Soomaalida waxay u badan yihiin cunidda hilibka gaduudan ee Geela, ariga iyo lo’da. Balse waxaa jiro gobollo laga garanayo cudidda hilibka cad, sida digaagga iyo kalluunka. Soomaalida waxay u badan yihiin xoolo dhaqato sidaa darteed ayeyna ku barteen cudnidda hilibka gaduudan oo keli ah. Dadka beeralayda ah ama kuwa ku nool xeebaha ee kalluumeysatada ah ayaa garanayo cunidda hilbka cad. Soomaalida gudaheed, aad bay u yartahay in la arko meelo ama beero lagu xanaaneeyo digaagga. Waxaad arki kartaa qof dhowr xabo haysta iyo suuqyo yar oo lagu iibiyo.

Caalamka, cunidda hilibka digaagga waa qayb ka mid ah nolol maalmeedka, waxayna shacabka dalalka qaar ee horumaray cunaan hilibka cad oo keli ah. Sida uu sheegayo weriyaha BBC ee Muqdisho, Cali Nuur Xasan, dhaqaatiir badan ayaa la sheegay inay ku taliyaan in hilibka cad uu caafimaad leeyahay.

Waxaa la aaminsan yahay in talada dhaqaatiirtaas ay sabab u tahay in uu kor u kaco dalabka hilibka digaagga iyo kalluunka. Waxay u muuqataa in Soomaali badan ay barteen cunidda digaagga, taas oo suuq fiican u yeeleyso in gudaha dalka lagu xanaaneeyo.

Hadaba, dhowaanahan waxaa magaalada Muqdisho laga billaabay meeelo lagu xanaaneeyo digaagga. Soomaalida qaar ee qurbaha ka tagay ee bartay sida dadka reer galbeedka u xanaaneeyaan digaagga ayaa billaabay qaabab ay dadka ku barayaan in ay cunaan hilibka cad. Beer ku taalla duleedka Muqdisho ayaa lagu diyaariyay wax walba oo sare u qaadaya wax soo saarka digaagga ayadoo la adeegsanayo qalab si dhaqsa ah u kocbciya.

Waa markii ugu horreysay ee nidaam noocaas ah laga hirgeliyo Soomaaliya. Cabdalla Xasan, oo ah aasaasaha iyo maamulaha beertaasi digaagga ayaa sheegay in Soomaaliya looga baahan yahay ukunta iyo hilibka digaagga.

“Fikradaan waxaan ku bilaawnay markaan aragnay baahi fara badan ee wadanka ka jirto ee la xiriirta ukunta iyo hilibka cad”, ayuu yiri Cabdalla.

“markaan aragnay ciriiriga loo qabo, iyo baaritaan ka dib ayaan go’aansanay in aan aasaasno shaqadaan baaxadda leh”

Xanaanaynta digaagga ma aha dhaqan Soomaalida lagu garanayo, balse baahida hilibka iyo ukunta digaagga oo soo kordheysa owgeed ayaa ganacsata ku dhiirigelineysa in ay isticmaalaan nidaamkan. Hilibka digaaggu wuxuu ka mid noqday dalabaadka caadiga ah ee maqaayadaha si la mid ah hilibka kale ee ariga iyo geela.

Balse digaagga halkaan lagu iibiyo intiisa badan waxaa laga soo dhoofiyaa dibadda. Maadaama wax soo saarka guduha Soomaaliya uu yahay mid bilowday, dad badanna aysan sameyn. Muuse Xabad-tafad wuxuu ku xiran yahay beerta oo uu ka iibsadaa digaagga, balse wuxuu jecel yahay midda caadiga ah, inkastoo beertaas uu ka helo mid la bacrimiyay.

“Markii la yiraahdo digaaga la bacrimiyay iyo midka dabiiciga ah, run ahaantii kan dabiiciga ah ayaa fican”, ayuu yiri, Xabad-tafat.

Wuxuu intaa ku daray: “Laakiin waxaad u maleysaa in digaaggeena caadi ah uu subagga ku badanyahay hilibkiisuna adagyahay: ma sameynta xageedaa? Ma farsama kalaa jirta? Aniga taas ma fahmin laakiin aada ayaan u jeclahay digaagga cunitaankiisa”

Digaagga la bacrimiyo ayaa maalmo ku kora, wuxuuna yeelanayaa hilib badan. Tan kale, ukunta la bacrimiyo ayaa ka duwan midda caadiga ah.

Digaagga lagu xanaaneeyo beerta ku taalla duleedka Muqdisho ayaa ah mid la bacrimiyay oo daawo la siiyay, sidaa darteed macaamiil badan ayaa saluugsan oo doorbidaya hilibka gaduudan.

Shaafici Macallin, wuxuu sheegayaa in uu cunayo hilibka ariga ama kalluun, balse uusan jeclayn hilibka geela ama kan digaagga.

“Horta hilibkaan doorbido waa ariga; geela iskuma fiicnin, sababtoo ah, Soomaalida uma badno hilibka digaagga”, ayuu yiri Shaafici.

Wuxuu sidoo kale sheegay in asiga uu la jaan qaaday hilibka gaduudan iyo malaayga, “markaan isbarbar dhigayna, waxan jaclaaday hilibka gaduudan”.

Fikirkaada Waa Muhiim