Noqo dhagayste Fiican: Dhagaysiga dadka amase waxyaalaha faa’iidada leh, waxa uu kaa caawinayaa in aad dhuuxdo oo aad fahanto macnaha ku jira waxa laga hadlayo,waxan kaaga kordhaya macluumaad dheeraad ah, tani waxa ay qofka kula hadlaya siinaysaa kalsooni iyo tixgelin aad u muujinaysid taas oo sababaysa in aad noqoto qof la jecelyahay oo shakhsiyad wanaagsan oo jiidashana leh, manta ma dhagaysteyaashu aad ayey inoogu badanyihiin oo waxa aad arkaysaa qof maanta oo dhan hadlaaya, haddii hadal lagu yidhaahdo laakiin aad wakhti kooban awood u lahayn in uu dhagaysto qofkale taasuna waa xannun ku dhaca qofka, waayo waxa qofkan ka dhaadhacsan adiga uun baa hadlikara oo mudan in lagu dhagaysto.

Wax badan akhri, inta aad wax akhrido ayuunbay le’egtahay aqoonta aad leedahay iyo xogta aad haysaa, dadku way jecelyihiin qofka xogta badan haya in ay la sheekaystan ay waqti la qaatan, tani waxa ay sababtaa in uu qof walba xiiseeyo sheekadaada iyo ag-jogaaga. aqoontuna waa furaha horumarka, haddaba si aad ugaadhid waxaad u baahantahay aqoon, xirfad, macallin ku haga oo aad ku dayatid ta ugu muhiimsanina waxaa weeyaan qaabka aad u fekerayso in aad wax badan qabatana waxaa ka fiican in aad waxtayeysan qabato ama naftaada aad tayeyso.

Noqo qof Sheeko wadaag Fiican Leh

Baro habka iyo hannaanka loola hadlo dadka oo haka qajilin in aad hadasho amase ha noqon qof muran badan, waayo muranka waxa lagu yaqaana qofka aan xogta badan hayn. Hana murmin si malaayacni ahna ha u sheekayn, laakiin waxa aad noqotaa qof furfuran oo marka lo baahanyahay sheekayn kara.

Yeelo Fikir

Wax ka wanaagsan ma jiro in aad yeelato fikir togan oo kuu gaar ah, kaas oo kaa caawinaya in aad yeelato hab fikir kuu gaar ah oo aad ku cabiri kartid waxyaalo badan taas oo dad badan kuu soo jiidi karta in ay kula saaxiibaan oo ay ku tixgeliyaan. Noqo mid keeni kara fikir cusub oo uu ku soo kordhinayo gurigiisa bulshadiisa iyo shirkaddiisa.Hana noqonin mid mar kasta qaata waxa loo so yeedhiyo uun ee noqo mid isagu wax keeni kara oo maskaxdiisa qaybta curinta shaqaynayso.

La kulan dad cusub

In aad la kulanto dad cusub waxa ay kaa caawinaysaa in ay noloshaadu noqoto mid maalin walba xiiso yeelata oo wax cusub ku soo kordhan, maaddaama dadka aad baranayso watan fikiro iyo aqoon kala duwan, taaso adigana kuu noqonaysa faa’iido weyn iyo in aad barato waxa naad hore u aqoonin oo cusub.

Ahow Ciddaad Tahay

In aad ku qanacsanaato shakhsiyaddada oo aanad mataliin dad kale noloshooda waxa ay kaa dhigaysaa qof leh shakhsiyad ka duwan dadka kale, taas oo ka turjumaysa in aad tahay qof aan la mid ahayn dadka kale oo leh hibo u gaar ah iyo himilo gooni ah.

Noqo mid xagga fiican wax ka eega

In aad mar walba ahaato qof wax ka eega xagga wanaagsan, una dhaqma si waanaagsan waxa ay kaa dhigaysaa shakhsi dadku jeclaystan in ay la dhaqmaan oo lagu soo dhawaado waxna laga qaato.

Noqo qof furfuranoo aan macangeg ahayn

Qof walba oo inaga mid ah waxa uu jecelyahay in uu la saaxiibo qof ka qosliya oo darreensiiya farxad, dhoola-caddaynna ku beera, mararka qaar waa laysaga baahanyahay in la kaftamo si caajiska layskaga bi’iyo waxoogaana la qoslo. Qofka dhoola-caddaynta badan ee dadka dejiya mararka ay cadhaysanyihiin ama ay murugoonayaa waa kuwa cid walba jeceshahay.

Taageer dadka kale

In aad noqoto qof taageera dadka, kuna taageera in ay gaadhan himilooyin-kooda waxa uu noqdaa qof isna gaadha himiladiisa, dadka oo dhanna majeertan oo ay jecelyihiin, qof kastana uqiro wanaaggiisa, qof walba waxa uu jecelyahay in uu helo qof dhiirri-geliya oo aaminsan, kaas oo gacanta qabta marka uu kufo ee uu rajo beelka yahay.

Ixtiraam dadka, oo daacad u noqo

In aad noqoto qof daacad ah oo ixtiraama qof walba waxa ay sababtaa in uu noqdo qof loo qushuuco oo qof waliba jecelyahay, isna la ixtiraamo waxa aannuso jiita cid walba oo dadnimo iyo damiirba leh. In aad daacad ahaato oo aad dadka ixtiraamto waxa ay wax ka beddelaysaa shakhsiya-ddaada oo ka dhigaysa shakhsiyad wanaagsan oo horumar leh. Waxa aynnu awood u leenahay in aynnu beddelno oo aynu qurxinno qaabna u yeelo shakhsiyaddeena taas oo inoo horseedaysa guul in aynnu gaadhno. Inta aynnu maalgelino shakhsiyaddeena ee aynnu dadka kalena ka caawinayno in ay wanaagsanaadan ayeynu horumar gaadhi karnaa.

Is miisan

Kaffedo saar naftaada, kee ayaa badan xumaantaada iyo wanaaggaaga, kee ayaa badan fulinta awaamiirta Alle iyo dhayalsigooda ama ka caajiskooda, wax qabadkaaga iyo fadhiidnimadaada, kee ayaa badan is qaad-qaad kaaga iyo isu dhul-dhiggaaga, kee ayaabadan u gargaarista dadka jilicsan iyo is kabaraacintooda, kee ayaa badan wax tarkaaga iyo wax yeeladada. Bal akhristow miisan naftaada oo xisaabi inta aan lagu oofsan camalkaagana laguusoo bandhigin. naftaada kali la noqo, aayaheeda danbe iyo wax qabadkeedana meel saar.

Fikirkaada Waa Muhiim