Qof bini aadama sharaftiisu ma dhowrsanaato ilaa uu ka dheeraado in uu qofka bini aadama gacanta hoos dhigto, marka si aad sharaftaada u dhawrto iska xakamee in aad cid martido oo isbar mar kasta in ay kugu filnaato waxa gacantaada ku jiraa, isku day in aad dedaasho,dedaal aad ubadan oo aad dhididdo si aad u raadsato qowtal daruuriga, sidaasi daraddeed waa in aad u tafaxaydataa oo maalin iyo habeenba u soo jeeda sidii aad uga maarmi lahayd in aad dadka barido, waayo waa wadada ugu horraysa ee aad sharaftaadda ku dhawrankarayso tana meel kale kama timaaddo ee waa in aad Iimaankaaga xoojisaa dabadeed aad dhaqato dhaqasho xalaal ah, ma ogtahay akhristow in ay sharaftaada taasi kor u qaadayso noloshaaduna qiimo weyn yeelanayso.

Noloshu kor ayey u socotaa

Noloshu kor ayey u socotaa waana geeddi ee yaan adiga lagaa tegin, waayo qofkii karti leh waxa uu higsanayaa sii naftiisa horumar u gaadhsiin lahaa ee akhristow yaan adiga lagaa tegin, dhinacaaga dunida qabso oo filkaa dhinac bood ama hor soco oo geeddiga ka horee, soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa “xaglo laaban xoolo kumayimaadan”, markaa waxaa kula gudboon laba dariiqo oo qudha in aad dedasho oo dhidid xalaala aad kana kacdo hurdada oo aad shaqaysato dhididkaaga oo xalaala aad cunto iyo in aad fadhiisato oo aad seexato kaddibna aad ciil iyo ciilkaanbi ku noolaato, waxaa jira dad sida ay dad caadiya uyihiin baranbaro isu beddela kaddibna gaba wixii uu shaqo qaban jiray,waad aragtay baranbaradu waxyeelo mooyaane waxtar malaha, sidaasi awgeed qofkasina waxa uu noqdaa sida baran-barada oo waxyeelo mooyaane aan waxtar inoogu fadhiyin.Waad ogtahay oo waxyeelada baranbaradu aad ayey uballaadhan tahay dhamaanteenna waynu necebnahay. Akhristow aad udhugo diiradda saar, kawaran haddii aad noqoto baran-barada sida loo necebyahay oo dadka oo dhan karhayaan, hanoqon qof kudul nool dadka kale oo mar kasta sida baran-barada loo karhoo loona naco.

Iibi Aqoontaada

Yaa guulaysta yaana khasaaraa adduunkan cusub? Waxa guulaysanaya ninkii aqoontiisa iibsan kara, laakiin ninkii aan aqoontiisa iibin Karin maguulaysanayo mana gaadhayo meel, waayo adduunkan aynnu arkayno dad badan ayaa jira aqoon leh qaar horumar ayey naftooda gaadhsiiyeen qaar ay isku mar aqoon dhammeeyeen waxaa laga yaabaa in aanay meel gaadhin, markaa waa muhiim in aad aqoontaada iibisid si aad meel u gaadhid, haka caajisin in naftaada aqoontay leedahay iibiso, waxa aad akhristoow ogtahay waxa aad ku baratay Iskuul ama Jaamacada in aanay dhulka ka soo furane ee ay yihiin dad aqoontoodii gaday oo iibiyey oo adiga kusoo gaadhsiiyey,waayo waxa ay debadda usoo saareen wixii maskaxdooda ku jirey ee ay islahaayeen waa wax waxtar leh, debadeed aday ku soo gaadhsiiyeen taasi, miyaanay ahayn in ay aqoontoodii iibiyeen, haddaba maxaa adiga kaa hortaagan in aad aqoontaada tijaabiso oo aad waxa kaa guuxaya debedda soo dhigto, maskaxdaadu way naasanaysa oo way nafisaysaa markaa waxa kula gudboon in aad debedda isaga soo saartid si maskaxdaadu fakaro cusub ugu dhasho, oo aad halka kasii ambaqaadid.

Ha noqonin qof dhagaysta ama akhriya, waxa la yidhi waxaa ka qiimo badan adiga oo yidhaahda waxan idhi iyo waxan qoray, waxa dadka kaa horreeyeyna ay kuu noqdaan cilmi korodhsi, waayo, cilmigu marnaba wax kaama ridayo wax uu kugu kordhiyo mooyaane.Markaa haddii qofkii aqoontiisa iibiya ayuunbaa guulaysanaya adduunkan casriga ah qofka aan aqoontiisa gadi Karinna waxba kuma laha adduunkan.

Dhay maanka dadka kale

Raali geli dadka aad ku gaftay, dareenka qofka oo aad dhaawacdaa amase aad haaraan huwisan taasi waxa ay horrseedaa colaad rabbaaniya oo uu qofku kuu qaado, waxanay ku abuurtaa cuqdad xeel dheer oo naxli quluubta ku abuurta. Sidaa awgeed waxa aad udegdegtaa in aad daaweyso dhaawacyada aad ugeysatay walaalkaa adiga oo dhaymo uga dhigaya, in aad ka cudurdarato qofka aad kula kacday in tanay dhaawacyadaad soo gaadhsiisey boogo cuqdadeed oo qalbiga dega ku noqon, fadlan iskuday in aad raali geliso. Waxannad ogaataa in dhaawicitanka qalbiga qofka baani aadamka ah ay ka dhalato cadho iyo is ciilkaanbi, sida ay soomaalidu ku maahmaahda rag ciilkii caddaab ka dooray’’ cadhadaasna waxaa ka dhasha nacayb fara-badan xataa qofku marka danbe waxa uu gaadhaa heer uu is yidhaahdo dadka oo dhammi waa sidaan.

Haddaba cudurdaarashadu waa mag aad qofka magdhaw uga dhigayso dhibaatada qofka qalbigiisa soo gaadhay, iska ilaali in aad cid ka cadhaysiiso waayo waxaa laguu qaadayaa cuqdad, waxa na ka dhalanaysa in uu ku xaasido.

Xaasidnimadana waxa ay dhashaa colaad waana wax isku wada xidhan noloshu dhammaanteed, haddaba akhristow hamoogaan in aad naxliga meesha kasaarto waayo naxligu waa caayayaan qofka qalbigiisa soogala bal kawarran cayayaanka guriga gala ayaa inagu adag inaynnu daasano oo aynnu buufinaa, bal kawarran haddii uu qalbiga qofka aadamka ah galo, waxaa looyaqaan caayayaan kaas oo ah cuqdad sidee loosaari karaa. markaa taasi kugu dhacdo oo aad gasho in cid wax ka tirsato dariiqa aad umari lahayd in aad daaweyso inta aanay cayayaa gaadhin, ta labaadna waa in aad dadka marka horre iska ilaaliso in aad waxyeelo ugaysatid.

Talada iyo maaraynta wanaagsani waxa ay ku tidhaahdaa in aan cid wax ugeysan colaadna aanad u muujisan walow cadawgaaga oo aad is haysanba ha ahaadee, waayo soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa “afxumo nabadna way kaa kaxaysaa colaadna waxba kaagama tarto’’ sidaasi daraaddeed haddii aad doonayso in aad noqoto qof naftiisa jecel isla markana bulshadiisu jeceshahay waxaa lagaaga baahan yahay in aad noqoto qof afkiisa iyo adinkiisaba laga nabad galo oo dadku isu tilmaamaan, taas ayey aakhiradaaduna ku wanaagsanaanaysaa oo aad higsigaaga qabyada ah ku gaadhaysaa.

Weedhaada qiima u yeel

Hadalka, murtida, waxqabadka iyo dedaal gaagaaban waa in aad nuxur u yeeshaa oo aad ku hadashaa wax la dhagaysan karo misana la fahmi karo, hadalkaaga oo aad qiimo uyeeshoo, qiime usamayntu waa in uu hadalkaagu macno buuxa oo lafahmi karo samaynayaa isla markana aannu badnan, hadalkaagu waa inaanu is dhexgelin dadkuna kugu dawakhin oo aanay caajis kugu dareemin. Waa suuro gal adiguna waad awoodaa in aad hadalkaaga nuxur garaysid.

Fikirkaada Waa Muhiim