Dhammaan hawooyinka naftaada iyo doonisteeda haddad adigu u yeedhiso oo nafta u tilmaanto, waxaa qabo wuu fiicanyhee, waxaasi na ka tag ma wacna e, qofkasi waxa la odhan karaa waxa uu miisaamay naftiisii, Haddiise hawada naftiisa iyo doonisteedu kaa xoog badan yihiin waxa la odhan karaa qofkasi muu miisaamin naftiisa, qofkaasina waa hawo raac. Haddii doonista ruuxdiisa ee cuntada iyo cabistu ka xoog badan yihiin samirka uu u leeyahay ka fogaantooda, qofkaasi waxba ma dhaamo xoolaha, ma ogtahay akhristow Illaahay waxa uu u abuuray malaa’igta ujeeddo ama sabab iyaga oo aan lahayn wax doonis ah.

Xoolahana waxaa lagu abuuray rabitan balse aan sabab lahayn, halka dadka lagu abuuray labadaba rabitan iyo sababta rabitankaas, Alle SWT waxa uu suuratul xashri Ayadeeda18 inoogu sheegay “duulka alle rumeeyow Alle ka cabsadda nafkastana ha eegto waxa ay berri“(qiyaamaha u hor marsatay)”. Sida uu Imaamu Axmed ku warinaayo kitaabka suhdiga Cumar Binu Khaddaab waxa uu odhan jiray”waar nafihiina xisaabiya(miisaama) inta aan la xisaabin, miisaama nafihiina inta aan la miisaamin”.

Alle waxa uu yidhi“ummad kasta waxa aan siiyay sharci iyo waddo ay ku hanunnaan”.Suuratul maa’ida (84)

Sidaas awgeed haddii qofka ay ujeeddadiisu ka xoog badan tahay rabitankiisa (in uu ku toosnaado ujeeddada loo abuuray kana tago hawada rabitan ee naftiisa), qofkasi waa qof wanaagsan oo garanaya wixii adduunka loo keenay, haddii rabitankiisa naf-ahaaneed ka xoog badantahay ujeeddadii loo abuurayna markaa waa sida mayeedhanka oo kale. Ilmaha yar ee dhashay waxa uu leeyahay keliya rabitan cuno, marka uu baahan yahay, markaa sabirkiisu ama dulqaadkiisu waa sida mayeedhanka oo kale mana laha doorasho ilaa uu ka gaadho xilli da’ahaan uu sheegi karo maxay iyo sidee . Marka uu yara koro ee yeesho rabitanka ciyaarta, waxa isna la kora samirkiisa doorashada.

Markaas ayuu ogaadaa waxa uu samirka ama dulqaadku yahay marka ay ku abuuranto rabitankiisa dhinaca kasta. Dhinaca kalena waxa si isla jaanqaad leh, u koraya awooddiisa sababaynta, laakiin inta u dhaxaysa xilliga uu gaadho da’da uu kala saari karo waxa xun ama qalad ah iyo waxa wanaagsan ama sax ah, iyo xilliga uu ku Jiro dhallinyarannimo, labadaba waxa uu arkaa waa rabitankiisa adduunyada oo kaliya iyo waxa nolosha xumayn kara ama wanaajin kara.

Aragtidaas kooban wuu ku sii jiraa qofku ilaa uu helo gargaarka Illaahay, markaas oo uu helo sawir dhammeystiran waxa aannu bilaabaa in uu ka fekero rabitankiisa oo raad ku leh adduunka iyo aakhiro labadaba.Waxa aannu uu ogaadaa halka ay ficillada uu samaynayaa u hoggaaminayaan, taas ayaa aana uu naftiisa ugu diyaariyaa halgan dheer oo u la galo rabitankiisa iyo hawada dooniseed ee naftiisa ee dhinaca dabeecadda.Haddii qofka marka uu naftiisa miisan saaro una yahay mid ka xoog badan kana adkaaday.

Fikirkaada Waa Muhiim