Dhirtu waa bah aad ubalaaran oo ka tirsan boqortooyada. Dhirtu waa noole samaysta cunadiisa iyagoo adeegsanaya kaarboon laba ogsaydh iyo biyo si loo soosaaro gulukoos, biyo iyo tamar ama ogsijiin . Saynisyahanada ayaa noolaha ukala saaray laba qaybod qayb ay ubaxsheen sentiifik ahaan zoology iyo qayb ay ugu yeeraan botany. Qaybta kowaad waxa ay ku sheegeen waa barashada xayawaanaadka. Qaybta botany waxa ay dheheen waa barashada dhirta iyo xiriirka ka dhexeeya dhirta iyo deegaanka iyo sida ay uga qayb qaadato shabakada ekoolojiga. Abuuritaanka dhirta waxay horumarisaa carbinta dhulka si ay unuqoto mid beerashada ku wanaagsan. Sababaha dhirta loo abuurana waxa ka mida:-

  1. Hooy

  2. Hu’

  3. Cuno

  4. Qurxin

  5. Dawo

  6. Difaac

  7. Harsi

  8. Iwm

Dhirtu waxay leedahay faa’idooyin aan la sookoobi Karin. Waxay dhirtu bishaa oo qurxisaa deegaanka. Waxaan ka helnaa difaac, waxaan ka jirsanaa roobabka, waxaan kagalnaa qundhacada kulaylkeeda. Waxay naga caabisaa dabaylaha, roobabkana waan kaga gabanaa, waxaan ka dhaxalnaa dawo. Waxa dawooyin jira asalkooda waxaa laga keenaa dhirta. Waxay nootahay hoy’ waa u hoyanaa habeenkii, waxay nootahay hu’.

Dhirta ayaa ah jiritaanka noolaha. Waayo haddii dhir la waayo lama heli karo wax noole ah. Nooluhuna waxa uu ku tiirsan yahay dhirta, oo ma uu samaysto wax cuno ah. Sidaa daraadeed, dhirta faa’idadeeda laguma soo koobi karo duur xul kooban.

Fikirkaada Waa Muhiim