Marka laga hadlaayo neefaha badanaa carradu ma ahan mida neefsata , sababtoo ah waa ma noole, waxa neefsada oo kaliya waa noolaha. Haddaba neefaha carrada dhexdeeda lagaga hadlaayo waxa ku sameeyaa waa noolaha ay ka mid yihiin xididdada dhirta iyo noolayaasha kale ee ku dhex nool carradda ku waas oo ku dhex sameeya neefsasho carradda. Carrada ayaa khasab ah in ay tahay mid waxna galaan oo wax qaadato, Waxna soo dayso. Carradda waxna qaadata waxna soo daysaa waa midda ugu fiican oo uu ka dhaco iswaydaarsiga u dhexeeya carrada iyo hawada.

Waxayna adeegsadaan ogsijiin ku filan, waxayna ka hortagtaa neefaha sunta ah sida kaarboon laba ogsaydh “CO2”, miseenka “CH4” iseenka “C2H6”. Dhamaantoodna waa kuwo khatar ah oo saameyn weyn ku leh carradda. Neefsashada carrada waxaa ku lug leh xiddida dhirta ku waas oo siidaaya hawo, qaatana hawo. Sidaa si lamida ayaa dal daloolada ay carradu leedahay ay iska buuxiyaan hawo, taas oo ka kooban cunsuriyaal iyo neefo kala duwan asal ahaana ay keento isku dhisyada ay carradu ka kooban tahay midaa soo ku hareeraysan deegaanka. Dadka aadka ugu ta khasusay carradda ayaa sheegay in ay jiraan walxo ka masuul ah ka qayb qaadashada neefaha carradda dhexdeeda:-

B) Ciidda waa weyn qaabka ay tahay carradu muuqaal ahaan iyo habka loo dareemi karo nooca ay tahay dhoobalay, ciid iyo tamuux ama xaani.

T) Carro biyeedku waxa ay saameyn weyn ku leeyihiin sida ay daldalooladu u buuxiyaan biyaha.

J) Adeegsiga ogsijiinta waa qodob aad u muhiim ah kaas uu sameeyo nooluhu ku dhex nool carradda sida xiddidada dhirta iyo noolaha yar yar ee ku dhex nool carradda. Dhirtu waxa ay qaadataa kaarboon laba ogsaydh, waxayna soodaysaa ogsijiin taas ay qaybna hawada ku daraan qayb kalena noolaha ayaa qaata.

Carradda ay neefta ogsijiintu ku yar tahay ayna ka hooseyso 0.1% waxaa loo tixraacaa in ay carradaas aysan fiicnayn ayna isku filnayn koritaanka si ay u helaan nolol kaafiya. Taasna saynisyahanadu waxay ku qiyaaseen in ay dhantahay xaddi biyeed oo dhan 80-90% in ay daldaloolada carrada buuxiso biyo. Biyahaas tirada badan way islisaan oo waxa ay isku sameeyaan cadaadis ku waas oo carrada ka xiraya hawada iyo iswaydaarsiga neefaha.

Dhirta qaybtood ayaa la qabsada biyaha xaddigoodu badan yahay iyagoo helaya walxaha ay ubaahan yihiin sida neefaha iyo macaadinta oo kale waxayna kula qabsadaan qaabka uu geedku yahay. Ogsijiinta ayaa ku yar carrada noocaas ah. Sababtoo ah biyaha ayaa iska buuxsha 80-90% daldaloolada ay ciidu leedahay. Waxayna horseedaa in hawadii aysan soogalin carradda ileen biyihii ayaa soo butaacaya ilaha carradda oo dhan.

Iswaydaarsiga hawada ayaa dhaca marka xididdada dhirta iyo noolaha yar yar ay adeegsadaan ogsijiinta, soona daayaan kaarboon laba ogsaydh. Taas oo aad loogu bahaan yahay in uu iswaydaarsiga noocaas ah uu ka dhex dhaco carradda iyo hawada. Waxaana jira labo hab oo suura galin kara in uu iswaydaarsi dhaco waxayna kala yihiin:-

B)Daad

T) Baahid

B) Daadku:- Waxa uu sameeyaa in uu biyo qaado iyo in uu biyo keeno. Mar waxa uu keenaa biyo oo meelaan biyo qabatin lahayn ayuu boholo ka qodaa kadibna biyo uga taga. Halka meelaha biyuhu ku badan yihiin ayaa daadku ku soo dhacaa, waxa uu aasaa meelaha ay biyuhu ku badan yihiin. Waana mida suura galisa in uu halkaas uu ka dhex dhaco iswaydaarsiga hawada

T) Baahid:- Waa hab lawada garanaayo, waana midka ugu caansan marka laga hadlaayo iswaydaarsiga. Waxaa lagu qeexaa in uu yahay waa mid ogolaada meesha ay hawadu ku badan tahay in uu ka qaado hawo geeyana goobaha ay ku yartahay. Tusaale meelaha ay buyuhu ku yaryihiin waa ay katagaan waxayna aadaan meelaha ay ku yar yihiin. Macaadintana waa sidaas oo kale, waxaana inta badan dhaca iswaydaarsi xagga macaadinta iyo biyaha.

Neefaha ayaa boqolay ahaan ku kala gadisan carrada marka loo eego hawada sare ee carrada ugu dhawaana waxa ay ka kooban tahay 20% oo ogsijiin ah. 0.35% oo kaarboon laba ogsaydh ah, iyo inka badan 78% oo naytarojiin ah. Taas macnaheedu ma ahan in neefuhu intaa kaliya yihiin balse waxaa jira kuwo kale oo ku jira carrada iyo hawada sare.

Waxaana inta badan mudnaanta lasiiyaa saddexda neefood Naytarojiinta, ogsijiinta iyo kaarboon laba ogsaydhka. Tan inta badan la adeegsadaa waa ogsijiinta iyadaana loo isticmaalaa in wax lagu gubo waana tan inta badan saamaynta ku leh deegaanka.

Sidaa silamida kaarboon laba ogsaydhka ayaa ka kooban 10% oo neef ah, waana sun waxay dikhaysaa deegaanka, inta badan kaarboonka waxaa soodaaya gaadiidka, warshadaha, duunyada, cayayaanka, dadka, noolaha iwm. Marka laga reebo dhirta oo iyada qaadata kaarboonka ay nooluhu neefsadaan, taas badalkeedana soodaaya ogsijiin ay qaataan noolaha kale. Asii uu halis yahay hal kaarboon ogsaydhaha waxa uu dilaa noolaha qaata sida dhirta iwm.

Badanaa gaadiidka iyo warshadaha ayaa soodaaya hal kaarboon ogsaydhaha, waana tan ugu khatarta badan neefaha marka loo eego kuwa kale. Carraddu aad ayay u uumi baxdaa marka loo eego qaybta ka saraysa carro haweedka. Meelaha hoose ee biyuhu ka buuxaan waxay soodaayaan neefo sida miseen “methane CH4”, iyo haydaro jiin salfaydh “hydarogin sulfide H2S”.

Taas oo ka samaysanta haraadiga noolaha dhintay oo burburay. Cilmibaarayaal aad ubadan ayaa aaminsan in noolaha aadka u yaryar iyo dhirta in ay joojiyaan koritaanka, xiliga ay taasi dhacdana waa marka hawada ku jirta carrada hoose ay ka hoos marto 20%. Sababta ayaa lasheegaa in ay tahay marka ay biyuhu kubataan carrada, waxa ay sababaan in ogsijiinta ay dhirtu ka qaadanayaan xiddidada ay yaraato, waxaana keenaya biyaha ayaa iska buuxiyaa daldaloolada xiddidka. Waxay xiraan oo joojiyaan in ay ku baahdo ogsijiinta carrada iyo dhirta. Waxayna meesha ka saaraan neefsashada hawada.

Fikirkaada Waa Muhiim