Laabjabkii iigu horreeyey, waxa aan la kulmay maalintii aniga oo jira 7 sano aan tagay iskool, markaas oo ninkii maamulayey uu igu yiri: Maxaad halkaan ka soo doontay, maad birtiinnii tumatid? Marka uu saas i lahaa, waxaa ag taagnaa macallimiin iyo dad kalaba, kolkaas bay kulligood wada qosleen iyaga oo u muuqday in ay fekerkaas ku raacsanaayeen!” Maxamed Xasan Cali Weji ayaa sidaas yiri, isaga oo sii daba dhigay, “Hadalka xun ee yasmada ah ee niyadda dhaawaca, maalin weliba waan ku qoraacdaa, waana ku qadeeyaa. Waxa ahay golqaniinyada jaahilka.
Maalin kasta waxaa iga horyimaada 10 jaahil oo jirkayga cad fuqsada.” Maxamed Xasan Cali Weji, waa aqoonyahan ka baxay jaamacaddii Lafoole, kuna takhasasay afka Ingiriiska. Waa macallin ka soo shaqeeyey waxbarashada asaasiga ah ee dalka. Waa wariye rugcaddaa ah oo ka soo shaqeeyey raadyow Muqdisho iyo Hargeysa.
Waa curiye caan ku ah hal-abuurka sheekooyinka gaagaaban. Waa qoraa soosaaray buug uu ku aruuriyey sheekooyinkiisa gaagaaban. Si kooban, waa nin dadka iyo dalka u soo shaqeeynayey muddo ka badan 40 sano. Beesha uu ka soo jeedo darteed, Weji, aqoontaas iyo adeeggaas ummadda uu u hayey kaga ma uusan helin bulshada mansab, aqoonsi iyo ictiraaf. Iska daa taase, xitaa kaga ma helo hadal fiican oo laabtiisa farxad geliya. Maalin waliba waxa uu la kulmaa kuwa toos u dhahaya iyo kuwa gadaal kaga xamanaya erayga `boon` iyo erayo kale oo ka sii liita oo lagu xaqirayo. Sidaas oo ay tahay, maalinna Weji kama niyadjebin in uu dadkiisa iyo dalkiisa ugu adeego aqoontiisa iyo waaya-aragnimadiisa.
Halyeygan, kuwo aan garaad ku dhammayn, ka feker iyo aqoon yar, baa maalin kasta hela mansabyo sare, sharaf iyo maamuus, oo weliba lagu casuumaa shirar iyo xaflado sare; dal iyo dibadba, magacooduna meel walba gaaraa. Waxa heerkaas u saamaxaya, waa beelaha awoodda haysta ee laandheerenimada sheeganaya ee ay ka soo jeedaan.
Hadda ma tahay xilligii aan odaygaas laabdhiqi lahayn oo, inta garka iyo gommadda qabsanno aan ku dhihi lahayn: “Aabbe, aad baan uga xunnahay khaladkii naga kaa soo gaaray. Aabbe, waan gafnee na cafi oo, naga raalli noqo.” Ma tahay wakhtigii aan ictiraafi lahayn oo aan siin lahayn ʻbillad geesiʻ iyo ʻbillad sharafʻ oo aan ku oran lahayn: “Aabbe, waad naga mudan tehee, qabso.”

Haddii uu fekerkan kula fiican, fadlan qoralkan sii faafi si uu u gaaro qof kasta oo Soomaali ah oo waxgarad ah, falcelis ku habboonna uu uga yimaado.

Fikirkaada Waa Muhiim