri hadal kan, “Macaane, qalbi, Dhuuxow, arrin yar oo aan kaa qarin jiray ayaan doonayaa in aan kula wadaago.” Suuye, “Macaanto soo daah.” “Macaane, wax kale ma ahane, waxa aan ahay gabar la nool cudurka AIDS ka. Marka waxa aan doonayey in aan arrintaasi ku sheego.” Wiilkii inta naxay ayuu ku yiri, “Walaalay ha igu ciyaarin, maxaad sheegaysaa?” Saye, “Xabiibi, Walaahi Billaahi, cudurkaas baan qabaa.” Dhuux, isla markii ba khadkii ayuu jaray.
Si uu arrintaasi u soo caddeeyo, waxa uu tagay isbitaal, kolkaas baa loo sheegay in uu qabo cudurkaasi. Inta uu naxay oo caddaaday oo madoobaaday, ayuu waalli ku dhawaaday.
In uu gabadhaasi dilo ayuu go’aan ku gaaray, laakiin dhibka ugu weyn ayaa ahaa in uusan aqoon ba gurigeeda iyo halka ay deggan tahay. Wax kale ma samayn kara e, inta uu wacay gabadhii ayuu haaraan, habaar, cay iyo qeylo isugu daray. Markii uu hadalkii dhammaystay ayaa inta lagu qoslay waxaa war oo dhan loogu soo koobay, “Ku soo dhawoow nolosha cusub.” Dhacdada waxa iga warrantay gabar ku jirta bogga aan Faysbuug ku leeyahay oo la yiraahdo Farxiyo, oo wiilkaasi ay ilma adeerro yihiin.

Fikirkaada Waa Muhiim