Marka aad ku baareyso creatinin-ta semi-automatic machine waxaa soo diyaarsanee seddax dhalo ama glass test tube mid walba waxa u samaynee sumad lagu garto sidoo kale waxaad soo diyaarsanee daawooyinka lagu baaro creatinin-ta laakin shirkadaha soo saara daawooyinka waa ku kala duwan yihiin sababtoo ah qaar waxay soo saaraan ayagoo diyaarsan qaarna waxay soo saaraan ayagoo laysku qasaayo daawada lagu baaro creatinin-ta waxay ka kooban tahay sodium hydroxide NaOH iyo picric acid labadaan daawo marka laysku daro waxaa loo yaqaana working reagents.

Qaabka layskugu daro daawada.

400 µl oo distilled water ah oo lagu daray 500 µl oo NaOH ah oo lagu daray 100 µl oo picric acid ah intaan marka laysku daro waxay noqonayaan 1000 µl waxaana loo yaqaana working reagent.

Standard-ka creatinin-ta waa 2.0 mg/dl standard-ka wuxuu marwalba ku tilmaamayaa in ay daawada tahay mid shaqeynaysa iyo in kale.

Tusaale sida Dhalada Dhalada Dhalada 3aad
loo diyaariyo 1aad 2aad Sample/serum
  blank standard  
       
working 1000 µl 1000 µl 1000 µl
reagent      
       
Standard   100µl  
       
Sample/serum     100µl
       

Cabbirka saxda ah ee laga rabo ragga iyo dumarka waa intaan dumarka cabbirkooda waa 0.6-1.1 mg/dl sidoo kale ragga cabbirkooda waa 0.7 1.3 mg/dl.

Fikirkaada Waa Muhiim