Marxaladaha oo aad mar dhacayso marna kufayso marna aad guulaysanayso, markaa marxalad waliba waxa ay kaaga baahantahay adkaysi, dulqaad iyo in aad Illaahay ku xidhnaato oo marka wax kugu dhacaan aad ku dhawaaqdo kelmadda (Innaa lilaah waa innaa Ilayhi Raajucuun) hana ku fakariin in dhibaatada adduunka cid gaara loo abuuray, haddii aad maanta faraxsantahay beri ma faraxsanaanaysid ee adduunyadu way hawlo badantahay, waxanad qaadataa qaaciidada ah haddii aad maanta faraxsantahay in aanad bari faraxsanaan doonin, haddii aad maanta dheregsan tahay in aadan beri dheregsannaan doonin, haddii maanta reerkaagu nabad qabo in aadan beri ku waaridoonin, waayo waxa jira mid walaalka oo in tan aad adigu haysato aan haysan, laakiin Illaahay ka cabsanaya oo rajaynaya in uu maalin uun gaadhi doono halka uu higsanayo, markaa adduunyadu maalin waa farxad iyo guul, maalinna waa murugo iyo guul darro, maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd “balaayo in tay kaa maqaan tahay qayrkaa ayey ku maqantahay”

Marka maalin waa farxad maalinna waa murugo, waayo adduunka ayaaba iska imtixaana, waalidka ayaa lagugu imtixaamayaa, waalid laanta ayaa lagugu imtixaamayaa, ubadka ayaa lagugu imtixaamayaa, ubad la’aanta ayaa lagugu imtixaamayaa, saboolnimada ayaa lagugu imtixaamayaa, taajirnimada ayaa lagugu imtixaamayaa, nabada ayaa lagugu imtixaamayaa, guusha ayaa lagugu imtixaamayaa, guul darrada ayaa lagugu imtixaamayaa.

Marka waxaa ugu mihiimsan qofka Illaahay tallo saarta ee marka uu faraxsan-yahayna Illaahay xusa marka uu murugaysan yahayna Ilaahay xusa, taa labaadna waa adiga oo isla markiiba samra, waayo samir wax ka wanaagsani majiro Illaahayna waxa uu u gargaaraa dadka Samirka badan, maahmaah soomaaliyeed ayaa ahayd “samra sadkii hela” waad ogtahay sidii Nabiyadu say u samri jireen samirkana waxa aad kaga dayan kartaa Nabi Ayuub calayhi salaam marku xanun ka darrani asiibay, markay qaarbaadiisi iyo dadkii dadka ugu dhawaa agtiisa ka tageen ee uu samray, Illaahayna wuu ku ammaanay.

Qof waliba rajo iyo yididdiilo ayuu nolosha kaleyahay, ka warran haddii rajadii, farxaddii iyo kalsoonidii aad noloshaada qayb ka mida ka lahayd ku baabiiso saacado gudahood, maxa aad samayn lahayd? Miyaad nolosha ka quusan lahayd? mise waxa aad noqon lahayd mid noloshiisa dib u dhisaa?

Fikirkaada Waa Muhiim