Waxaan halkan idiin kuso gudbin doona maqaal an xooga ku saarayo ififaale asal guur luuqadeed oo ku socda afka hooyo iyo  dib u dhac iyo habacsanaan ka muuqata in la muquuniyo ama la hor istaago asal guurka afka soomaaliga. Arintan  ayan u arkay in ay lagama maarmaan u tahay in wax laga qoro lagana hadlo.

 Miyuu jiraa asal guur afeed?

Sida laga dheehanayo hab dhaqanka bulsho waynta soomaaliyeed ee xiligan waxa dhab ah in la dareemayo dabar go’ iyo asal guur si dardar leh ugu soconaysa afka soomaaliga.

Isticmaalka luuqadaha qalaad ee nolosha caadiga ah sida qaadashada magacyo qalaad ama ereyo qalaad kuwaas oo badalay ereyo iyo magacyo soomaaliyeed ayaa muujinaya sansaan asal guur afeed.

Tusaale waxaa asal doorsoomay magacyada raga iyo haweenka waliba naynaasaha ayaa hada noqday kuwo gabi ahaanba asal guuray badankood, waxay dhagahaagu maqlayan  qof loogu wacayo macag ama naynaas qalaad, laakiin waxaa cajiib ah sida uu qofkaasi ugu riyaaqsan yahay.

Magacyada goobaha ganacsiga iyo ereyada nolosha quseeya ayaa ah kuwa ka turjumaya sida xaalku yahay. Casharada dugsiyada ayaa badankood ku baxa luuqado qalaad taas oo kaabid  iyo caawin xoog leh u noqonaysa dabargo’a luuqadeed, hadii ad dib u milicsano muqararka wax barasho ee dugsiyada sare oo muujinaya in ardaygu helo 2 xiisaadood oo afka-soomaaliga lagu baro iyo 5 xiisadood oo afka ingiriiska lagu baro ayaa sawir guud kaa siinaysa sida ay suurta gal u tahay asal guurka afeed ee goobaha waxbarashada.

Deegaanada iyo magaalooyinka ayaa ah mid sawir ka bixin karta sida ay bulshadu ugu xiran tahay luuqadeeda, barisamaadkii deegaanada la magaaleeyey dhamaan waxa laga dheehanayaa  sida afka-soomaaligu uu u ahaa muhiim magac bixinta, magaalooyinkii hore waxaa ka mid ahaa Ceerigaabo, Kalabayr,Burtinle,Laascaanood IWM, laakiin deegaanada hada la magaaleeyey ayaa kuu muujinaya in ay jirto sansaan asal guur luuqadeed, waxaa lagu magac dhabaa magaalooyinka cusub magacyo luuqado qalaad sida Daarasalaam, Faluuja IWM.

Ma jiraa dhaqdhaqaaq lagu hor-istaagayo asal-guurka afka hooyo?

Waxaa jira dhaqdhaqaaqyo badan oo looga hortagayo arintan, laakiin hadana saamayntu ay kooban tahay, koobnaan  ta saamaynta dhaqdhaqaaqyadan aya loo aanayn kara sababo badan. sida ololihii soo noolaynta afka hooyo  ee sanadkan ka bilowdo muqdisho, wuxuu ahaa olole wax badan ka katari karay hor istaagida asal guurka afka iyada oo dadka lagu war galinayey in ay goobahooda ganacsiga ku qoraan magacyo soomaali ah, hadana marka loo eego gayiga afka soomaaliga looga hadlo oo balaaran saamaynta ololahaan ayaan wax badan hor istaagi Karin.

Abwaanada,Qoraayada,Warbaahinta iyo dhalinyara ayaa si wayn ugu istaagay u hiilinta afka iyaga oo dhaqdhaqaaqyo badan oo kala duwan sameeyey si loo hor istaago aafada asal guurka afka.

Abwaano badan ayaa curiyey suugaan ay ku cabirayaan qiimaha afka iyo muhiimadiisa si ay bulshada ugu cadeeyan in uu afku yahay hanti la hubo.

Abwaan Xasan C/laahi Ganey ayaa ka mid ah abwaanada maansooyinkooda ku cabiray sida ay ula dhacsanyihiin afkooda ayna u ilaashanayaan wuxuuna yiri:-

-habeen iyo nin liita

-dhaqankiisa hiifee

-afka inaan ka haajiro

-waan iskala hanwaynahay.

Abwaanad Hodan shiikh Cumar ayaa iyaduna maansadeeda ku baraarujisay bulshada in ay iska jiraan afafka qalaad, waxaana ka mid ahaa maansadeedii:-

-ereygii qalaad inaga jira, waa ibtilo jaane.

-oo aruursha suugaanta iyo, arar afeedka.

-isirkeena weeyan afkani, Ab iyo Oodeene.

-allahayow adigaa noo gartaye, ereyga noo xooji.

Abwaan Bashiir Cabdiraxmaan Diiriye (Quule ) ayaa isaguna tixdiisa ku yiri isaga oo dhiiri galinaya in bulshadu ilaashato luuqadeeda:-

-Murtida luuqadeena hooyo

-waxa magaceeda gaabshay

-Kuwii maarayn lahaaye

-Hadaan markan loo istaagin.

-Macnuhu waa dhumahayaaye.

-Muhiimada haatan Saara.

-Macaansada luuqadiina.

Qorayaasha ayaa iyaguna kaalin wayn ka qaatay noolaynta afka waayo waxay suurta galiyeen qoraalo iyo buug kuwaas oo wax badan ka suurta galin kara hor istaagida asal guurka afka hooyo.

Warbaahinta ayaa iyaduna si wayn uga qaybqaadatay noolaynta afka,  idaacahada ayaa suurto galiyey  barnaamijyo u gaar ah afka, suugaanta iyo dhaqanka.

Dhalinta ayaa iyaguna hardan wayn u galay hor istaagida asal guurka afka, qabashada bandhigyo suugaaned iyo buugeed ayaa suurta galin kara inu wax wayn ka caawiyo dhaqdhaqaaqyada hor istaaga asal guurka luuqada.

Halku-dhiga  qoraalka

Afka waw halgamaya

-Haduu eray kasoo haro

-Isagaan huwanayaa

W/C:  Abwaan Xasan C/laahi Ganey

Guntii iyo gabo gabadii waxaa xaqiiq ah inuu jiro asal guur afeed oo si dardar leh u socda, laakiin waxa aan la iska indho saabi Karin in sidoo kale ay jiraan dhaqdhaqaaqyo badan oo lagu hor joogsanayo asal guurka luuqada, waxaa muhiim ah in bulshadu ay ka qayb qaadato noolaynta afka waana waxa ugu muhiimsan.

Fikirkaada Waa Muhiim