Buugga koowaad: nin qoraa ah, ayaa waxa uu buug ka qoray oday Soomaaliyeed (oo xog badan hayey) oo uu muddo dhan ag fadhiyey si uu buggaas u dhammeeyo inta uu nool yahay. Buuggii ayuu inta daabacay suuqa soo geliyey. Buuggii xiiso fiican buu yeeshay, macaamiil badan oo odaygaas danaynaysayna waa uu helay.

Cajabta dhacday, isku qolo ma aysan ahayn ninka buugga qoray iyo odayga laga qoray. Wiil iyo gabar uu odaygaasi adeer u ahaa oo hanti haystay baa arkay buugga adeerkood laga qoray oo, welibana si fiican u qoran isla markaasina la jeclaystay. Inta nuqul buuggii ka mid ahaa qaateen bay inta waddanka Shiinaha ku soo badsadeen, dal iyo dibedba ku firdhiyeen.
Qoraagii inta ka war helay baa dood lagu riiqmay la galay. Kuwii daabacday waxa ay ku doodayaan: ma taariikhda adeerkeen baad nagu haysataa. Buugga adeerkeen baa iska leh, maxaad ku leedahay adigu? Jaldiga ayuu magacaagu ku qoran yahay, waana kuu dhafnay oo kamana aannaan tirin. Isna waxa uu leeyahay: war buugga aniga ayaa ku feero jabay, laba sanana ninkaas ag fadhiyey, ee buugga aniga ayaa lehe, adinku mid kale qorta. Odaygii buugga laga qoray oo kala saari lahaa, sannad ka dib, daabacaaddii buugga ayuu dhintay.
Buugga labaadna: sida la wariyey, nin baa buug uu muddo qorayey markii uu dhammeeyey, isaga oo aan daabicin tii Alle inta u timid, geeriyooday. Kolkaas uu buugga dhammeeynayey, waxaa uu la noolaa ina adeerti laxmi ah, waxaana la joogay laba wiil oo ay dhashay oo uu abti labaad u ahaa. Markii uu qorihii dhintayba, iyagii ayaa buuggii gacanta ku dhigay. Inta magacyadoodii ku qorteen bay daabacdeen. Qoraha, nin ay qaraabo yihiin oo ogaa in uu buuggaas qorayey, ayaa 10 sano ka dib ka warhelay buuggii oo magaalada ku jira. Nimankii ayuu qabsaday. Ninkani waxa uu ku doodayaa, in buuggaas uu leeyahay ninkaas qaraabada ay ahaayeen, nimankaanna ay daabacdeen maadaama uu ninku la noolaa, iyaga keliyana ay hayeen asalka buugga.
Kuwa kalana waxay ku doodayaan, in iyagu ay qoreen buugga, abtigoodna uu ku saacidi jiray qeybaha hore ee buugga, iyagana ay dhammaystirteen. Laakiin khaladka ay sameeyeen uu keliya yahay, in ay ka tageen mahadcelinta abtigood, ayna ku darayaan daabacaad soosocta. Halkaana waxaa qoorta isku la jira wiilal iyo abtiyaashood.
Ma tahay garyaqaan rabbi iyo rasuul iyo rag yaqaana? Haddii ay jawabtu haah, talo ku biiri odayaasha gartaas ku jira, aniga ayaa kaa gaarsiinayee. Haddii aad is leedahay dad kaaga wanaagsan baa jira, sii gaarsii kuwaas.

Fikirkaada Waa Muhiim