Marka la rabo in bukaanka loo sameeyo baaritaan ku saabsan kelliyaha waxa habboon in labo baaritaan loo sameeyo, macnaha dhiigga iyo kaadida ayaan si isku mid ah looga baaraa creatinine-ta ku jirta. Waxaa isticmaaleenaa creatinine clearance test si aan u ogaano shaqada ay kellida qabadto. Waxaa jirta qaacido loo isticmaalo in lagu soo saaro shaqada kellida ay qabadto.

Crcl= urine creatinine × volume urine ÷ plasma creatinine × Time ml/min.

Urine creatinine: waa creatinine-ta ku jirta kaadida marka labaaro.

Plasma creatinine: waa creatinine-ta ku jirta dhiigga aan midabka laheyn marka la baaro.

Volume urine: waa cadadka kaadida loo baahan yahay ama tirada loo baahan yahay tusaale ahaan 2 liter ama 1.5 liter ama 600 ml.

Time: waa waqtiga lagu soo arruuriyo kaadida.

Sawirkaan wuxuu tusaale u yahay sida loo xisaabiyo creatinine clearance test.

 

Marka aan baarayno creatinin-ta ku jirta dhiigga aan midabka lahayn (serum) waxan ka ogaan karnaa in ay kellida caafimaad qabto iyo in uu cudur ka jiro kellida.

Haddii ay creatinin-ta siyaado ku noqoto dhiigga waxa dhici karta in ay jiraan cuduro la xiriira kelliyaha sababtoo ah maadadaan waa maado wasaq ah oo laga qashan saaro kellida marka lagu arko dhiigga xadi farabadan oo creatinine ah waxay dhibaato ka jirtaa kelliyaha waliba qaybta nephron-ka, hore ayaan uga soo hadalnay nephron-ka iyo waxa uu qabto. 

Haddii creatinine-ta ay ku badadto dhiigga aan midabka laheyn marka la baaro tusaale ahaan hadii ay ka badadto 1.1 mg/dl ay gaarto 1.8 mg/dl laakin ay ku yaraato kaadida marka laga baaro creatinine-ta ku jirta taasi waxay cadeyn u tahay in ay jirto (kidneys problems) qofkaasi wuxuu ka xanuunsan yahay kelliyaha sabatoo ah kelliyaha si fiican uma qashin saarin creatinine-ta ku jirtay dhiigga taasi ayaa keenaysa in ay dhiigga ku badadto creatinine-ta.

Sidoo kale hadii ay maadadaan creatinine-ta ay ku badadto kaadida marka lagu sameeyo baaritaan laakin ay ku yaraato dhiigga taasi waxa dhihi karnaa kelliyaha waa mid shaqadoodu fiican tahay sababtoo ah si fiican ayey jirka uga qashan saareen maadada creatinine-ta.

Marwalba waxa wanaagsan in bukaanka laga baaro creatinin-ta ku jirta dhiigga iyo kaadida waa sida ugu fiican oo lagu ogaan karo caafimaadka kelliyaha.

Sidee loo baara creatinin-ta ku jirta dhiigga iyo creatinin-ta ku jirta kaaadida.

Fikirkaada Waa Muhiim