Hantida kaliya aynu haysanno waa wakhtiga, marka iskuday in aad ilaashatid wakhtigaaga, haddii uu ahaa mid yara hooseeya waa in aad noqotaa mid ku fakara ama marwalba maskaxdiisu ushaqayso dhinaca fiican, waa in aad mar kasta xagga fiican aad wax ka eegtaa, haddii aad imika xanusaney-sid waa in aad xagga fiican ka eegtaa, marka haddii aad Illaahay tala saaratid waad caafimaadaysaa. Sidoo kale haddii horumarkii aad wadday kaa horyimaadan carqalado ama wax xun, kaddibna aad xagga fiican ka eegto way hagaagaysaa waanad ka gudbaysa oo riyadaadii ayaa kuu rumoo-baysa, laakiin haddii aad xagga xun ka eegto waa xagga tabane waxabay sababi karta in aad horumarka aad wadday halkaa ku joojiso. Sidaasi daraddeed waa in aad hore uga socotaa waxkasta oo ka hooryimaadda. Natiijada kuu so baxdaa waxa ay noqon doontaa mid aanad suuraysan karin oo kasii fiicnaata saad ku waddayba haddaad samayso.

Garo naftaada waxa dhiirri geliya ama farxad geliya si aad naftaada u horumarisid

Ha dhagaysanin qofna, waayo dadka Illaahay abuurtay is ku wax ma dhiirri-geliyaan, qofba wax gara ayaa dhiirri-geliya inagu waxa aynu nahay dad muslim ah waxa dhiirrigelin inagaga filan diinteenna, sidaasi daraddeed haddii adigu meeshaad aad dhiirrigelinta ka heshid ha ku dawakhin jaraa’idka website ee adigu inta aad qol hoosta kasoo xidhato muddo30munite wayddii naftaada wax dhiirri Geliya waxa ay farxadda ka hesho haddii marka uu adiga ku dhiirri geliyo in aad daawato shiikh kamid shiikhyadeena, waayo anigu markaan u bahnahay dhiirrigelin waxa aan dhagaystaa ama daawadaa shiikh kamid ah shiikhyadeena layidhado “Shiikh Mustafe X.Haaruun”, laakiin adiga iyo anigu waan kala duwannahay waxana laga yaaba in adiga aad meel kale ka heshid dhiirrigelin iyo farxada, Dadka qaarbay dhiirri geliyaan ciyaaruhu qof uu kudaydo iyo waxyaabo badano kale. Sidaasi daraddeed dhiirrigelinta waa shidaalka cuntada horumarka ama wax qabadkasta oo aynu ka soo saarno natiijo lamahadiyo.

Mar kasta Iyo maalin kasta waa in aad ka fakartaa wax cusub oo aad naftaada Ku horumarinayso

Waa in aad ku raaxaysataa helidda fikrado cusub waana wax weyn oo faa’iido u noqon karta horumarka nafeed ee aynu doonayno, waxa aanay horumar gaadhsiin kartaa nafteenna waxa aannu ku xallin karnaa dhibaatooyinka,waana qayb aynu ku xakamayn karno nolosheenna aynuna ku gaadhi karno hadafkeena, waxa aynu ku xallinkarnaa caqabadaha inaga hooryimaadda ee maalin laha ah.

Qofkasta oo inaga mid ahi maalinkasta waxaa uu sameeyaa khaladdo badan, markaa dad ayaynu khalad keena u sheegnaa inaga oo warwarsan kaddib waxaa dhicikarta inaynu kala kulano waxaynaan mahadin,waayo qofkan kale sida u wax u arko iyo sidaad adigu u aragto ayaa kala duwan. Marka waxa aan inagu waani nayaa in aynnu mar kasta ku xidhanno hadafkeena Illaahayna waydisanno in uu ino fududeeyo ee aynaan ku xidhnaan in aynnu cid kale ku tirsanaanno.

Waxana mihiim ah in aynu ku xidhnaano hadafkeena si aynu u nolaanno nolol xor ah cid kalena aynaan ku xidhnaan. Tusaale kooban maalin maalmaha ka mid ah ayaa meel aan ka shaqaynayey waxa maamule ii ahaa nin, aniguna waxa aan jeclaa in aan la wadaago caqabad kasta oo aan u arko in aanaan xallin karin waanan xallin karayey, laakiin aniga ayaa awodayda xaddiday, ninkii markii aan u sheegay kiiskii aan kalsooni ku qabay in uu xallin karo ayaa waxa dhacday in aan halka kala kulmay nasiib darro aad u weyn,waayo ninkii aan islahaa ha ku caawiyo ayaa wixii aan anigu u sheegay kiis iiga dhigay, kaddib waxa uu ii gudbiyey ciddi ka siisaraysey waxana laygu ciqaabay in meeshii aan marka ka shaqaynaayey layga beddelo maamul kiina kalsoonidii uu iguqabay hoos usoo dhacdo laana dhagaystoo waxa uu iga gudbiyey, waayo wuu iga sarreyey kiis kaasuna waxa uu aha wax aad u fudud oo aan anigu xallin karaayay, laakiin dhabarjab weyn waxa ay ahayd kalsoonidii oo aanan anigu isasiine ee cidkale siiyey, Laakiin waxa aan kafaa’iiday cashar weyn oo waxa aan ogaaday in aan awoodaydii qaariyey aanigu illaa maalintana waxkasta in aan xallinkaro ayaa aan isku dayaa oo Iquseysaa, waxa aan tan idinku soo gudbiyay, waayo waa waxdhab ah oo aniga igu dhacay, waxa aan malaynaya in ay dad badan o da’yarta maanta ah ku dhacdo marka mana jecli in ay walaalahayga kale ku dhacdo.

Waa in aad samaysa dabagal iyo qiimayn joogta ah, oo aad naftaada ku samaynayso marka aad hadaf samaysid same qiimayn maalin walba ah si aad u ogaato waxa kuu qabsoomay iyo waxa aan ku qabsomin waxannad helidoontaa haddii aad samaysid in natiijo aad mahadiso waxana is beddeli doonta noloshaada dhammaanteed. Hadaf bila qiimayn ah waa cunto qaydhin oo aan lahayn dabkii lagu karin lahaa ama bila milixa sidaasi daraddeed aan ku wayddiiyo macuni lahayd? jawaabtu waa may, sidaasi daraddeed hadaf bilaa qiimayn ahi meel ma gaadhayo mana ka so baxayo natiijo la mahadiyaa.

Fikirkaada Waa Muhiim