A) Heer kulka:- Burburka dhagaxa ku yimaada waxaa ka qayb qaata burburkiisa heerkulka. Marka uu heerkulku aad usiyaado waxaa bata burburka ku imaanaya macaadinta qaybaheeda kala duwan waliba kuwa unugul heerkulka. Xiliga maalintii ayaa dhagaxa waxaa ku dhaca fiditaan isagoo baaha, isla xiliga habeenkii ayaa waxaa ku dhaca dhagaxa maalintii fiday in uu ururo habeenkii. Sababta ayaa ah waxa uu lafidaayo dhagaxu in uu yahay kulka saa’idka ah. Isku soo ururka uu sameeyo dhagaxu waxaa keena qabowga. Isbeddelkaa cimillada ayaa sababa in uu dhagaxu burburo.

  1. B) Burburka ay sababaan biyaha iyo dabaysha:- Biyaha ayaa soo saara dhagax dixeedka hoose iyagoo banaanka usoo saaraya. Marka ay biyuhu banaanka keenaan ayaa dabayshu waxa ay sababtaa in dhagaxa ku dhaco dildilaac ilaa uu ka qarxo gabi ahaanba. Dhagaxa marka uu qarxana waxaa ku dhaca in uu yeesho dildilaacyo saa’id ah, ilaa uu burburo iskuna baddelo boor iyo ciid.

  2. C) Dhirta:- Dhirtu waxa ay ka qayb qaataan burburka. Iyagoo dildilaaciya dhagaxa, kadibna ay ka soo dhex dusaan xididdadu. Waxayna ugu danbayn keenaan in dhagaxii isku baddelo ciid iyo wax ka si yar.

 

Falgalka kiimikaad

Falgalka kiimikaad waa qayb aad u muhiim ah oo ka qayb qaata burburka dhagaxa iyo macaadinta. Waxaa inta badan aragtaa in isku dhisyo badan loo kala jabiyo dhowr curiye. Tusaale ahaan, biyaha waxa ay ka samaysan yihiin laba curiye oo kala ah, laba haydarojiin iyo ogsijiin H2O. Curiyayaashaan ayaa kala jaba iyagoo loo kala jabiyo qaybo kale. waxaana ka mida curiyayaashaan:-

Biyaha “Hydration”:- biyaha ayaa waxa ku dhaca burbur lixaad leh iyagoo loo kala jabinaayo qaybo kala duwan 5Fe2O+9H2O  Fe10O15.9H2O Burburka haydarojiinta “Hydrolysis”

Habkaan waa habka biyaha loogu kala jabiyo laba qaybood oo kala ah haydarog saydh iyo haydarojiin. Iyadoo la adeegsanaayo hab kuleeleed.

KAlSi3O8+H2O

HAlSi3O8+K++OH-

Adke biyo dadajiye adke milan

2HAlSiO3+1H2O   Al2O3 +6H4SiO4
 
Adke biyo   adke   Milan

 

Dareeraha botaashiyaam ayaa la soo daaya marka ay soo nuugto carradda. Waxaana ka faa’idaysta dhirta oo qaata iyagoo u adeegsanaya nafoqo ahaan. Waxaana meesha laga saaraa biyihii bulaacadaha ahaa oo ay dhirtuna kala soo baxdo nafaqada ku jira bulaacadaha. Sidaa si lamida siliki aasiidh (H4SiO 4), waa milme ku dhex milma biyaha waana fududahay in sifudud siliki aasiidhka u milanta. Waana mid si tartiib ah u dhex galla carrada iyo bulaacadaha.

Kala jabka biyaha

Biyuhu waxa ay awood uleeyihiin in ay ku dhex milmaan macaadiin aad ubadan iyagoo ukala jabinaya qayb togan iyo qayb abyan. Midba midka kale, waxa uu soo jiitaa mida uu ubaahan yahay. Midka togan wuxuu aadayaa oo milicsanayaa dhanka ay ka jirto abyahana. Halka abyanuhuna abaarayo midka togan, su u usoojiito si ay isku waydaar sadaan curiyayaasha.

CaSO4.2H2O + 11H2O       Ca2+ + SO42- +4H2O
   
     
Adke biyo       Milan biyo

 

Si dhab ah markaad u eegto curiyayaashaan lakala jabiyay waxaad arkaysaa in midkasta ukala bexeen adke, biyo dareere. Midkastaana uu wax ku wanaagsan yahay, awalkii hore waxa uu ahaa adke waxaana lagu daray biyo si loo kala burburiyo loona helo qayb dareere ah iyo nooc biyo ah.

Fal gal aasiidh

Falgalka aasiidh waa fal faliiqyada falgaleed, loona helo haydarojiin iyo haydarog saydh. Waxaana siisi yaada awooda ay leeyihiin curiyayaasha. Haddii aasiidhku biyaha ku badan yihiin waxaa ku badan haydarojiinta cadadkeeda. Haday ku yartahay saami galka haydarojiinta biyaha aasiidhka, waxaa biyahaa ay noqdaan bays, waana biyo dhex dhexaada oo dhanna aan u dheeliyin.

Tusaale ahaan, markii kaarboon laba ogsaydh CO2, uu ku dhex milmo biyaha, waxaa soobaxa isku dhis curiyeyaal oo kala ah H2CO3, oo loo yaqaan haydarojiin kaarboonayt. Haddii markale lagu milo biyo, waxaa soo baxa nuurad layiraahdo kaalshiyaam kaarboonayt.

CO2 + H2O    H2CO3

Waxaa marka hore la isla falgashay kaarboon laba ogsaydh, waxaana lagu daray biyo, maxsuulkiina waxa uu noqday haydarojiin kaarboonayt. Maxsuulkaas waxaa looyaqaan kaarboonig aasiidh. Eeg tusaalahaan hoose.

H2CO3  + CaCO3   Ca2 + 2HCO3
 
Kaarboonik-aasidh adke   Milan dareere

Mar kale ayaa waxaa la isla falgashay maxsuulkii haydarojiin kaarboonayt iyo kaalshiyaam kaarboonayt, waxaana soobaxay maxsuul la dhaho kaalshiyaam iyo laba haydarojiin kaarboonayt. Markaad si dhab ah ugu fiirsato falgaladii aan soo dhaafnay waxaad daalacan kartaa oo daymada ku tusaysaa in talaabo kasta laqaado ay soo baxayso maxsuulo kala gadisan oo inta badan waa adke, dareere iyo Milan.

Fikirkaada Waa Muhiim