Qaab muuqaaleedka carrada ayaa ah mid joog ahaan taagan oo dirito ah, halkaas oo laga heli karo dhammaan lakabyada ciidda. Marka ay carradu qalalan tahay waa mid aad ay ukala duwantahay lakabyadeedu. Waxayna leedahay carradu qaab muqaaleed aan xad lahayn, asii markaad mikroskoob ku eegto aad si sahlan u arki karto qaabka ay ukala xadaysantahay carradu.

Carradu lakabyadeedu ma ahan mid isku mida. Mid walbaana ashyaa ayay qani kutahay oo aan laga heli Karin lakabyada kale ama wayba ku yartahay. Xagga qara ahaana waa ay kukala duwan yihiin qaabka ay uyaalaan. Waxaa u sareeya lakab ladhaho O horisoon macne ahaana ah lakabka ugu sareeya ee ciidda. Lakabkaan O horisoon ayaa qani ku ah waxyaabaha dhintay burburkiisa iyo caleemaha ka soo daadata dhirta. Xagga macaadintana aad ayay ugu badan tahay maadaama uu ka kooban yahay noolihii dhintay burburkiisii oo carrada ka mid noqday.

Waxaad eegtaa xaabka geedka ka soodaata. Waxa ay isu beddeshaa ama ay noqotaa marka ay qalasho qurubyo yar yar oo lagu arki karo carrada kor keeda, muddo kadib si fudud ayaad udaalacan kartaa meeshii ay caleentu ku qubatay, in ay noqotay buddo madaw.

A-horisoon. Waa lakabka labaad ee ku dhaw lakabka O-horisoon. Waxa uuna leeyahay macaadino kala duwan oo aad waxtar u leh dhirta ka kor baxda carrad. Laakiin midabkeedu waa madaw. Sababtoo ah, dhammaan wixii O-horisoon soo dhaafa, waxaa lagu kaydiyaa qaybta A-horisoon. Waana qaybta sare carrada.

E-horisoon, waa lakab ka hooseeyaa, A-horisoon, una dhexeeya lakabka A-horisoon iyo lakabka B-horisoon. Lakabkaan E-horisoon waxa uu qani kuyahay macaadinta la yiraahdo silikayt kalaay, aayroon iyo aluminiyaan ogsaydh. Sidoo kalena waxaa iyana laga helaa cusbada la dhaho kaalshiyaam kaarboonayd CACO3 iyo soodhiyaam kaarboonayt taas oo hoos ugu soo daadagta carrada iyadoo laga keenaayo qaybta sare ee carrada. Lagamana helo burburka haraadigii dhintay caleenta iyo noolihii carrada korkeeda ku soo dhacday.

B-horisoon, waa lakabka ka hooseeya lakab E-horisoon. Waxaana u soo daadaga carrada kor katimaada taas oo la soodhaafiyo lakabyada sare carrada. B-horisoon waxa uu ka mid yahay lakab yadii aan hadda soo xusnay. Waxaana ka jirta nolol, sababtoo ah, waxaad ka heli kartaa hawadii, biyihii iwm.

C-horisoon, waa lakab kale oo ka hooseeya lakabka B-horisoon. Waxaa isana inta badan lagu tiriyaa lakab yada ay nolol ka jirto. Waxaana ku yar cimillada oo aan ka dhicin. Harraadigii ashyaadii burburtay iyo noolayaal yaryar ayaa laga heli karaa lakabka C-horisoon, waxaana ka dhaca falgalka kiimikaad. Asii lakabkaan uusan ka dhicin wax cimilo ah, waana lakab dhagax ah.

Dhammaan lakabyadaan aan ka soo sheekaynay waa ay kukala duwan yihiin xagga cimiladda, macadinta, qashinka, nafaqada, biyaha , falgallada kiimikaad iwm. Qaab muqaaleedka carrada ayaa ah, mid aad mikroskoob ku eegi karto haddad rabto in aad wax ka ogaato qaab muuqaaleedka carrada. Carrada ayaa kala duwan hab dhismeedkeeda, waxaana carrada lagu kala magacaabaa magacyo, iyadoo la abla-ablaynaayo, oo lakala saaraayo sidaan ku arkayno casharada soosocda.

Eeg labadaan jaantus oo sifudud ugu fahmi karto qaab muuqaaleedka ciida. jaantuska kowaad waxaad aragtaa lakabyada carrada. Jaantuska labaadna waxaad aragtaa lakabyada aan horay uga soo sheekaynay say ukala duwan yihiin, oo midiba midka kale kaga gadisan yahay macaadinta. Falaadha ugu horaysa jaantuska labaad, oo ay ku qorantahay “salt”, waxa ay lamacno tahay cusbo oo waxa ay noqon kartaa soodhiyaam iyo kaalshiyaam kaarboonayt. Falaadha ka saraysa waxa aad ku aragtaa in lakabka E-horisoon uu qani ku yahay macaadinta la dhaho silikayt, iron, iyo aluminiyaam ogsaydh. Falaadha ugu saraysa jaantuska labaad “organic matter”, waa lakabka qaniga ku ah, qashin nafaqeed ama burburkii iyo haraadigii wixii ka haray ee dhintay iyo burburkii xaabka. Sawirkaan ayaa kuu sahlaya in aad ogaato waxa uu yahay qaab dhismeedka ciidda. Kala sarsaraynta carrada, lakabyada habka ay isugu xigaan iyagoo kala hoos-hooseeya. Inta badan carradaan ayaa ku arki kartaa sida ay ugu kala badan yihiin nafaqada iyo macaadinka qaybaheeda kala gadisan.

Haddii aad rabto in aad si sahlan u aragto qaybaha carrada ama qaab dhismeedkeeda, waxaad imaanaysaa meel carro leh, kadibna waad qodaysaa saddex ilaa afar mitir 3-4m. Kadibna waxaad arkaysaa in ay carradaas aysan isku mid ahayn oo midiba mida kale kaga disan tahay muuqeeda. Dhab u eeg jaantuskaan sare, waa carro la qoday ilaa 3m, waxaadna aragtaa in aysan isku mid ahayn qayb waa gobol madaw, qaybna waa casuus xigeen ah, qaybna waa dhagax oo waa ladiib.

Markaad u fiirsato qaybta sare waxaa ka jira nolol oo dhir ayaa kaaga muuqda. Haddii aad aragtana dhir halkaas waxaa laga helaayaa biyo iyo hawo. Qaybta cadaan xigeenka ah, waxaa iyana ka jirta nolol, oo waxaa soo gaaray dhirtii xiddidadeedii oo hoos usoo daadagsan wali waxay haystaan waa biyo iyo hawo. Haddii aad arki waydo wax xidid ah, ama noole ah, halkaas suuragal ma ahan in ay nolol ka jirto. Inta badan waa carro aan biyaha soogaarin, hawaduna ku yartahay, sidaa la adligeed macquul ma ahan in uu noole halkaas ka helo nolol.

Inkastoo qudrada eebbe ay jirto oo meelkasta ka dhigi kara mid lagu noolaado. Waayo waxaad arkaysaa in dhagax dhexdiis markaad kala jabiso uu noole ku dhaqan yahay halkaas, kana helaayo wixii uu ilaahay subxaana watacaalaa uu u ogolaaday in uu quuto.

Markaad qoddo carradda ilaa dhawr mitir, sooqaado cabir si aad u ogaato inta aad dhulka hoos uqoday si ay kaaga sahlanaato in aad waxka ogaato qaab dhismeedka carrada. Adi oo raacaya jaantuskaa hoose, waxa uu kuu fududeynaya in aad ogaato habka loo cabiro dhulka hoose adi oo adeegsanaya qalabka loogu talagalay.

Sawirkaan waa qaab fudud oo aad ku ogaan karto habka loocabiro inta aad carrada hoos uqoday, adi oo indho indhaynaya waxa aad aragtay oo aad la kulantay.

Fikirkaada Waa Muhiim