Baaritaankaan waa ka duwan yahay marka loo fiiriyo baaritaankii hore ee serum-ta laga baaraayay creatinin-ta waxay ku kala duwan yihiin cabbirada tusaale creatinin-ta marka laga baaro dhiigga aan midabka laheyn cabbirkooda waa mid ka yar marka laga baaraayo kaadida waxaana cabbirkooda badan creatinin-ta laga baaray kaadida.

Sida layskugu Dhalada 1aad Dhalada 2aad Dhalada 3aad
daro. blank standard sample/ urine
       
Distilled 3ml    
water      
       
Standard   3ml  
       
Diluted urine     3ml
       
Pictric acid 1ml 1ml 1ml
       
0.75 NaOH 1ml 1ml 1ml
       

Cabbirka saxda ah ee laga rabo ragga iyo dumarka waa ku kala duwan yihiin, ragga cabbirka laga rabo wuxuu gaaraa 40—300 mg/dl sidoo kale cabbirka dumarka wuxuu gaaraa 37—250 mg/dl.

Maxaa sababa in ay creatinine-ta ku badadto dhiigga ama kaadida?

  • Bukaanka in uu qabo renal damage kelliyaha in uu dhaawac soo gaaro ama qofka aan laga daaweynin infection-ka sidoo kale waxa keeni kara kelliyaha in ay ku yaraadaan dhiigga macnaha dhiig badan inuusan soo gaarin kelliyaha waxa kale oo keeni kara kansar inuu ku dhaco qofka.

  • Creatinine-ta in ay dhiigga ku badadto waxa keeni kara tiibishada ku dhacda kelliyaha iyo sidoo kale inuu xirmo hab dhiska kaadi mareenka waxaa kale oo keeni kara fuuqbax iyo sidoo kale qofka marka uu sameeyo jimicsi farabadan iyo daawooyin qaar sidoo kale xanuunnada ku dhaca wadnaha waxay keeni karaan in ay creatininte-ta ku badadto dhiigga.

Maxaa sababa in ay creatinine-ta ku yaraato dhiigga?

  • Waxa sababi kara qofka inuu xanuun daran ka qabo beerka

  • Waxaa kale oo sababi kara qofka haddii uu cuno cunto ku yar borotiinka waxa hoos u dhacaayo creatinine-ta

  • Waxa sababi karo in ay creatinine-ta ku yaraato dhiigga qofka hadii uu yar yahay murquhiisa ama culayska murqaha oo yaraada waxay keeni karaan in ay creatinine-ta hoos u dhacdo sababtoo ah creatinine-ta waxa laga soo saara murqaha.

  • Dumarka uurka leh creatinin-ta ku jirta dhiiggooda hoos ayey u dhacaan laakin marka ay dhallaan waxay kusoo laabtaan sida caadiga ah

Uric acid: waa aasiidh ku dhisan curiye hawo ah oo si dabiici ah jirka uga dhasha waxaa si gooni ah loogu arkaa bu’da unugyada waana walaxda kaadida jirka ka soo baxda oo ka samaysanta. Noocaan aasiidhka ah asigoo shabbaha dhalo burburtay ja-jabkeeda oo biriq-biriq leh ayey gashaa isgalka lafaha gaar ahaan suulka weyn ee lugta taasoo ay ku dhaliso cudur.

Waa maado ka timaada jirka gaar ahaan marka uu jirka burburin ku sameeyo maadada loo yaqaano purine-ta, purine-ta waxa laga helaa cuntooyinka la cuno sida beerka, digirta iyo cabitaannada qaar, uric acid-ka inta badan wuxuu ku milmaa dhiigga, dhiigga marka lagu soo daro kelliyaha ayaa waxay ku samayaan kala miirid (filtration), kadib ayaa lagu soo daraa kaadida uric acid-ka.

Cabbirka saxda ah ee laga rabo in ay jirka ku jirto uric acid-ka in kastoo ay ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarka, ragga qaan gaarka ah qiyaas ahaan uric acid-ka dhiiggooda ku jira wuxuu gaaraa 3.5 ilaa iyo 7.2 mg/dl halka dumarka qaan gaarka ah ay ka yihiin 2.6 6.0 mg/dl laakin waa marka laga baaro dhiigga aan midabka laheyn sidoo kale caruurta marka laga baaro uric acid ka ku jira dhiiggooda wuxuu gaaraa 2.0 5.5 mg/dl.

Mararka qaar jirka wuxuu soo saaraa uric acid farabadan waa marka ay ku badadto dhiigga waxaa loo yaqaanaa hyperuricemia, hyperuricemia waa marka ay uric acid-ka ku badadto dhiigga tani waxay keentaa in uu qofka ku dhaco cudurka loo yaqaano gout.

Gout: waa marka uu aasiidhka kaadida sameeya uu siyaado ahaado oo sababta in ay cusbada jirka badadto ku darsamaan dheecaannada jirka. Wuxuu aasiidhka noqdaa quruur ja-jabta oo sida dhallada oo kale u dhalaalysa islamarkaana gaara hab dhiska wareega dhiigga iyo isgalada lafaha jirka.

Waxay dhalisaa in isgalada lafaha ay burburaan oo nabro dil-dilaaca ah noqdaan waxay kaloo wax u dhintaa maqaarka jirka iyo carjawda dhegta, aasiidhka hadii uu siyaado waxa laga yaabaa inuu wax weyn gaarsiiyo kellida isla markaana dhagaxyo ku abuura, waxaa daawo u ah in la adeegsado daawooyin siyaadiya kaadida jirka ka baxda ama hoos u dhiga aasiidhka jirka oo kaadida ka dhashta.

Uric acid-ka marka ay ku yaraato dhiigga waxa loo yaqaana hypouricemia, hypouricemia waa marka ay dhiigga ku yaraato uric acid-ka xaalladaan marka ay ku dhacdo bukaanka astaamaha oo ka cawdo waxa ka mid ah beer xanuun inuu qabo iyo sidoo kale xanuunnada ku dhaca tubbooyinka kelliyaha inta badan waxa lagu arkaa cudurka loo yaqaano fanconi syndrome, sidoo kale waxa keeni kara qofka inuu isticmaalo cuntooyinka ay ku yar yihiin purine-ta.

Fanconi syndrome: waa jiro ku dhacda tubbooyinka kellida taaso ka dhallata si dhaxal ah ama caadi ah oo u badan caruurta.

Astaamaha lagu garto waxay tahay kaadi badan oo wadadta sokor iyo kiimiko iskudhis ah (uric acid) in kastoo dhiiggii la qaado oo la baaro ay labadaba caadi ka yihiin in lagu arko waxa intaa wehliya lafo xanuun iyo tabar-daro.

Fikirkaada Waa Muhiim