Lama soo koobi karo waxyaabaha ay iska shabahaan dhirta iyo xayawaanaadka. Waayo noolayaashaan waxaa ka dhaxeeya astaamo aan la soo koobi Karin balse aan wax idinka iftiinsho ashyaada ay iskaga midka yihiin:-

  1. Dhirta iyo xayawaanaduba waa noolayaal.
  2. Labaduba waa ay neefsadaan.

III.  Waa ay koraan.

  1. Wareega sida wareega dhiiga oo xayaanaadka ah iyo wareega nafaqada biyaha iwm oo dhirta iyo xayawaanaadka ka dhexeeya.
  2. Dhammaantood waxa ay ka samaysan yihiin unugyo isku tagay.

VII.    Waxay quutaan cuno haba kala duwanaatee.

VIII.    Waa ay tarmaan.

  1. Waxay sameeyaan dhaq-dhaqaaqyo dhirtu waxay ruxdaa laamaha halka xayawaanaadkuna ay socdaan.
  2. Waxay labaduba ku taagan yihiin dhulka.
  3. Waa ay dhintaan oo noole kastaaba waqti buu leeyahay uu noolaan karo.

XII.  Labaduba waxay u baahan yihiin biyo.

XIII. Waxa ay adeegsadaan neefo kala duwan oo siyaabo badan loo adeegsado.

XIV.  Waxay ka mid noqdaan nafaqeeyayaasha carrada marka ay dhintaan.

Waa noolayaal aan kala maarmin oo isku tiirsan.

XVI. Dhirtu waxay qaadataa oo cunadeeda ka samaysantaa kaarboon laba ogsaydh.

XVII. Waxayna soodaysaa ogsijiin.

XVIII. Xayawaanaadkuna waxay qaataan ogsijiinta ay soodayso dhirtu.

XIX.    Qashinsaar ahaana waxay u saartaa kaarboon laba ogsaydh oo ay qaataan dhirtu.

Isku soo wada duuduubo dhirta iyo xayawaanaadku waxaa ka dhexeeya shabakad aad ubalaadhan oo dhinacyo badan taabanaysa. Dhirtu waxa ay ku tiirtsan tahay xayawaanaadka waayo waxayka heshaa macaadin anfacda koritaankeeda iwm.

Habka cunto samaynta dhirta “footosintasiska”

Waxaa jira hab looyaqaan footosintasiska, waa habka ay dhirta cagaarani u samaysato cuntadeeda. Waxaana ereyga footosintasiska loo kala qaadaa labo macne kuwaas oo laysku geeyay. Footo waxay la micno tahay “ilays”, ereyga sintasisna waxa uu la micno yahay dhisid. Footasintasiska ayaa ah samaynta cuntada iyadoo la adeegsanaayo orgaanikada sida sonkorta, oo laga sameeyo laba shay oo aad ugu muhiim ah samaynta cuntada sida kaarboon laba ogsaydh iyo biyaha iyadoo la adeegsanaayo ilayska qundhucada il-tamareed ahaan.

Xididdadu waxay qabtaan shaqo balaadhan oo aan la soo koobi Karin. Waxay soo nuugaan biyaha ku jira carrada. Intaa kadib waxay biyuhu kor uraacaan dhuumaha yar-yar ee ku dhexyaalla jirridda ilaa caleemaha. Dhuumaha yar-yari waa ay sii farcamaan si ay usameeyaan aroorayaal shabakaysan. Kaarboon laba ogsaydhka waxaa laga nuugaa hawada iyaga oo soo dhex mara daloollada caleenta ee layidhaahdo Ibaha. Unugyada caleenta dhexdeeda kaarboon laba ogsaydhka iyo biyuhu waa ay isla falgalaan si ay usameeyaan sonkor qaab sahlan. Habkaan waxa uu ka dhex dhacaa unugyada la yiraahdo cagaar-sidayaal, oo uu ku dhex jiro maado la yiraahdo cagaariye. Cagaariyuhuna waa walax cagaaran oo caleemaha u yeela midabkooda.

Footositasisku waxa uu dhacaa maalintii. Isle’egta footosintasisku waa sidatan hoos ku qoran:

Ilayska qundhucada “qorraxda”

Kaarboon laba ogsaydh + biyo  guluukoos + ogsaydh Cagaariye

Cagaariyuhu waxa uu u kala burburiyaa biyaha haydarojiin iyo ogsijiin. Ogsijiintu waxa ay gashaa hawada marka ay ka soo baxdo caleenta. Haydarojiintuna, waxa ay isu tagaan kaarboon laba ogsaydhka si ay gulukoos u sameeyaan. Waxaa jira afar qodob oo asaas u ah samaynta footosintasiska waxayna kala yihiin:-

1)   Ilayska: marka uu ilaysku bataba, xawliga footosintasiska ayaa si deg-deg ah u siibata, waana lagama maarmaan in lahelo ilayska.

2)   Biyaha: yaraanta biyuhu waxay keentaa in ay footosintasisku gaabiso waayo biyuhu waa qayb kamida samaynta footosintasiska.

3)   Heerkulka: sida ay soo waarideen saynisyahanadu waxa ay sheegeen in xaddiga heerkulku uu yahay 30C0 ilaa 40C0. Waana heerkulka ugu fiican ee footosintasiska. Heerkulka 40C0wixii ka sarreeya, footosintasisku si deg-deg ah ayaa uu hoos ugu dhacaa.

4)   Kaarboon laba ogsaydhka: marka uu kordho kaarboon laba ogsaydhku, xawliga footosintasiska ayaa kordha.

Isku soo wada duuduubo afartaan qodob waa afar qodob oo muhiim u ah samaynta cuntada, waayo majiraan wax kale oo looga maarmi karo samaynta qodobadaan. Waana sababta loogu baahday in la ogaado habka cuntada sahlan loo sameeyay. Sidaa silamida ayaa noolayaasha oo dhan yihiin. Haddii lawaayo mid ka mida afartaas ma jirayaan wax footosintasis ah, ama ay gaasir noqoto afartaa midka mida, waxaa hoos u dhacaya xawliga footosintasiska.

Footosintasisku waxa uu sii maraa laba heer:

Heerka 1aad: Heerka kowaad biyaha ayaa loo kala burburiyaa haydarojiin iyo ogsijiin marka uu jiro ilays qundhaceed ama qorraxeed. Heerka 2aad: Heerkaan haydarojiinta iyo ogsijiinta ayaa isutaga si ay u sameeyaan kaarboonhaydarat iyadoo aan jirin ilays qundhaceed ama qorraxeed.

ogsijiin biyo

haydarojiin

Kaarboon laba

ogsaydh

sonkor

footosintasiska dhaca maalintii ama habeenkii

Jaantuskaan sare waxa uu ku tusinayaa labada heer uu maro footosintasiska iyo sida lookala jajabiyo iyo waxa dhaca habeenkii iyo maalintiiba. Tusaale ahaan, waxa uu kaa saacidayaa in aad ogaato sida fudud ee u dhaco footosintasiska iyo sida sahlan ee sonkorta loo sameeyo.

Fikirkaada Waa Muhiim