Lahow maskax togan iyo dhaqan wanaagsan, risiqa ugu weynee uu Illaahay hanti u siiyey qof bini’aadama laguna arsaaqo waa Iimaanka iyo dhaqanka suuban ee Diinteenna Islaamka, waxannu Iimaanku dhaxalsiiyaa qofka in uu adduunka sharaf ku joogo aakhirana uu rajeeyo in Illaahay ku macsuumo jannooyinkiisa, waxannu dhaxalsiiya dhaqanka suuban in quluubta dadka loo furo oo uu hanto, dhaqanka fiican waa shay aad u fudud waxannu ka kooban yahay shan arrimood oo kala ah, In aad si fiican Illaahay u caabuddo oo aadan cid ku lammaanun, waji furan oo bashaashnimo ka muuqato, hadal wanaagsan oo dabacsan, inaad  bulshada  kula  dhaqanto  samafal  iyo  kaalmo  aad samirkeeda yeelato, qalbi furan iyo daacadnimo, haddaba Iimaanka iyo dad la dhaqanka wanaagsani waxa uu ka mid yahay  guntimaha  laga  sooho  mustaqbal  nololeed  oo bidhaamaya.

Akhriste waxa innala gudboon oo la innaga rabaa in aynnu ku dayaanno raxmadda uu Rabbi inoo soo diray ahna Rasuulkennii sharafta badanaa (NNKH),oo aannu kaga dayaanno dhaqanka wanaagsan, hadal subanaanta iyo diintaba .Alle kacabsigu waxa uu dhalayaa in Eebbeku jeclaado. Xaqiiqda waxa ay tahay hoodada iyo sareedada adduunku dadku waxa ay u kala helaan dhawr jaad, sida la ogyahayna uu Iimaanku yahay seeska iyo calafka ugu sarreeya ee qof loogu deeqo, in ay tahay furaha akhlaaqda, arsaaqda iyo barwaaqada uu Alle bixiyo, dadkana waxa ugu sad sarreeya cidda loo hibeeyey Iimaan buuxa, Iimaanku waa sad weyn oo Mawle siiyey aadmiga.

 

Hal-adayg

Markaan cabbiro maskaxdayda qof kastaa waxa uu leeyahay laba awoodood oo u shaqeeya nafahaantiisa. Midi waa awoodda qofka dabada ka riixda taas oo u horseedda samaynta falgal, ta kalena waa awoodda qofka ka celisa ama ka hor joogsata fallgalka,markaa diinta Islaamku si tayo leh waxa ay isku xidhaa awoodda qofka u horseedda samaynta fallgal keenna waanaag iyo awoodda qofka ka hor joogsata ama u diidda samaynta falgal laga yaabo in ay khatar ku yihiin naftiisa iyo nafaha dadyowga kale.

Dadka qaar ayaa leh ku dhaqanka diinta oo si qoto dheer cilmiga uu bartay ama dulqaad adag uu leh marka ay qabanayaan wax u wanaagsan naftooda, laakiin hal-adayg ama dulqaad u lahayn sidii ay uga dheeraan lahaayeen ficilo khatar ku ah naftooda, Sidaas darteed, waxaa la arkaa qof hal-adayg ama dulqaad u leh gudashada salaadda, soonka iyo xajka, balse aan samir iyo dulqaad u lahayn in uu naftiisa ka xakameeyo kana joojiyo falalka aan wanaagsanayn iyo doonista xumaanta ay horseeddo hawada naftu, taasina waxa ay ku riddaa danbiyo iyo wax xaaraan ka ah naftiisa.

Dhinaca kalena, dadka qaar ayaa hal-adayg iyo dulqaad xooggan u leh ka fogaanta xumaanta iyo macsida ama xaaraanta, balse marka ay noqoto cibaadada iyo samaynta camalka wanaagsan waa mid liidata, umana leh hal-adayg ama dulqaad ay ku gutan. Dadka qaarna haba yaraatee dhinacnaba uma leh awoodda halgan ama dulqaadasho. Uma baahnin in aan nidhaahno, sida ugu fiicani waa qofka dhinac kasta dulqaad iyo adkaysi u leh iyo in uu samir u leeyahay, fulinta salaadda, samafalka iyo in uu samir iyo dulqaad u leeyahay ka fogaanta naftu waxa ay jeceshahay iyo hawadeeda oo horseedda xumaanta iyo danbiga, si kale haddii aan u sheegno, waxa laga yaabaa in qof samir xooggan ama dulqaad u leeyahay in uu salaadda waqtigeeda ilaaliyo, sida oo kalena cibaado u taagnaado habeenkii isaga oo u adkaysanaya kulaylka ama qabowga xilligaas, balse samir ama dulqaad u waayo uu kaga adkaysto eegista waxyaabo xaggiisa ka yaryar oo danbi u soo jiidaya.

Qaar kale ayaa aanay dhibaato ka haysan eegista dumarka. dadka ka adkaaday naftooda una helay samir ama dulqaad ay kaga gooyaan is laab raacintooda, balse ay u suura geli wayday in ay u helaan naftooda samir ay ugu adkaysato joogtaynta gudashada salaadda iyo samo-falidda. Dadka badankiisu way iska waayi karaan samirka ama dulqaadashada nooc ka mid ah mararka qaarkood, laakiin dad yar ayaa inta badan tebeya oo iska waaya sifooyinka oo dhan, waayo waxa ka maqan wax qabadkii iyo kalsoonidii naftooda.

 

Ku hab naftaada dulqaad

Horumarka nafta iyo dariiqada ugu habboon ee lamaro si aad uu gaadho horumar midho-dhal ah, marka waxan idin leeyahay dhisidda naftu waxa weeye in qof dareenkiisa guud iyo ahmiyadda uu siiyo diintu ay ka awood iyo xoog weyn tahay marka loo eego hawada xun ee naftiisa ay jeceshahay. Dareenka guud iyo ahmiyadda diinta ayaa haddii ku adkaysigiisu xoog yahay, yareeyaa ama xakameeya ku dhicista hawada xun ee naftu ay jeceshahay. Labada awoodood ayaa dagaal ku jira, mararka qaarkood waxa guushu raacdaa diinta iyo ujeeddada abuurta, marar kalena hawada iyo doonista (xiisaha ama waxa ay jeceshay) nafta ayaa adkaata. Goobta dagaalkaasi ka dhacayaana waa qalbiga qofka. Samirka ama dulqaadashada waxa ay leedahay macnayaal badan marka loo eego marxaladda, Haddii samirku ama dulqaadashadu ku tacalluqdo in laga dheeraado xiise u haynta waxa xun, waxa la yidhaa sharaf, waxann ka soo horjeeda ku dhicista waxa xun oo ah ficillada aanay diinteenna Islaam ku oggolaan.

Haddii ay tahay in uu qof calooshiisa ilaaliyo waxa galaya, afkiisa waxa ka baxaya iyo dhammaan dhaqankiisa, waxa ay noqonaysaa qof is maamuli kara, waxan ka soo horjeeda cir weynaan horseed u noqon karta raacista hawada xun ee naftu jeceshay. Haddii ay tahay in aad iskaga aamusto waxa xun ama aad joogtayso hadal yaraanta, waxa la yidhaa dhowrsanaan ama run sheeg, waxan ka soo horjeeda beenaale ama qof aan sir lahayn. Marka ay tahay qof in uu xakameeyo cadhadiisa, waxa la yidhaa dul, waxaana ka soo horjeeda caadifi ama kacsanaan/fudayd.

Marka ay tahay iska ilaalinta degdegga, waxa layidhaa deggenaanshiiyo ama hayinnimo, waxana ka soo hor jeedda madax adayg. Haddii ay tahay iska ilaalinta in aad cararto marxalad adag, waxa weeye geesinnimo waxan ka soo horjeedda fulaynimo. Haddii ay tahay iska ilaalinta in aad aargoosato, waxa la odhanayaa is cafin waxan ka soo horjeedda aargoosi. Haddii ay tahay ka fogaanta in aad noqoto caajis, waxa weeye hawl karnimo. Marka ay tahay iska ilaalinta cabashada iyo dhaleeceynta dadka kale waxa weeye geesinnimo. Weedho badan ayaa loogu magac bixiyaa dulqaadashada marxalado kala duwan, laakiin dhammaan waxa ay ku sal leeyihiin ama nuxur ahaan ay tahay waa samir ama dulqaad loogu adkaysto in wax la iskaga fogeeyo laguna ilaashado wax kale.

Miyey suura gal tahay in la koobsado calaamadaha dulqaadka?

Haddii aannu qofku markiisa hore lahayn tilmaamayaasha dhaqan ee lagu garto dulqaadka, waa in qofkaasi isku dayaa sidii uu ubari lahaa nafiisa dulqaadka, ee ugu barbaarin lahaa iskana dhaafilahaa waxyaabaha yaryar ee aan macnaha lahayn.

 

Dabacsanow

Is qaadqaad la’aantu waxa ay ka mid tahay furayaasha ugu waaweyn ee qalbiga laga furto, jidhkaaga meel kasta waxa ay leedahay fure u gaara, markaa dabacsanaantu waa shay aad ugu fiican la dhaqanka bulshada iyo qofka doonaya in uu naftiisa horumariyo, haddaba dabacsanaantu waxa ay ku dhaxalsiisa farxad kuu gasha dareenka bulshada waxanay sahashaa in dadku adiga kuu jecladaan oo aad uu noqotid qof lagu daydo oo hormuuda, sidaasi darteed qofka ku sifooba dabacsanaanta iyo is dhul-dhiga Allah ayaa kor u qaada sharaftiisa dadkana haybad iyo weynaan laabtooda ugeliya, jacayl sida uu Rasuulku sheegay (CSW) ma jiro qofka is-dhul-dhiga ilaa Alle ayaa kor uqaada.

Milgaha waxa helaa ciiddi shaqaysata. qofka sharaf ama milgo iska ma helo isaga oo aannu soo dedaaliin, go’aan la iman la dhaqan wanaagsan marka waa in aad mar walba sharafta karamadeedu halka ay ku jirto halkaas oo ah in aad diinta si fiican ugu dhaqanto dadkana aad garato mid waliba halka uu kaga habboon yahay iyo sida aad u qancin lahayd, marka waxaad isu beddalayso dahabka ugu qaalisan oo dheemman la yidhaahdo“Imaamu Wardi waxa uu yidhi” Haddii ay wanaagsanato hab dhaqankiisa iyo akhlaaqdiisa, qof waxa badataa ciddii ay isu qalbi xadhanyihiin iyo isku calool fayoobaanayaan, waxa kale yaraata wax kasta oo ku adag oo cid kaga xidhanta, waxa kale u dabacsanaanta in uu furfuro oo ay maqlaan dadka jacaylkooda ah oo qofkan uu haya jacayl fara-badan”. Islamarkana waxan leyahay waxa uu qofkaasi noqonayaa birxadiida oo lagu furo albaab kasta oo xidhma oo la furi kari waayo ayuu fura uu noqonayaa waxa uu noqonayaa qof bulshada meel kaga jira oo la tirsado dhaqamada wanaagsan ee ku xusan daremeena in uu bulshada muhiim u yahay oo aannu magacuyaal ahaan isla markana dedaal muujiyo.

 

Naftaada meel saar

Qofwalba waa in uu xaggiisa ka dedaalo oo ugu yaraan naftiisa meel saaro, ka faa’iideeyo nimcooyinka Illaahay siiyey oo isku dayaa in uu noqdo mid adduunkan wax ka beddala. Nimcooyinka Ilaahay ku siiyey mid waliba halkeeda ayey faa’iido aan lasoo koobi karin kuugu leedahay, bal ufiirso qofka la siiyey maskax caafimaad qabta, bal jidhkeenoo keliya ufiirso maskaxda, lugaha, indhaha, gacmaha, sanka, dhegaha, ka warraan qofka intaas oo dhan Illaahay ugu deeqay oo haddana aan ka faa’iidaysanayn una haysta in Ilaahay aannu isaga waxba siin oo iska fadhiya, waxa aad arkaysaa mid indhoole ah ama dhagala’ oo haddana raadinaya sidii uu naftiisa u tababarilahaa, sidaasi daraaddeed waxa loo baahan yahay in aad mar kasta dib u eegto nimcooyinka Illaahay kugu maannaystay, bal ufiirso xayawaanka Illaahay muusiin caqli, laakiin waxa ay haddana subax kasta u kallahayaan sidii ay risiqooda u raadsan lahaayeen, way kallahayaan subax kasta waxannay kacayaan xilliga waagu soo guduuto iyaga oo raadinaya meeshii ay risiqooda kasoo heli lahaayeen, way raadinayaa aan waliba iyaga oo aan quusanayn carruurtooda ayey quudinayaa naftooda way quudinayaa waxannay ku qanacsan yihiin waxa ay xooggooda kusoo shaqeysteen midna macunto mid kale waxa ay soo shaqaysatay markaa saad, adiguna doonaysaa in aad fadhido oo aad cunto oo aad cabto oo aanad fekerin, kuna xiisaabtanto qof kale jeebkiisa, marwalbana meelahaa fadhi ku dirirka ah kaga sheekayso waddanka waxba mayaalaan waa mid naftaada iyo dalkaba wax weyn yeelaysa.

 

Hore u soco

Ha eegin xagga danbe ee waxa aad eegtaa xagga hore, oo hore u soco mar kasta noqo, mid xagga hore eega oo aan dabadiisa eegin, waayo mar kasta horu socod ayaa faa’iido leh ee dib u socod faa’iido maleh. Dedaal ilaa aad ka dhimanayso, adduunyadu waa daal iyo carqalad ee waxa aad samaysay haku daynin wixii carqaladee kaa hor yimaadda, ha u qaadan in dedaalkaagii halkaa ku joogsaday oo kaddibna dib ha eegin oo ha is odhan awelba maxa aad isugu dayday waxan, waadigaa qasaare, waxaad samaysay hore ugu soco waayo adduunyada ayaaba ah qasaare iyo faa’iidaba marka oo aad go’aansato Illaahay talada saarato kuna dhaqaaqdo, ha isku ciilkanbiyin dibnaha u eegin ee hore u soco, mar walba hore u socodku waxaa uu keena in mar kasta oo aad hore usii socotaba waxa aad u sii dhawaanaysa aalbaabka guusha ama hadafkaaga. Adduunkan majiro xaalad si u taagan ee way isbedbedashaa oo Illaahay ayaaba sheegay.

Fikirkaada Waa Muhiim