Qof ku waa in uu is weyddiiyaa kumaan ahay? Maxay se tahay awooddayda iyo xirfadda aan leeyahay? Haddii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta in uu ishormariyo.

Waa in aad taqaanid waxa aad la doonayso ama ka damacsantahay nafsaddaada iyo tan dadka kaleba, aadna ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay weyddiin kartidna waxa aadan fahmin, adiga oo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xidhiidho dadka kale. Haddaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmaynaya xidhiidhka iyo bulshoda, isla markana aad ogaatid in ay lama hurraantahay in aad xidhiidh fiican la yeelato dadka kale, ogowna waxa kula saxsani, qof kale waa ay la khaldanaan karaan. Tusaale ahaan 20 qof haddii aad weyddiisi “Maxaa la dhahaa horumar?” mid kasta si ayuu kuugu sheegayaa taas ah sida uu u arko in ay tahay horumarka macnaheeda, Sidaa darteed waa in aad taqaannaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale in taba.

Waa in aad leedahay xirfad aad kaga faa’iidaysan kartid hantidaada

Waxa aan ula jeedaa in aad leedahay hanti aad kaga maarmi kartid in aad dadka kale wax weyddiisatid. Soomaalida ayaa tidhaahda “Bukaan badan iyo baryo badan waa la isku nacaataasi waxa ay kugu dhiirri gelinaysaa in aad abuurto ilo dhaqaale

Waa in aad leedahay Xirfado aad wax isku bari kartid

Tani waxa ay tilmaameysaa awoodda aad u leedahay in aad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaad ka iyo cilmigagaba, adiga oo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahantahay ee ku gaadhsiinaysa waxa aad u baahantahay in aad ka midho dhaliso,Tusaale ahaan, maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawarranhaddii aadan aqoonin sida loo adeegsado internetka waa marka xagga fiican ee aqoontu ku jirto loo isticmaalayo ,sidaa daraaddeed waa in aad abuurtaa ama kordhisaa xirfadaha kugu kaalmaynaya korodhsiga cilmiga.

Isku day in aad adigu furto albaabo qayrkaa ku adkaaday in ay furan oo ay ka maageen

Ruux walba qiimihiisu waxaa uu ku xidhanyahay kolba waxa uu xaqiijiyo inta ay awood leedahay, haddaba in aad garaacdo oo aad adigu furihiisa hesho albaab xidhmay adiga ayey kuu fiicantahay, noloshaduna waxa aad kahelaysa dhiirrigelin aad albaabo aan jirinba aad ku abuurtiid oo waxa ay noloshaada ka noqonaysa baal dahaba, waxa aad noqonaysaa qof la ixtiraamo lagana danbeeyo. Haddii aad doonayso in aad horumar nolosha ah gaadho waa in aad ku dedaashaa in aad furto albaab kasta oo xidhan oo laga baqay, tanina waa mid qofka ku abuurta tixgelin u naftiisasinaayo qaddarinteeda iyo in naftiisu rumaynayso awoodaheeda gaarka ah ee Illaahay siiyey, waayo hore waxa aannu u soo sheegnay in qof waliba Illaahay siiyey awoodo gaar ah oo aannu jirin qof, qof u eeg ama la awood ah. Waxa aad arki doontaa in aad ka gudubto albaabkasta oo kaa horyimaadda albaabkii weynaa ee cidi ka gudbi kari wayday waad ka gudubtay, waxa kor ukacaya kalsoonida aad ka qabto naftaada, markaawax caqabada oo ku dhibaysaa majirto.

Iskuday waxwalba adiga oo baraarugsan in aad qabato

Waxa laga yaaba mararka qaar in khalad aad kasoo kabanwaydo wakhtiyar ku gasho, kaddibna uu sababo in dhammaan noloshaada samayn ballaadhan oo niyad xuma ah kugu reebto. Marka waxa lagaga baahanyahay in aad si fiican ugu baraarugsanaato, wax wal oo aad qabanayso iyo wadda kasta oo aad uu marayso si aannu dedaalkaagu uu noqon mid guuldarro keena oo aad adiguna is ciilkaanbido, markaa wax kasta waxa lagaaga baahanyahay in aad ku qaabisho deggenaansho, waxa lagayaabaa in aad dhigatay wax mihiima meel kamida guriga marka aad dhigaysid kamaad fiirsan waxaa halka aad dhigtay hadhaw bal kawaran haddii aad is tidhaahdo wixii ka qaado halka aad dhigtay aadan wakhtina ugu talogelin adiga oo degdegaaya kaddib waad wayday, waad raadinaysa wakhti aanad ugu talogelin ayaa kaaga lumaya. Marka horre ee aad dhigayso waa in aad ka fekertaa ,waxa aad halka aad dhigayso oo aad marka aad u baahato si aad uga qaadato oo aannu wakhti dheeraadii raadintiisa kaaga lumin, haddaba shaqada aad qabanaysana waxa ay la mid tahay sida alaabtaa aad meesha ku hubsatay ee aad ka qaadatay. Shaqo kasta marka aad hayso hubso in aad sida ugu saxsan u qabato si aanay waxba kaaga soo noqon.

Waxyaabaha hortaagan horumarka qofeed

In badan oo bulshadeena ka mid ahi waa dad aqoontooda diimeed iyo tooda maadiba ay hoosayso, sidaasi daraaddeed waxaa hortaagan waxyaabo badan oo aqoon darradu ku kalifayso isla markana ay ilbax isu haystan in ay dadka kale kaga horreeyaan islamarkana ay iyagu ilbax yihiin dadka in ta kalena ay badow yihiin sidaasi darteed bal aan wax ka taa-taabto.

Balwadda

Balwaddu waa shayga ugu weyn ee bulshadeena maanta ragaadiyey, waana wax dadka leh ay aad u badan yihiin Illaahayna ha ka daweeyo.

Waxyaabaha balwaddu keento

Caafimaadka:

Sida aynu wada ognahay caafimaadku waa nimco ka mid ah nimcoyinka Illaahay inagu galadaystay waana nimco la’a-aanteed aannu qofku waxba qabsan karayn, sidaasi daraaddeed haddana dadkeenna qaar ka midi waa qaar iibsanaaya caafimaad darrada waxaay ku iibsanayaan wixii Ilaahay siiyey. Wax yaabihi ugu qaalisana waxyaabahaas oo ah wakhtigooda iyo dhaqaalahoodii. Waxaa jira qaar iyaga oo aan dhaqaale u hayn cuna kuwaasuna waa kuwo u nugul isla markiiba in ay xaannun qaadan, waayo dhirtii oo sidediya ayey cunayaa waxa ay ku cunayaan cunto la’aan kaddib, waxa ay u fadhiisanaysaa caloosha, dadka qaar buu qaadku uga mihiimsanyahay waxyaabaha la cuno oo inta aannu raadin wax uu cunayo buu raadiyaa wixi uu qaadka ku iibsan lahaa iskaba dhaaf wax uu cuno’e waxaa u kala mihiimsanyahay carruurtiisa iyo xaaskiisa oo marka uu cuno ee uu u fadhiyo isaga kan ayaa carruur iyo dumarba u ah.

Wakht lumis

Dadka waxa ugu mihiimsan ee Illaahay siiyey marka caafimaadka laga yimaaddo waa wakhtiga. Wakhtigu waa mid aakhiro layna wayddiinayo, marka bal uu fiirso dadka balwadda u bannaan-baxay waxa ay fadhiyayaan meesha ay ku qayilayeen ama balwadda kale ku wadaan saacado fara badan. Dadka qaarbaa xataa si ka duwan dadka caadiga ah u shaqeeya oo maalintii habeen u tahay habeenkiina maalin u yahay oo in tay habeen oo dhan soo jeedaan maalintiina seexda, oo aad is odhanaysaa malaha quruumo kale ayey la shaqeeyaan oo idinkama mid aha, koleyn waxa bini aadanka loogu talo galay in ay maalintii shaqaystan habeenkiina nastan waxan sababay iyaga oo in badan fadhiyey goobaha balwadda.

Xishooddarro

Bal u fiirso qofku haddii uu balwad leeyahay balwaddu nooca ay doontaba ha ahaato xishoodkii meelbuu iska dhigay oo waa bilaa xishood. Bal uu fiirso suuqyada waaweyn ee maagalada Hargeysa waxa aad arkaysaa rag iskadaayoo, dumarkii iyaga oo qaadsita oo la dhex maraya suuqyada oo aan dan ka lahayn. Barigii hore waa la qarsan jiray oo si asturan ayey dumarku uu qaadan jireen, laakiin markii uu nolosha ka mid noqday ama waxyaabaha asaasiga ah uu galo, waxa uu qofku samaynayo iyo inta lamidahba xitaa haddii ay tahay wax xuun, waxa aad arkaysaa rag qayilaya oo haddana qaylinaya oo aan kulaba joogin ee shaydaan dirsaday oo heeryada saaray is la markana hibo Illaahay isaga siiyey oo uu dadka kale dheer yahay, waxaay u arkaan fariidnimo oo kii maanta iska daayey waxa uu ka qajilaa haddii saaxiibayaashi uu la cuni jiray uu la kulmo ma awoodo in uu ku yidhaahdo waar anigu waan iska daayey igala taga iyagana ku waaniyo in ay iska daayaan ee haddii uu maanta daayo haddana bari marka kuwii la cuni jiray la kulmo waa uu cunayaa.!

Nadaafad darro

Qofka balwadda lihi waa qof ka soocan dadka kale, oo marwalba uskag saranyahay oo duli dushiisa saranyahay, dharkiisu nadiif maaha jidhkiisana kaba daran,waa qof la nool darxumada oo ay daris noqdeen isla markana ogeynba dhibaatada naftiisa iyo urta ka baxaysa iyo sida uu dadka kale wax ugu geysanayo. Sidaasi daraddeedna nadaafad darro iyo haddii aad aragto qof aan isu war hayn waa balwadda.

Dhaqaalelumis

Waa mid aad u badan dhaqaalaha lagu isticmaalo qaadka iyo balwaddaha kaleba, marka aad dalkeenna u eegto aad buu u ballaadhan yahay oo mararka qaar waxad is odhanaysa dalka oo dhanba waxbaa lagaga beddeli lahaa oo waxa la gula tartamilahaa dhammaan adduun weynaha, haddana calool xumo labaad waxaa ah qofkani waxa yar e uu hayaaba wax kale u quudhi maayo ilaa uu qaadka ku hubsado, naftiisa iyo reerkiisaba midna xasuusan maayo ee haddii u soo shaqeeyo iyo haddii uu si kale ku helaba waxa uu ku iibsanaaya qaadka!.

Firfircooni la’aan

Waa meyd meel uu ku dhinto waayey, waa qof mahsan oo maqan, waa qof tamartiisi iibsaday, waa qof aan awood u lahayn in uu fikiro,waa qof dhawr jeer dhinta maalintiiba, Waa qof ka fogaaday diinta oo isaga qaadka wehel ka dhigtay, waa qof haddii maanta naftiisa la iibsanayo aan ogayn, waddan iyo cidkaleba daayo. Qofkani itaal malaha uu wax ku qabsado haddii uu seexdo iyo haddii uu soo jeedaba, waa qofkaa daaqaya geed, dushana waxaa uu uga egyahay bini aadam.

Waxa uu ku yidhaahdaa Ha fekerin

Balwaddu waxa ay leedahay oo qofka ku tidhaahdaa wax dhibaato ah oo adiga ku haystaa majiraana ha fekerin, waayo adduunyaduba aday ku hoostimaadda waa marka uu cunayee oo waxaa uu dhisaa magaalooyin bal-ballaadhan oo marka danbena dumaya waxa aannu ku abuuraa Hanweyni aan meel gadhsiisaneyn.

Ilbaxismood

Ilbaxismood waa wax dadka in tooda badan ay ku dhaqmaan taas oo aqoon darro u keenayso qofku waxaa uu isu haystaa in uu wax badan qabsan karo isaga oo iska jooga oo aan wax ficila samayn, taasina waxa ay la mid tahay qofkii oo maalin cad riyoonnaya oo dadka qaar waxa ay ku kaliftaa in ay sidaa noloshooda ku dhammeystan.

Shaqaysi la’aan

In aannu qofku ku dedaalin in uu dhididkiisa cuno waa wax dadkeenna ku badan oo xataa bulshadeenna iyo nafteenna daayo, uu waddankeeni ka horumari layahay. Islaweyni waa tan inoo diidday in aynnu wax la soo baxno, dadkeennu ayna shaqo abuuran ee aynu dhammaanteen doonayno in aynu helno kursi wareegaya, guri weyn oo cad, nolol dhammaanteed iyadu iswadda, habaysan oo aynaan inagu ku dhididin waa taa dhammaan dhalinta wax baratay fadhiisisaa maqaaxiyaha ee horumar u diidday, waa taa dhallinyartii dalkan u dhalatay ay badaha isugu guraayaan, Waa taa shaxaadka badisay ee qof waliba aannu gacmihiisa kala furayn, mararka qaar aya aad is odhanaysaa dadkan tolow yaa ku yidhi ha cunina dhididkiina waxna halla soo bixinna.

Fiqiirnimo

Fiqiirnimo waa waxa hortaagan in dadkeennu horumar gaadhan, markan leeyahay fiqiirnimo mahaa in qofku uu bilaa lacagyahay ee haddii u qofku aannu aqoon lahayn iskuna dayi karin in uu wax qabsado naftiisana horumar gaadhsiiyo, waxa aynnu odhan karnaa waa fiqiir oo mahayo caqli uu isku horumariyo, markaa sidaa daraaddeed aya aan anigu u arkay in uu faqiir yahay, oo yahay qof madhan mar haddii aannu naftiisa, bulshadiisa iyo dalkiisaba waxba ugu filnayn.

Khilaaf la’aanta nafta

Qofku haddii caqligiisa shaqaynayo waa qofka khilaafa naftiisa iyo shaydaanku waxa ay jecelyihiin, waayo naftu waxa ay jeceshahay in ay fadhido oo aanay waxba qaban hawshoona, dhididina, sidaasi darteed qofka ay naftiisu hoggaamiso waa qof adduun iyo akhirraba qasaaray. Markaa waa waxyaabaha ugu waaweyn ee hortaagan horumarka qofeed, bulsheed marka waxa aan kula talinayaa dadka indheer-garadka ah in ay naftooda khilaafaan oo la dagaa-lammaan, marka ay wax xun u jiidayso.

 Xisaabla’aanta nafta

Tan labaadna waa xisaab la’aan nafta, dadka adduunka horumarka ka sameeyeen waxa ay sameeyey in ay naftooda la xisaabtamaan, waxaana tusaale fiican inoo ah Nabigeeni suubaana (SLCW) iyo asxaabtii oo hadh iyo habeenba u taagnaa sida ay naftooda ula xisaabtami lahaayeen u gana adkaysan lahayeen dariiqada xun ee ay ku hoggaaminayso.

Cibaado la’aanta nafta

Cibaadadu waa shayga ugu mihiimsan, waana xadhiga inaga iyo Illaahay inoo dhaxeeya, markaa cibaadada ha lagu dedaalo oo qof waliba ha diyaarsado in uu dariiqada fiican ku dedaalo, sidaasi darteed cibaado la’aantu waxa ay keentaa in aannu qofku samayn horumar, waayo horumar la sameeyo waxaa ugu fiican ka la gasameeyo xagga diinta, haddii uu qofku diinta ku dedaalo waxaa hubaal ah in uu horumar gaadhayo.

Yaa cuna Qaadka

Waxaa cuna laba qaybood, mid aan waxba hayn iyo kuwa aynnu masuuliyiinta u haysanno intoodabadan, haddii ay tahay masuuliyiinta dawladda macallimiinta kuwa shaqaysta waxa laga yaaba qof tiisiiba u talin kari waayey ,qofkale u talinkarin ama wax bari karin ama xukumi Karin, isagiibabay tiisii bilaa daryeel tahaye oo aan isu talin karayn, macallinku waxaa uu cabbaa siigaarka, waxanu leeyahay balwaddo kale, waa in ka mide, waxanu doonayaa in uu ardayga tarbiyadeeyo oo uu wax baro, isagii ayaaba tiisa tarbiyadeyne, ee sidee wax looga qaadanaya, bal idinkaan idin wayddiiye?

Aabbuhu waxaa uu doonaya in uu ubadkiisa u barbariyo sida ugu fiican ayna noqdaan kuwa ugu wanaagasan, isagana dhaqan xumadii ugu xumayd ku jira, oo ah balwad, waa inta cuntee.

Bal maxay ka dhegeysanayaan dumarka iyo carruurtiisu. Bal ka waran ka masuulka isku sheegaya ee xilka loo dhibtay ee isna sidaasa, bal dalkaa yaa u maqan ee la doonayaa in ay talo keenaan illeen qalbi qayila talo fiican kama yimaaddee, maahmaah soomaali ayaa tidhaahda “cidna uma maqna ceelna u ma qodna”!.

Fikirkaada Waa Muhiim