Habkaan waa hab la tacaamula habka geedka unoolaan karo. Waxaa oo kale oo uu la tacaamulaa shaqooyinka unugyada iyo dhammaan shaqooyinka ka dhex dhaca geedka. Culimada saynisyahanadu waxay ku qeexeen “waa habka uu geedku unoolaan karo, muuqaalkiis, dhammaan shaqooyinkiisa, iwm.”. Habkaas waxaa ka mida nolosha dheefshiidka kiimikaad “waa habka cuntada caloosha ugu shiidanto si tamar ama unugyo korriimo loogu beddello”. Biyaha, nafaqada, hormooniska koboca uu geedku samaynaayo, dhaq-dhaqaaqa, koritaanka, safridda cuntada, qashiin saarka iwm.

Faraqa udhexeeya dhirta iyo xayawaanka

Waxkasta oo jira dunida, waxay leeyihiin kala duwanaansho, tusaale, dhirtu waxay leedahay astaamo ugaara oo ay kaga duwan tahay xayawaanka. Haddii aan mid mid u dul istaagao anoo ka samaynaya duur xul kooban.

Dhirta

  1. Dhirtu waxay samaysataa cuntadooda iyagoo adeegsanaya walxo fudud sida: kaarboon laba ogsaydh, macaadanno iyo biyo laga soo nuugo carrada.
  2. Dhirtu waa istaagan tahay oo ma samayso wax socod ah.
  3. Waxay isticmaashaa kaarbon.
  4. Waxay soo daysaa ogsijiin.
  5. Waxay adeegsataa ilayska qundhucada si ay u dhacdo footosintasiska.
  6. Waxay adeegsataa cuntada la sameeyey xilliga footosintasiska si ay u korto oo ay u hesho waxay adeegsato si ay u badato dhirta.
  7. Waa ay tarantaa dhirtu oo waxaa meelo kala duwan geeya noolaha. Sida xoolaha oo cunna dhirta kadibna saxarooda iyo dabaysha oo meel ka qaada kadibna geeya meel kale iyo biyaha oo qaada iniinyaha kadibna geeya carro edeg si ay ubadato dhirta.
  8. Yaxawaanaadka qaarkood ayaa abuura dhirta sida dabagaalaha oo badanaa iniinyo badan qaada dabadeedna geeya meel kale kadibna aasa. Xilliga uu roob da’ana waa ay baxdaa iniinta si ay u noqoto geed.
  9. Dhirtu ogsijiinta ayay qashin ahaan usaartaa.
  10. Waa cunto sameeyayaal.
  11. Waxay samaysataa cuntadeeda
  12. Waxay adeegsata istaaj
  13. Dhirtu ma guur guurto
  14. Waxa ay leeyihiin unug darbiyadeed.
  15. Waa ay ka cimri dheertahay noolaha kale

Xayawaanka

Xayawaanku waxa uu kaga duwan yahay dhirta kale wax yaalo aad ubadan balse aan sookoobo oo aan ka xuso dhowr qodob oo lawada yaqaan waxaana kamida:-

  1. Xayawaanku waxa ay cunaan cunto diyaar ah oo ay samaysay dhirta.
  2. Xayawaanada qaarkood waxa ay ku tiirsan yihiin xayawaano kale.
  3. Qaar kamida waxay quutaan dhirta oo ay ka helaan cuno.
  4. Xayawaanada wax ugaarsada waxa ay ku tiirsan yihiiin si toos ah iyo si aan toos ahaynba dhirta.
  5. Waxa ay adeegsadaan tamar kiimikeed, si ay uqabtaan waxqabadka jirka.
  6. Waxay isticmaalaan cuntada ay samayso dhirta si ay u dhisaan jirkooda.
  7. Xayawaanku waa ay socdaan oo waxa ay katagaan meel waxayna tagaan meel kale.
  8. Waxay qaataan ogsijiinta.
  9. Waxay soodaayaan kaar boon laba ogsaydhka.
  10. Xayawaanku waa quutayaal, waana dheefsadayaal.
  11. Ma samaystaan cuntadooda.
  12. Waa ay is ugaarsadaan.
  13. Xayawaanku waa isku tiirsan yihiin midba midka kale.
  14. Xayawaanku waa ka cimri yar yahay dhirta.
  15. Xayawaanku waxa uu ku shaqeeyaa tamarta uu ka helo dhirta.
  16. Xayawaanaadku waa ay istarmiyaan.
  17. Waxay adeegsadaan guluukoos, halka dhirtuna istaaj kayd ahaan u adeegsadaan.
  18. Xayawaanaadku waa guur guuraa.
  19. Waa ay cararaan xayawaanaadku marka ay khatar la kulmaan.

Fikirkaada Waa Muhiim