Dhirtu waa bah aad ubalaaran oo ka tirsan boqortooyada. Dhirtu waa noole samaysta cunadiisa iyagoo adeegsanaya kaarboon laba ogsaydh iyo biyo si loo soosaaro gulukoos, biyo iyo tamar ama ogsijiin . Saynisyahanada ayaa noolaha ukala saaray laba qaybod qayb ay ubaxsheen sentiifik ahaan zoology iyo qayb ay ugu yeeraan botany. Qaybta kowaad waxa ay ku sheegeen waa barashada xayawaanaadka. Qaybta botany waxa ay dheheen waa barashada dhirta iyo xiriirka ka dhexeeya dhirta iyo deegaanka iyo sida ay uga qayb qaadato shabakada ekoolojiga. Abuuritaanka dhirta waxay horumarisaa carbinta dhulka si ay unuqoto mid beerashada ku wanaagsan. Sababaha dhirta loo abuurana waxa ka mida:-

  1. Hooy

  2. Hu’

  3. Cuno

  4. Qurxin

  5. Dawo

  6. Difaac

  7. Harsi

  8. Iwm

Dhirtu waxay leedahay faa’idooyin aan la sookoobi Karin. Waxay dhirtu bishaa oo qurxisaa deegaanka. Waxaan ka helnaa difaac, waxaan ka jirsanaa roobabka, waxaan kagalnaa qundhacada kulaylkeeda. Waxay naga caabisaa dabaylaha, roobabkana waan kaga gabanaa, waxaan ka dhaxalnaa dawo. Waxa dawooyin jira asalkooda waxaa laga keenaa dhirta.

Waxay nootahay hoy’ waa u hoyanaa habeenkii, waxay nootahay hu’. Dhirta ayaa ah jiritaanka noolaha. Waayo haddii dhir la waayo lama heli karo wax noole ah. Nooluhuna waxa uu ku tiirsan yahay dhirta, oo ma uu samaysto wax cuno ah. Sidaa daraadeed, dhirta faa’idadeeda laguma soo koobi karo duur xul kooban.

Kala-abla-ablaynta dhirta

Saynisyahano badan ayaa dhirta ukala saarsaara qaybo kala duwan. Waxayse inta badan xooga saaraan marka ay samaynayaan kala abla ablaynta laba hab:

  1. Mar waxaa laga eegaa ubaxa oo waxaa loo kala saaraa qayb ubaxlay ah iyo qayb ubax laawe ah.

  2. Marna waxay ka eegaan dhanka xididka.

Balse hadaan sooqaadano qaybta hore ee saynisyahanadu sheegeen in dhirta loo qaybiyo qayb ubax lay ah iyo qayb aan ubax lahay iyo faracooda. Qaybta ubaxlayda ah waxaa lookala saar saaraa laba qaybood oo waa weyn:-

B)Hal-qalbacle

T) Labo qalbacle.

Waxayna ka eegaan meelo aad ubadan sida xididka, jirrida, midhaha iyo caleenta. Unugyada waxa safriya sida “vascular tissue”, ubaxa, miraha “flowers and fruit”.

Ubax laawayaal “non-flowering plant” Qaybtaan waxaa lookala saar-saaraa saddex qaybood oo aad u muhiima:-

  1. Mosses

  2. Fern

  3. Gymnosperms.

Saddexdaan geed waa mosses, ferns iyo gymnosperms waa geedo kamida dhirta waxaana lagu tiriyaa dhirta aan lahayn ubaxyada. Ma ahan intaan keliya waxaa jira kuwo kale oo aad ubadan oo iyana aan lahayn ubaxyo iwm.

Fikirkaada Waa Muhiim