Hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ayaa dhawaan kulan ku yeeshay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaas oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara. Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka.

Waxaa sidoo kale soo baxay sawirrada madaxweyneyaasha Soomaaliya , Eritrea, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Isaias Afwerki iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aad isugu dhaw oo wadahadlaya.

Haddaba su’aasha la isweydiin karo ayaa ah “shacabka dalalkan ma yihiin kuwo sidaasi isugu dhawaan kara marka ay timaato midnimada iyo ka shaqaynta nabadda”?

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo ka hadlayay munaasabad ay ku qalin jebinayeen ardayda jaamacadda ku taalla magaalada Bahr Dar ayaa sheegay inuu rajanayo “mustaqbalka in dalalka Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya ay yeeshaan hal madaxweyne”.

“Waxaan rajeynaya saddexdan madaxweyne ee halkan taagaan carruurtoodu inay arki doonaan saddexdan waddan ee aan ka kala nimid oo hal madaxweyne leh, oo aanan saddex madaxweyne lahayn ” ayuu yiri Abiy Axmed oo ay goobta kula sugnaayeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Suuragalnimada mideynta saddexdan dal?

Faysal Rooble oo ah aqoonyahan soomaaliyeed oo ka faalooda arrimaha geeska Afrika oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in arrinta midnimada Itoobiya iyo Soomaaliya in badan lagu haminayey, isla markaasna aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrimahaasi la soo hadal qaado.

“Wakhtigii Mengistu Hailemariam iyo Siyaad Barre waa tii Yemen la isugu geeyay, Fidel Castro arrintaasi ayuu soo qaaday sidii Soomaaliya iyo Itoobiya dal looga wada dhigi lahaa…Laakin wax hadda waaqici ah ma hayno” ayuu yiri Feysal Rooble.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Eritrea ma aysan carrabaabin arrinta ku aadan midaynta dalalkan balse waxay ka hadleen sidii looga shaqayn lahaa horumarka iyo xiriirka diblomaasiyeed ee saddexda dal.

“In dalalka Soomaaliya , Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan hal madaxweyne waa arrin aanan suuragali Karin, iyadoo Eritrea uu ka taliyo madaxweyne muddo badan dalkaasi ka arriminayay, Itoobiya waxaa ka taagan khilaafaad u dhexeeya bulshooyinka halkaasi wada dega, halka Soomaaliya aysan nabad ka jirin”, ayuu yiri Feysal Rooble.

Maxaa ku soo beegay xilligan hadalka ra’iisul wasaaraha Itoobiya?

Ma ahayn markii ugu horreysay uu hadalkan ka dhawaajiyo Abiy Axmed, markii uu soo booqday dalka Soomaaliya wuxuu ra’iisul wasaare Abiy Axmed sheegay in “Itoobiya iyo Soomaaliya ay midoobi doonaan”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Feysal Rooble.

“Madaxweyne Farmaajo kama uusan hadlin labadan dal oo la mideynayo…waxaanan kala gareynin in laab la kac ay Abiy Axmed xaggiisa ka tahay iyo in kale, waxaana hadda soo caddaaneysaa inuu yar caadifadaysan yahay, isagoo wanaaga jecel, iyo gaar ahaan sida ay u muuqato inuu ka hadlo waxyaabo aanan weli la soo bislayn” ayuu yiri Feysal.

Sida uu qabo, Feysal mideynta ma aha mid hadda jirta oo la hubo balse waa arrin lagu rajo weyn yahay.

Hoggaamiyeyaasha Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ayaa dhawaan kulan saddex geesood ah ku soo gabagabeeyay magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya waxayna ka wada hadleen sidii ay u dhaqan gelin lahaayeen heshiiskii bilooyin ka hor ay ku kala saxiixdeen Eritrea.

Fikirkaada Waa Muhiim