Waxaa jira carro aan ahayn saddexdii aan horay u soo sheegnay. Waxaana jira carro la dhaho dibir. Dibir macnaheedu waa carro adag oo gabiib ah. Taasoo aan biyaha qaban oo dul rooraan biyaha. Carradaa noocaa ah lagama wada helo wadanka oo dhan, waxaa laga helaa meelo cayiman. Waxana meelahaas ka mida: gobolka Nugaal, qayb kamida gobolka Mudug iyo dooxada Dharoor. Meelahaa aan soo xusnay ayaa jira in ay xataa ku kala gadisan yihiin. Balse guud ahaan marka aad eegto waa carro dibir ah. Carradaan ayaa leh astaamo gooniya. Waxaana inta badan caan ku tahay biyo badan. Waxaana ku badan cusbada, saas oo ay tahay waxaa ka baxda dhir khaas ah oo laga helo.

Tusaale ahaan, gobolka nugaal, waa dibir, waana biyo badan yahay, cusbaduna waa ay ku badan tahay. Maadaama ay cusbadu ku badan tahay waxaa ka baxa dhir khaasa ku waasoo u adkaysan kara cusbada. Waxaana ka mida geedka u badan dooxada nugaal, waa daranta. Geedkani waxa uu leeyahay cusbo badan, xooluhu saas u macunaan. Balse waxay aad duunyadu u daaqdaa xilliga ay abaar jirto. Waana sababta ay ugu badan tahay dhanaanka. Daranta ayaa ah geed caan ku ah nugaal.

Carrada dibirka dhulka leh waxaa lagu yaqaan cimilo kulul oo saa’id ah.

Qaybaha carrada ay ka koobantahay

Carrada ayaa ka kooban afar qaybood oo aad u waa weyn oo kala ah:-

  1. Hawo
  2. Biyo
  3. Walxo macdan-need
  4. Iyo burburkii haraadiga dhintay ama burburkii caleenta

Carrada ayaa ku kala gadisan qaybaha aan hadda soo sheegnay. Waxayna saamayn weyn ku kala leeyihiin xaddiga hawada, biyaha, macdanta iyo haraadiga burburay. Carrada ayaa hodan ku kala ah macaadinta. Carrada ay ku kala badan yihiin macaadinta ayaa ku kala fiican xagga beeerasha, iyo intifaaca adeegsiga ciidda.

Fikradda laga qabo qaybaha carrada ayaa mug ahaan ku kala fiican bixitaanka dhirta. Waana xaalada ugu fiican uu geedku ku kobci karo isagoo helaya hawo lagu qiyaaso “20-30%”, biyaha oo lagu sheego in ay tahay “20-30%”, macdanta ayaa ah iyanna “45%” iyo haraadiga oo ah “5%”. Si kale hadaan u dhahno, kala badh carrada waxa ay ka koobantahay mug ahaan macdano adke ah, iyo haraadiga ah walxihii burburay oo carrada ka mid noqday. Isku darkooda ayaa ah “45%+5%”, oo isku buuxinaysa 50%. Qaybta kale ee soo harta ayaa carrada ay ka koobantahay kala badh hawo iyo biyo, Hawadaan iyo biyahaan ayaa isku gudbiya oo ka gala daldaloolada carrada.

Jaantuskaan ayaa kaa caawinayaa boqolay ahaan sida ay biyaha, macdanta, hawada iyo haraadiga inta ay kala leegyihiin. Dhab markaad ufiiriso, aragaaga ayaa qabanaya in macaadinta ay ugu badan tahay dhulka, 45% boqolkii ka tahay. Halka hawada iyo biyahana ay is leegyihiin oo ay isku buuxshaan 50%. Halka 5% soo harayna ay yihiin haraadigii wixii hore ee burburay.

Walxo macdaneedka ayaa asal ahaan laga soo dhiran dhiriyay dhagaxa oo gada sare ee dhulka. Daldalooda ay carrada ay leedahay ayaa ka dhigta mid ku wareegaysa hawada, biyahan, xiddidka, koritaanka iyo noolaha ilma aragtada ah in ay si sahlan ay ugu noolaadaan. Hadday carradu aysan lahayn wax daldaloola, ma ay jirteen wax nolol ah oo ciidda dhexdeeda ka jirta, oo ay nooluhu ka helayaan biyo iyo hawo isku dheelitiran. Xaalada ugu saraysa carrada ayaa ah, in si isleeg carrada ay ugu jiraan labada qaybood ee carrada, 25% oo biyo ah iyo 25% oo hawo ah. Waana tan ugu fiican

 

ee  carrada laga rabo in ay leedahay. Carrada ayaa badan kooda waxaa buuxshay adke macaadiinta ah. Taas oo u muuqata mid aad  ugu wanaagsan koritanka dhirta. Waayo 50% ayaa ah midda ugu saraysa ee ka dhigta in uu geedku baxo.

Carro hoosaadka ee ciidda ayaa ka kooban in yar oo walxo qashineed, ama bur bureedka caleemihii dhintay. Daldaloolada ayaa iyana ku yar carro hooseedka, iyo xaddi aad ubalaadhan oo noole yar yar kaas oo u iisha biyaha marka loo barbar dhigo hawada.

Waa maxay macdani?

Macdantu waa curiyayaal laga heli karo carrada. Taas oo ay ku kala duwantahay qaybaha ay ciiddu ka kooban tahay. Waana mid inta badan milanta oo ka mid noqota carrada. Waxaana tusaale kugu filan, silikayt, iyo macaadiin kale oo jira. Waxaana looyaqaan macdanta muhiinka ah “primary minerals”. Waana mid inta badan laga daalacan karo ciidda iyo saamigalka xaanida. Macdantaas ayaa ugu caansan inta badan oo saynis yahanadu isku waafaqeen, ayaa ah, silikayt, aayroon, iyo aluminiyaam ogsaydh. Macdantaan noocaan ah ayaa asaas u ah carrada qaybaheeda kala duwan.

Macaadinta ka samaysanta ciidda, dhagaxa iyo saamaynta cimilada ayaa looyaqaan macaadintaas “secondary minerals”. Carradaa ayaa ah dhoobada iyo xaanida kuwa inta badan macaadinta muhiimka ah laga heli karo. Macaadinta ayaa ku kala duwan qaab adkaysin ka cimilada. Waxaana inta badan macaadinta “primary minerals” ka, leedahay awood ay iskaga caabiso cimiladda. Waxaana badanaa laga heli karaa curiyaha layiraahdo silikayt ogsaydh. Xaddiga cimilada ayaa ku yar macaadinta asaaska ah. Waana midda afka qalaad lagu yiraahdo primary minerals. 

Macdanta kale ayaa la dhahaa secondary minerals taas oo inta badan laga helikaro dhoobada silikayt. Waxaana inta badan uusan iska caabin Karin cimiladda. Waxaana ka dhaca iswaydaariska curiyayaasha. Macaadinta ayaa ah mid carradu soo nuugto mid milan ah. Waxaana qaata dhirta. Qaybtoodna waxaa ay udagaan carrada hoose. Qaybtoodna waxaa laga qaadaa meel waxaana lageeyaa meel kale si halkaas laysku waydaarsado macaadinta midba midkale ubaahan yahay. Waxaana inta badan kaalin weyn ka qaata daadka ama biyaha qulqulaaya ku waas oo meel aad ugu badan tahay macdantu ka qaadaan geeyaana meesha ay ku yartahay.

Walxaha burburka ah oo ka hara haraadiga ayaa ka masuul ah dabacsanaanta iyo qaabka carrada aytahay. Waxaana jira xaalado la darso oo kala gadisan. Waxaana inta badan kamida qodobadaan soosocda:-

  1. Waxa uu siyaadiya haraadigu xaddigga biyo ee carradu qaban karto iyo saamigalka ugu wanaagsan ee carradu kubixi karto.
  2. Haraadiga ayaa ah qodobka ama isha ugu muhiimsan dhirtu ku tiirsan tahay, nafaqo ahaan. Waxaana inta badan laga helaa fosforas iyo salfar, oo ah macaadinta asaasiga ah ee geedka. Waxaana lagu daraa naytarojiin oo ah midda ugu muhiimsan ee uu geedku ku tiirsan yahay ama noolaha oo dhan. Waayo isku dhisyada laga helo hawada waxaa ugu badan waa naytarojiin. Taasna waa mid ka dhigaysa in nooluhu la’aanteed uusan noolaan Karin.
  3. Haraadiga ku jira carrada ayaa u dhaqma cunno ahaan, kaas oo noolaha yar yar ay quutaan. Walxaha isku dhafeedka haraadiga ayaa inta badan lagu kaydiyaa carro hoosaadka si ay dib loogu soonuugo. Sababta dib loogu soonuugaya ayaa ka dhigaysa in ay iska caabiso in uu ku dhaco suuska ama qurun. Qurubyada carrada ayaa saamayn weyn oo aad umuhiim ah ka qaadata ooggada sare ee ciida. Waxayna joogtaysaa samaysmidka qaab dhismeedka carrada iyo sida ay isugu dhisan yihiin iswaydaar siga curiyayaasha iyo biyaha.

Fikirkaada Waa Muhiim