Samee Arrimahan Si’aad u Noqoto Qof Hormuuda

Hadaf ama yool

Dhiirri gelin

Ka-go’naansho waa in aad yeelataa

Dedaal isdaba-jooga

Daacadnimo

Maamulka wakhtigaaga

Jooji Cabsida

Dhisidda kalsoonida naftaada.

Rajo iyo himilo saraysa a

 

Hiigsasho ama yool

Waa qorshe cad oo caafimaad qaba oo aad ku soconaysid si aad ugaadho ula ujeedadaada, waxaad ku gaadhi kartaa shaqo, dedaal, in aad xaddido hiigsashadaada, in aad qorto qorshahaaga, in uu yahay hadafkagu mid la xaqiijin karo,waaqici ah ama suura gala, oo macquula in uu wakhtiyeysan yahay, waa in aad jadwal (shax) usamayso hadaf yadaada. Waa in aad qorta wixii kuu fududeynaya iyo wixii carqaladda ah ee imaan kara oo aad Alle is ku xidhid nolol diin leh oo asluub lehna aad raacdo.

Waana yool cad waxa aannu ka bilaabmaya maanta maxaan qabanayaa waana waxa ku dhiirri-gelinaya in aad hawl qabato, yoolku waa waxa ugu mihiimsan nolosha markuu adiga kaa yimaaddo, waana wixii adiga ku hagi lahaa ee dariiqa kugu ridi lahaa iyo waddadii aad raacaysey, ka waran haddaad saaka gurigagii ka timi oo aadan garanayn waddadii loo raacayey gurigagii, ma ku noqon kartaa? hadafkuna waa saas kale, haddanad yool cad sameysan ma ogid waxa aad qabanaysay iyo waddadaad u marayso. Waxa aad noqonaysaa sida qofka waddada ka lumay oo kale, laakiin haddii aad hadaf samaysato haba badnadee waxa aad tahay qof wax ku xisaabtamaya dhammaan noloshaduna waxa ay noqonaysaa mid habaysan, ka soqaad maalin maalmaha ka mid ah aya aad subaxii markaad kacday waxa ku taalley hawlo badan dabadeed waxa aad tidhi waa in aan dhammaan hawshan maanta qabtaa, kaddib waxa aad qorshaysaay saad uu kala horraysiin lahayd, kaddib waad bilowday waxa aad is arkaysaa adiga oo dhammaan hawshii dhammeeyey. Isla maalintaa ka warran maxoog kale ayaa kugu soo kordhay?

Waa maya jawaabtu waxa aad samaysatay hadaf hadafkaagaana ku hoggaaminayey ilaa aad ka dhammaysayna maad nafisin marka waxa aannu odhan karnaa hadafku waa waxa kiciya awooddeena isla markana inoo suurto geliya shaqo aynnu in badan haysan lahayn in wakhti yar aynnu ku qabanno, sidaasi daraddeed waa in aad noqotaa shakhsi inta uu adduunka joogo naftiisa horumariya oo bulshadiisanaa qiimeyn iyo waxtarba uu leh oo lagu xisaabtami karo waxana kala saara qofka jiritan kiisa iyo qofkani in aannu jirin, waxa ay ku xidhantahay kolba saad u horumariso naftaada ee u samaysto hadaf cad oo wax ku oola .Taasina waxa ay imanaysa marka aad yeelato qorshe cad aanad ogaato in noloshaadu adduunkan lagama maarmaan u tahay waxa ugu mihiimsan waa in aad wakhtiga ku xisaabtanno.

Dadka qaar ayaa jira Illaahay hibo uu siiyey in ay dedaal iyo xil saaran la yimaaddaan oo mar kasta dedaalkooda lagu daydo, haddana dedaalka ka magaadhan natiijadii ay u baahnaayeen waxana laga yaabaa in kii isaga ku dayanayey ee islahaa sidee u dedaalo u dedaal ayaa laga yaabaa in uu ka dheereeyo oo isagu ka horumaro. haddaba waa maxay sababtu?

Sababtu waxaa weeye qofkani dedaal ayuunbuu sameeya, laakiin uma calaamadsana xagga uu ku socdo iyo meesha uu doonayo in uu gaadho iyo xilliga uu doonayo in uu gaadho, wax wakhti ahna muu samayn waxanay guul darrada isdaba joogi ugu dhacaysaa waxanu lahayn qorshe cad oo wakhtiyeysan, laakiin kaan labaad ee isaga ku dayanayey ee ka dheereeyey waxa uu leeyahay qorshe cad oo uu doonayo in uu muddo go’aan gaadho.

Tusaale: Intii aan xog uu ururrinta waday maalin ayaa aan lakulmay ardey dhigta mid ka mid ah Jaamacaddaha dalkeena, waxa uu ku jiray sanad kii saddexaad ee Jaamacadda, waxa uu iguyidhi anigu waligay illaa dugsigii hoose waan dedaali jiray ardeyda iyo macallimiintuna aad ayay i ixtiraamaan illaa haddana sidiibaan ahay oo waan dedaala xariifna waan ahay, laakiin dhibta jirtaa waxa weeye waligey kaalin mangelin, oo kumaan guulaysan kaalmaha wax barashada.

Markaa hadda waxa la iigu yeedhaa maguulaystihii xarifka ahaa, intan fadhiistay ayaa aan ku idhi adigu mahubtaa in aad dedasho? markaasu yidhi aniga daayo dhammaan inta taqaanna ayaa og in aan dedaalo.

Kaddib cabbaar ayaa aan aamusay waan fekeray waxanan ku idhi oo adigu marka aad doonayso in aad dedasho wax qorshe qoran oo adiga kuu cad oo wakhtigiisana leh masamaysataa? Markaasuu yidhi anigu haddaan runta kuu sheego weligay ma qorin waxan doonayo in aan gaadho, wakhtina umaqaban ee waan bilaabaa uun illaa dugsigaygii hoosena waxan ku hamiyi jiray in aan mar uun kaalin galo.

Markasan wayddiiyey marka aad doonaysay marna matidhi sannad kan ila dhaafimayso? Markaasuu yidhi maya ee mid kasta waan isku dayaa in an kaalin galo ilaa haddana waan wadaa, laakiin aad ayaa aan imika u niyad jabay oo dedaalkii waxaad mooddaa in uu isasoo dhimayo markasan ku idhi maaha in aad niyad jabto dhibaatada ku haysatana waa adiga o an samaysan qorshe cad oo wakhtiyeysan. sannadkan go’aanso qorshee oo wakhtiyee kaddibna same dedaalka Insha Allaah waad ku guulaysane doontaa hammigaaga ee kana soo qaad sidii qof ku guulaystay in uu kaalinta galayba, ha odhanin waan gali doonaye waxaad tidhaahda waniga galayba, ina so sheeg waxa kaga sobaxa marka aad imtixaanka gasho waxa kaaga soo baxa markaasuu igu yidhi waayahay, kaddib inan kii waa uu illaa soo xidhiidhay waxannu ii sheegay in uu sidi sameeyey oo uu aadna u dedaalay qorshena samaystay aannu imtixaankii ku guuleysteey kaalinta koobaad oo xataa aanay cidiba uu so dhawaan. Marka akhristow waxa aad ogaataa in nafta horumarkeedu aanay ka maarmin lixdaan arrimood:

Hadaf+dedaal+kagonaansho+qoritan+dariiqa aad u marayso+ iyo wakhtiga ay ku gu qaadanayso, lixduba way isku xidhanyihiin haddaad hadaf cad la timaado dedaal is daba jooga samayso aanay kago’aantahay in aadka midha-dhaliso anad qortid waxa aad doonayso in aad gaadho, anad jeexatid waddadii aad uu maraysey iyo in aad wakhti uu samayso cayiman oo aad hawsha ku fulinayso ama aad ku gaadhayso horumarka aad doonayso, waa aad gaadhaysa hadafkaga ee adiga malaga helaa uun in aad lixdan u samaysato si daacada.

Haddaba haddaad tahay qof marka hore lixdan samaystay waxa aan hubaa in aad tahay mid gaadhaya hadafkiisa manajiro qof aan adduunkan doonayn in uu horumar gaadho ,laakiin waxa kala duwan qaabka lomarayo iyo waddada la marayo, waxa jira qof is leh waddada guusha iyo horumarka mar, in uu isagu waddada ama albaabka iska xidho oo ficilada uu samanayaa u horrseedaan guuldarro, lakiin dadka in ka midi waa kuwo dareenku seexday sidee u so kacaana way adagtahay.

Waxa aad la yaabaysaa oo waliba dadkeena soomaalida ku badan oo waliba aanay dadka noocaas ahi qajilin, waxa aad arkaysaa qof weyn oo Illaahay abuurtay oo adduunkan loo keenay in uu isagu waxtaransado adduun iyo akhiradiisaba oo bulshadiisa kalena waxtaro ayaa iskadaa naftiisa iyo bulshada waxa uu taree waxa uu labadaba ku yahay wax yeelo, waana kan ku nool nolosha aadka u hoosaysa ee ah midka ku nool shaxaad ee aan danba kalahayn in uu dedaal sameeyo, in uu hurdo ka kaco, se jecel in uu cuno oo cabbo waxannu u soo dhididin, oo noloshiisa hammigeeda oo dhami waxaa uu ku so ururiyey sidaa, waxannu maalin walba ku fekeraa ciddii uu maanta shaxaadi lahaa iyo cidda uu bari shaxaadi lahaa, marka dhammaan noloshiisu waxa ay ku soo ururtay qaabka noocaas , qof kale jeebkii waxa ku jira suu ula bixi lahaa ayuu geed gaaban iyo mid dheerba u fuullayaa, ka waran haddii uu isagu hammigiisa gelin lahaa in uu nolosha meel kagalo?

Aad ayey fiicnaan lahayd kollayba dedaal wuu ka baxaya oo qof aannu hubin in uu ka helayo waxa uu doonayo iyo in uu ka waayeyo ayuu wakhti badan iyo dedaal geliyaa, marka waxa aan ku taalin lahaa dadka noocan caddaystay ee ay shaqada ka noqotay in ay iska dhaafaan oo xooggoda maskaxdooda iyo muruqooda isticmaalaan, oo ay dib uu eegan qofkan waxaa uu ku dhashay sagaal bilood adiguna sagaal aya aad ku dhalatay waxa dhalay hooyo iyo Aabbe dunidana isku si ayaa laydiin keenay idinka oo ilma Nabi Aadan ah.

Marka bal in taad qol hoosta ka soo xidhato qiimee waxa Illaahay nimco kugu mannaystay haddaad bini aadan tahay Illaahay waxa uu ku siiyey diin, diintii ugu fiicnayd o islaam ah maskax, caqli, wadnaha, indho, dhego, afka iyo xoog, waxa uukaa beeray labo waalid oo muslim ah kii intaa wax ka mid ahi ka maqan yihiinna Illaahay meel kale oo aannu arkayn ayuu awooddisa u geliyey, marka dhammaanteen Illaahay waa uu ina siiyey awood ay annu nafeheena ku horumarino, laakiin waxa ay ku xidhantahay hadba sida uu qofku u garto awooddan Illaahay siiyey iyo inta uu ka isticmaalo. Haddaba bal akhriste ma waxaad u malaynaysaa in intan oo dhami micno darro kugu rakiban yihiin oo aan waxba tarayn? maya ee Illaahay waxa uu waxaa soo dhan oo nimco ah kuu siiyey macno ayay kuugu fadhidaa xubin kasta oo jidhkaaga ka mid ah, macnaha Illaahay kuu abuurayna waa in aad adduunkana wax ku soo kordhiso Illaahayna kaga cabsato ahdaaftu waxa ay u qaybsantaa saddex qaybood.

Hadaf wakhti gabaan?

Waana hadafka inta badan ka bilaabma saddex bilood illaa sannad waana hadaf ku dhisan wakhti oo aad si degdega wakhtiuun baad eeryanaysaa kanu waxa aannu ku hogaminayaa in aad labadan hadaf si hawl yar ku gaadho.

Hadaf dhexdhexaada?

Muddada hadafkan inta badan waxa laga bilaabaa sannad ama labo sano ilaa shan sano, waxa aannu inta badan quseysaa waxa aad doonayso in aad noqoto, tusaale anigu markan Jaamacadda dhammeeyey waxa uu hadafkayga dhexdhe-xaadka ahi ahaa in aan wax ka qoro horumarka nafta, in aan helo shaqo rasmiya, in aan furto meel dadka loogu tababaro horumarka nafta iyo in aan ganacsato noqdo, hadda waxa laga jooga xilligaa labo sano iyo badh waxana ii qabsoomay labada hore labada hadhayna waxan hayaa waddadoodi Insha Allaah haddii Illaahay igu guuleeyo.

 Hadafka saddexaad?

Waxaa uu ka dhashaa labada hore waana mid ka turjumaya dhammaan noloshaada iyo hadafyadaada aad gaadho waana kaad ku xisaabinayso noloshaada oo dhan, sidee ayeynu hadafkeena uga dhigi karnaa mid midho-dhala:Takoobaad waa in aad aroortii marka aad soo kacdo aad qiimeeysid arrimahaaga una kala horraysisiid say u kala mihiimsan yihiin, habeenkiina aad qiimeeysid waxa kuu qabsoomay , waxa aan ku qabsoomin iyo carqaladda sababtay in waxaagu ku qabsoomi waayey.

Fulin degdeg ah iyo in aad la socoto wixii kugu soo kordha ee dib u eegis iyo wax ka beddel u baahan. Talabaad: hadafka noloshu waa in qofku jeexdo oo uu  higsado, waxana lagu gaadhi kaara dedaal iyo in aadan ka cabsan waddada loo marayo. Tasaddexaad: Waa in aad aqoonsantahay in uu hadafku mid runa yahay, marka hore naftaada u sheeg oo aamin, adiga hadafka haddii aad iskaga riyooto uun oo aad afka uun ku haysid hadaf baan leeyahay oo aanad rumaysan ama aanad ka midho-dhalin hadafyadaada afku hayntu waxba tarimayso, marka waa in marka aad saa uu dhigato hadaf waa in aad ka soo qaadda sidii qof gaadhay, islamarka ee aanad niyaddaada iyo maskaxdaadaba anad gelin sidii qof gaadhaya, waayo waa labo kelmadood oo aad ukala fog markaa haddaad tidhaahdo waan gaadhayaa waligaaba waad u si ruclaynaaysaa, marka waxa laga yaaba in ay wakhti badan kugu qaadato sidaad uga midho-dhalin lahayd hadafkaaga.

Haddii se aad tidhaahdid waaban qabtay oo waan gaadhay yoolkaygii, waniga shaqadii tagay maanta waan shaqeeyey waniga dhammeeyey waan soo rawaxay wax shaqo ii hadhay ma jirto waaban gaadhay hadafkaygii, hubaal haddii aad taa maskaxdaada geliso markaad hadafka samaysanayso oo aad ficilna ku darto waan hubaa oo si fudud baad uu gaadhaysa qorshahaaga.Ta’ afraad: Waxa aad ammintaa in aad qaban karto kuna dayo dadka guulaystay oo la saaxiib dadka ku dhiirri-gelinaya iyo dadka kartida ku sifoobay ee nolosha horumarka ka gaadhay isla markana aynu ku dayano.Waana in aad aaminta in dedaalka raaxo ka danbayso.

Tusaale kooban: Maalin aya aad ka soo baxday gurigaaga adiga o aan wax qorshe ah lahayn kaddib waxa aad isla taagtay hadba qofkii aad garatid waanad jeclaysanaysaa in uu qofkasi isla kaa taago oo aad waqtiga isku dhaafiso waayo ma lihid qorshe cad, maalin labaadka marka aad soo baxdo adiga oo qorshe leh tallaabadaaduna aad u dheeraynnayso waxa ka horyimi saaxiibkaa aad u qaaliya jeclaysanaysana aragtidaada, laakiin waxa aad ku salaamaysaa gacan haadis, haddaba maxa ay tahay faraqa u dhaxeeya labadan?

Midka hore waxa uu ahaa qof aad is taqaanaan uun kana waxaa uu ahaa saaxiib-kaaga dhabta ahaa, laakiin faraqa uu dhaxeeyaa meesha yaalla maaha sida labadan qof u kala qiima badan yihiin xagaaga ee waxa kala duwan mid ka hore waxa aad ahayd bilaa hadaf kan danbena waxaad lahayd hadaf amaba qorshe cad sidaas ayuu hadaf ku amaba qorshuhu mihiim nolosheenna ugu yahay dhammaanteenba.

Fikirkaada Waa Muhiim