Silsiladda cuntada waxa aan ku soo aragnay in dadku cuno ariga. Majiraa cunnooyin kale ee uu dadku cuno? Ma jiraa xayawaanno kale ee cuna ariga?

Silsilada cunto ma aha silsilad toosan, sababta oo ah xayawaannada intooda badani waxa ay cunaan wax kabadan hal nooc oo cunto ah. Dadku, tusaale ahaan waxa uu cunaa cuntooyin kala duwan oo aan ariga keli ahayn. Ariga waxa kale oo cuna dawacada, waraabaha, weer calaanka, libaaxa, dhurwaaga, haramcadka, shabeelka, gaduudanaha, dabacadeeyaha iwm. Habkaan ayaa dhawr silsiladdo-cunto isugu xirxirmaan midba midka kale, iyaga oo samaynaya wax lagu magacaabo shebekadda cuntada.

 

Tusaalaha shebekadda cuntada:

Waxaa jira noocyo kala duwan oo ah shebekado cunto oo laga heli karo dhulka, badda, webiyada iyo harooyinka. Eeg tusaalahaan waa shebeked badeed, eeg sida ay isugu xiran yihiin oo midba midka kale uquudanayo iyo inta ay leekaan karaan cadadkooda.

 

 

Isku soo wada duuduubo, noolayaasha oo dhan waxa ay ubaahan yihiin cunto, waa ay isku dul tiirsan yihiin midba midka kale si ay u noolaadaan, koraan, una tarmaan.

Dhirta cagaaran waxa ay cuntadooda ku samaystaan caleemaha iyaga oo isticmaalaya habka loo yaqaan footosintasiska.

Faraqa ugu muhiimsan ee u dhexeeya dhirta iyo xayawaannada, waa iyada oo xayawaannadu ay si toos ah u cunaan dhirta, si aan toos ahayn iyo iyaga oo cuna xayawaannada kale ee quuta dhirta.

Fikirkaada Waa Muhiim