Waxay aheyd galab saacadu ay ku aadantahay sagaalkii ama 3-dii galabnimo hadba sidda aad u taqaano. Waxaa wal-wal wada haayay dhammaan ardayda Jaamacada ayagoo markaas ay ka murugeysanyihiin natiijada imtixaanka taas oo qaadhkood soo qaateen natiijadooda. Waxaa jiray guux iyo sawaxan ka dhax dhacaayay ardayda dhexdooda waxey is weydiinaayeen su’aallo dhowr ah waxey ahaayeen kuwada sheekeynaayeen imtixaanka iyo dabeecadda qaar.

Midkii daraja yar haaysta waxuu eeedeynaayay macalimiinta assagoo ku eedeynaayay ineey qabyaallad ahaan u saxeen imtixaanka. Midkii dadaalay oo daraja fiican helayna  lagu xumanaayay inuu yahay mid macalin hebal cidiisa ah taasi waxaaa ka darneed  markaan soo fariistay geed lagu nasto oo aay fadhiyaan arday waxaa jiray mid muqaalkiisu wacan yahay unna eg wax garad balse doodi ma aanan maqal inta kalle, waxay dhagteyda maqashay reer hebel waligood ma dhicin iyo reer hebal ayaa dhacida u badan.

Waxaa la yiri halla soo tirsada cidiina iyo cideena inta dhacday ama daraja yar haysata  markaan u soo jeestay waxaan arkay wajiya ka muuqadaan xanaaq xadkabax ah  waxaad u maleysaa midkii ka mid ah oo hadlaba inuu xaq ku taagan yahay  waxa ay  u doodayaan ma ahan sharafta jaamacadooda mana ahan fasalkooda sharaftiisa ee waax qabiilkooda ruux siddaa asaga oo ku hadda qaa wax ku bartay miyaa laga suggaa inuu daacad u noqodo qaranka uu qabyaaladda ka fogaaya iyo inuu u istaga ciribtirka qabyaaladda fursadi mey dhammaan ardayeey haddii aan gacmaha is qabsan weyna oo aan qabyaaladdii la  dagaalami weyna waxaad ogataan in qabyaaladda naafa inaga dhigi doonta oo aay waxaba inoo reeban gabi ahaan teenba  sidda aay hada inoo baabi isay oo aay qeerkeen inaga reebay.

Soomaaliyey maxay kulla tahay haddii qabyaaladda xittaa ay gashay waxbarashada iyo meelo kalle oo aan loo baahneen.? Makulla tahay in qabyaaladda heerkaas caalamka ka gaartay, maxaa loogu hortagi karaa arrintaan?Fikirkaada waa muhiim.


 

Fikirkaada Waa Muhiim