Dhamaan ammaan oo dhan waxay u sugnaatay allaah (SWT) ee nagu manaystay nimcooyin badan oo aan xisaab lahayn iyo rasuulkiisii suubanaa Muxamed (CSW). Intaa kadib waxaan salaamayaa guud ahaan Muslimiinta, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed. Asallaamu calaykum warmatullahi wabarakatuh.

Marka hore inta aanan u gudo galin ujeedka qormada waxa aan jeclahay inaan hambalyo iyo bogaadin udiro ciidanka xooga dalka soomaliyeed oo ay maantay ugu astaysantahay munaasabadda xuska sannad-guurada 56-aad ee ka soo wareegtay aasaaskoodii oo ku beegan 12-ka April,2016.

Sida aynu ka wada dharagsanahay wixii ka danbeeyey burburkii dawladii dhexe waxaa iyana meesha ka baxay ciidankii xooga dalka Soomaliyeed oo runtii ahaa udub dhexaadkii dawladnimo, dawladihii kumeel gaarka ahaa iyo mida hada jirtaba waxaa ay ku guul daraysteen dhismaha ciidan qaran oo hanta amniga dalka.

Qodobka126aad ee dastuurka jamhuuriyada federalka Soomaliyeed waxaa uu qabaa (1)Xukuumadda Federaalku waxay damaanad-qaadaysaa nabadda, gobannimada iyo ammaanka qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo bedbaadinta shacbigeeda,iyadoo la adeegsanaayo adeegyada ciidammada amniga oo uu ku jiro Ciidanka xoogga dalka. Hadaba hadii axdi qarameedku farayo in xukuumada federalka dhisto ciidan qaran maxaa hortaagan In dib loo unko ciidankii xooga dalka soomaliyeed oo runtii ahaan jiray libaaxyadii Africa,waa muhiim in dawlada federalka soomaliyeed ay garowsato in la taagan yahan xiligii dib boorka looga jafi lahaa ciidankii xooga dalka ee burburkii qaranku kala daadshay.

Soomaalidu waxaa ay ku maahmaahdaa “Biyo sacabadaada baa looga dhargaa”,waxaad ku oon baxi kartaa markii aad gacmahaaga biyaha kaga dharagto, waa muhiim in la garwaaqsado dhismaha ciidanka xooga dalka oo runtii iyagu si fudud ku hanan kara amniga dalka soona celin kara xasiloonida iyo kala danbayntii dalka ee luntay mudada ku dhow nus qarniga.
Dalka Soomaaliya waxaa uu ubaahan yahay geesiyadii ku heesi jiray;

Hadii aanan dhulkaygow
Gaajo kuugu dhubnaan
Hadii aanan dhibaatada
Dhexda suunka ku adkayn
Hadii aanan dhaxantiyo
Milicdaba u dhereran
Soomali kama dhalan.

Dawladnimo taam ah waxa gun dhig u ah in la helo xoog ciidan oo socodsiiya shuruucda dalka isla markaasna sugga qiyamka dawladnimo,hadii aan xaqiiqda indhaha laga qarsanayn suuro gal maha in ciidan shisheeye uu dalkeena ka dhalin karo nabad iyo xasilooni waarta. Nabad geliyadu waxaa ay timaada markii la helo naftood hurayaal u heelan inay ka hortagaan wax walba oo lidi ku ah xasiloonida ,waa been ciidmo qaran la,aan ayay ciidmo shisheeye xasiliniyaan dalka.

Watii murtidu ay lahayd;
Bushimaha dushoodiyo
Been weeye nabaduye
Baruudda qiiqdiyo
Buntukh weeye duniduye.

Joogitaanka ciidamada shisheeya ee dalku waa curyaamin lagu naafaynayo inuu hanaqaado dhismihii ciidanka qaranka ee hanan lahaa dalka,suuro gal ma tahay in beesha calaamku dhisi waydo ugu yaran 10,00 oo askari oo hanta dalka soomaliya waa hadii ay daacad ka yihiin in dalka soomaliya cagihiisa isku taago. Waa iyaga 30,00 kun ee askari mushaarka siiye oo waliba midkiiba uu qaato $1,200 dollar waa ciidanka Amisome.

Helida ciidan qaran waxaa ay ku xiran tahay hadba sidii dawlada iyo shacabka soomaliyeed ay u fahaam muhiimada ay leeyihiin ciidan qaran,mana ahan fikir saxan inaan aamino askar shisheeye iyagoo ay joogaan askarteeni oo runti ka karti iyo hawl karsanaan lahaa hadii la isku howli lahaa dhismahooda.

Ilahay waxaan ugu baryaya inuu janadii fardowso ka waraabiyo geesiyaashi usoo dhintay in dalkani xor ahaado iyo waliba askari walba oo dhintay isaga oo gudanayo waajib kiisa qaran ee dastuuriga ah. Waxaan kusoo afmeeraya qormada in aan ugu baaqo xukuumada federalka soomaliyeed,dawlada goboleedyada iyo guud ahaan shacabka soomaliyeed inay u guntadaan fadhigana uga kacaan dib usoo nolaynta ciidanka xooga dalka soomaliyeed.

Soomaliya guul,Soomaliya Midnimo iyo israac

Fikirkaada Waa Muhiim