Waxa aynnu awood u leenahay in aynnu beddelno oo aynnu qurxinno shakhsiyaddeena, taas oo inoo horseedaysa guul in aynnu gaadhno. Inta aynnu maalgelinno shakhsiyadeena ee aynnu dadka kalena ka caawinno in ay wanaagsanaadan ayeynu horumar gaadhi karnaa. Waxa aad ka fikirto iyo sidaad u fikirto ayaa qayb weyn ka qaadata shakhsiyaddaada. Inta aynaan dhex gelin tobankan qodob ee kaa caawinayaa in aad beddesho oo aad horumariso shakhsiyaddaada waxa aynnu qeexi doonna macnaha shakhsiyadda iyo waxa ay tahay:

Sidda Nebigu sheegay SCWS shakhsiyadda wanaagsan waatan ay ka nabadgalaan Muslimiintu, afkiisa iyo gacantiisa, qofka muhaajirka ahina waa kan ka fogaada wixii Alle ka reebay).

Waa maxay shakhsiyadduu?

Shakhsiyadduu waa isku dhafka hannaanka fikir, diin, darreen iyo dhaqan kuwaas oo qofka ka dhigaya mid u eg bulshadiisa uu la noolyahay ama uu ka soo jeedo asal ahaan. Marka aynnu leenahay qofkasi waxa uu leeyahay shakhsiyadda wanaagsan waxa aynnu uga jeednaa waa qof la jeclaysto la joogistiisa iyo la noolaanshihisaba, waayo waxa aad jeclaysanaysaa hab fikirkiisa, dareenkiisa iyo habdhaqan kiisaba .Qof kastaba waxa uu jecelyahay in la jeclaysato oo la xiiseeyo lana daneeyo ayna tixgeliyaan dhammaan dadka ku xeeran ee uu la noolyahay.

Xoogsi abwaan :Ismaaciil Mire

Gabaygan xoogsi abwaan ismaaciil mire waxa uu kaga hadlaayaa sida shakhsiyad caafimaad qabta oo dadka wax la qaybsanaysa loo soo saarilahaa ee aad u noqon lahayd qof dadka wax la qeybsada, abwaan ku waxa uu la hadlaaya inankiisa iyo cid walba oo gabtay waajibkii naftiisu ku lahayd ee Illahay saaray iyo waliba bulshada kale, waxa uu abwaanku ku sheegayaa in uu muddo badan soo korinayey kol-koolinayey isla markana aannu noqon sidii uu karabay saluugayna.Waxa uu u tilmaamayey in ragii la sinnaa ay adduunyada wax ka qabsanayaan, laakiin isaga dhiniciisi bannaanyahay marka gabayganu waa baraarujin qofwal bana wuu dhiirrigelinayaa.

Caliyow xasuus kugu dullee, walad xumaadaaye

Xaluun baanxaddaas gabay la kacay, oo xafiiltamaye

Dhaqashaba ha xaalaysanine, maqal xuruuftayda

Cabdi iyo Xuseen iyo Xirsi baa, kaa xusuus badane

Xiniinyoolihii kula sinnaa, xoogsi buu tagaye

Xadka qabada niman baa guboo, soo xantoobsaday e

 

Niman baa xeryaha deerka dhiga, xanankii toomoode

Liiraha rag baa Xamar u tagay, xeeb intuu maraye

Niman baa dayuurado ku xiran, xiima samadaase

 Niman baa xijiga iibsadiyo, xabag dhunkaaleede

Niman baa xaraabada gala oo, xoolo sanyada e

Niman baa xarrago quudhsadoo, xaarka iibsada e

 

 Hablaha Xuurulaynta rag baa, xeelad ku guursado e

Niman baa xafaarka u guntaday, oo xabaal qodo e

Soddon gu’ baan ku xisaabiy iyo, weliba xaabxaabe

 

Wax badan baan xagaagii waan weyn, xawda kuu jaraye

Wax badan baan sidkaha kuu xayiray, xaas walwaallada e

Kugu xiiqay sidaan kuu lahaa, xaaxayow toose

Xaawaley kolay tahay dad waa, xagafsanaayaaye

Xag uun labada daarood ku daran, hays xakabin meele.

Horumarka nololeed waxa ay ku xidhantahay shakhsiyadda-ada, oo haddii aad dadka soo jiidan karayn oo aad la dhaqmi karin way kugu adkanaysaa in aad horumar gaadho, shakhsiyaddaadu, haddii ay tahay mid dadka kuu soo dhawaynaysa oo ay jecelyihiin waxa aad tahay shakhsi ay u fududdahay in uu naftiisa horumar gaadhsiiyo, laakiise haddii ay shakhsiyaddaadu kuu horseeddo in lagaa cararo oo lagu naco ogoow wali waxa aad tahay shakhsi guul darraysatay.

Dad badan ayaa kaga mashquulaa dhisidda iyo qurxinta jidhkooda oo aad arkaysaa isa goo had iyo jeer ku mashquulsan siday dharkooda labbiskooda u qurxin lahaayeen,waayo waxa ay u qaateen nafta ama shakhsiyadda oo la hagaajiyo in waddadan loo maro. Run ahaan tiina waa qar lumay oo ka habaabay waddadii horumarka, marka waa in aad shakhsiyaddaadau hagaajiso dhaqan ahaan iyo maskax ahaan.

Fikirkaada Waa Muhiim