Waxa aynu og nahay qiimaha cilmiga iyo aqoonta, oo aan sharraxaad badan iiga baahnayn. Marka aynu doonayno in aynu tartanka dunida kaalin sare ka galno, waxaa muhiim ah in aynu u dhug yeelanno in bulshooyinka dunidu ay isku dhaafeen aqoonta iyo akhlaaqda. Sidaa darteed waxaynu baahi weyn u qabnaa waxbarasho tayo leh oo ay saldhig u tahay tacliinta madeniga ah, farsamada tiknoolajiyadda oo horumarsan, tarbiyad la dabbaqo, qiyam bulsheed la ilaaliyo kuwaas oo dhammaan halbeeggoodu yahay dhaqanka iyo diinta suubban ee Islaamku.

Nolosha aadamaha waxaa aasaas u ah lammaanaha Ilaahay isu sameeyay. Unug bulsheedka qaran ka bilaabmaana waa qoyska. Marka reer la aasaasayo wuxuu ka bilaabmaa ninka iyo gabadha. Waxaa aad layaab u ah in aan wiilka iyo gabadha midkoodna aannu hannaanka qoyska ku soo baran tacliinta nidaamiga ah iyo mid aan nidaami ahayn midna. Inta badan waxaa lagu bartaa bawsi iyo cilmi dhegood ama tilmaamo guud oo waalidka iyo facaaga laga helo. Labo kasta oo dhallinyaro ah oo is guursadaana waxay nolosha qoysku ku tahay kacaakuf iyo inay isku bartaan reernimada.

Haddaba, si qoysku u waaro midho fiicanna u soo saaro waxaa muhiim ah in uu jiro hab-aaca guurka iyo hannaanka isqabitaanka ee ay labada ruux nolosha u wadaagayaan in la cilmyiyeeyo oo ay jirto tacliin, talooyin iyo dardaaran waalid oo guriga lagala yimaaddo. Qayb lagu dhigto jaranjarrada tacliinta hadba wixii ku habboon iyo meelo u gaar ah oo lagu barto ama xafiisyo la-talineed oo wixii dhib ah lala kaashado.

Dadka Somaliland iyo guud ahaanba dadka Soomaalida intiisa badan waxaa ragaadiyey musuqmaasuqa. Musuqmaasuqa badanaa waxaa saldhig u ah Iimaan la’aan, baahi iyo marka aannu jirin hannaan ilaashani. Musuqu wuxuu sii beeraa saboolnimo. Waxaanay baahidii abuurtay ma-shaqaystannimo iyo dhaqankii wanaagsanaa ee wax isa siinta oo isu rogay isku tiirsanaan dhaqaale iyada oo ugu danbayn dhaxalsiisay sabool sabool ku tiirsan. Dhaqaalihii oo curyaama iyo baryo aan la iskula yaabin oo magaca shaxaadka loo bixiyey. Waxaanad arkaysaa wiil la biilinayo isaga, aabbihii iyo awoowgii intaba oo haddana noloshu caadi isaga tahay, isaga oo aan saddex jiil shaqaysan. Waxaynu u baahannahay isbeddelka salka ah iyo horumarinta dhaqanka (cultural revolution and development) oo ay saldhig u tahay in musuqmaasuqa xididdada loo siibo, iyada oo la xoojinaya in muruqa iyo maskaxdaba la maalo oo la yeesha halbeeg-sharafeed ummaddu higsato oo kor loogu qaaday hankooda shaqo iyo hayntooda dhaqaalaba. Abwaankii Soomaaliyeed wuxuu yidhi:

In kastuu dhabcaal go’an yahuu, kuu dhadhamo diido,

Isagoo dharaar maqan koluu, dumar wax kuu dhiibo,

Dhan aad uga dhacdaba maal tolkaa, waad dhadhamisaaye,

Waa dhaawac kugu yaal bahdaa oo dhaqasho diiddaaye.”

Siyaasadda saranseertay ee dalkayga ku habsatay maalintii xornimada la qaatay ayaan u tiirinayaa gaabiska naftayda iyo guuldarrada dawladnimada ee dadkayga ku dhacay, sida aan qaybta hore ee buugga ku soo xusay. Waxaan muddo toban sano ka badan ku foogganaa siyaasadda oo aan u galay bal in aan dalkayga isbeddel khayr-qaba oo horumar u horseedo qayb ka noqon karo oo ka samayn karo, dadkaygana hoggaan ay ku daydaan u noqon karo, diintaydana ilaalin karo. Muddadii dhawr iyo tobanka sano ahayd ee aan ka ag dhowaa ama ku soo jiray siyaasadda, waxaan arkay dad badan oo khalad ka fahmay, oo reernimo ama dhaqaale aad ka heshaan u galay, in badan oo ku hafatay oo ay waxyeeshay ama dadkiisa wax ku yeelay, qaar ay ka luntay jahadii oo dhinac kale u kacay, iyo qaar ay kala luntay himiladii ay lahaayeen. Way jiraan qaar badan oo halkii ay doonayeen gaadhay, laakiin aan dadkiisa gaadhsiin halkii ay u baahnaayeen. Weli waxaan daba joogaa himiladii aan doonayay, waxaanan rejaynayaa in aan gaadho.

Guusha iyo guuldarrada siyaasaddu waa waxa is dhaafiyey Maraykan iyo Mexico, oo ah labo dal oo isku xiga. Waxa is dhaafiyey waa hoggaamiyayaashii soo maray, oo qaarna ku guulaysteen himiladii ay lahaayeen iyo meeshii ay dadkooda la higsanayeen oo ahayd in ay noqdaan dawladda ugu xoogga badan dunida iyo dad laga haybadaysto; qaarna waxaa ku fillaatay in ay kursiga gaadhaan iyo inay ugu danaystaan sida ay doonayaan, dadkooda iyo dalkoodana khasaare u horseedaan.

Haddaba haddii aad diidday in lagu hoggaamiyo, oo aad doontay in aad wax hoggaamiso heerka uu doono ha ahaadee, waa in aad hankeedii leedahay, aqoonteedii leedahay ama raadsataa cid leh, kartidii iyo dedaalkii loo baahnaa la timaaddaa oo sida ay hoggaankooda kuugu dhiibeen naftaada ugu hurtaa oo wakhtigaaga u hibaysaa. Waa in aad ogaataa in ummadi ku sagayso oo aad masuul ka tahay, xilkeediina ku saaran yahay oo lagaala xisaabtamayo if iyo aakhiraba.

Wakhtigii noloshayda waxaan aaminsanahay in aanan uga faa’iidaysan sidii ugu fiicnayd. In kasta oo aan dedaalay waxaa iga dayacmay wakhti badan oo i soo maray. Intii aan kacaamay badankeeda waxaan isku deyi jiray in aan ilaashado wakhtiga waxaanan u qorshaystay qaab uu aniga ii cajabiyay oo aan isku dayo in aan ilaaliyo, in kasta oo ay dhacdo in uu isu guurguuro ama isdaba maro. Mararka qaarna aan waafajin kari waayo sidii aan qorshaystay oo ahaa toban saacadood oo shaqo ah, labo saacadood oo nasasho ah, siddeed saacadood oo hurdo ah, saacad jimicsi ah, saddex saacadood oo cibaado ah.

Wakhtigu wuxuu tiir dhexaad u yahay ka faa’iidaysiga nolosha iyo in aad guul ku tallaabsato. Ilaalinta wakhtiguna waa arrin muhiimad weyn leh, qofka dedaalaya waxaa ku yaraada wakhtiga oo wuxuu doonaa in wakhtiga loo kala jiidi lahaa haddii ay dhacayso, in badan oo bulshada ka mid ahina waxay raadiyaan qaab ay wakhtiga u lumiyaan ama ay isku mashquuliyaan, iyaga oo moog qiimaha wakhtiga ay luminayaan ama dayacayaan. Dadka guulaystay ee taariikhdu xustay waxay u badan yihiin dadkii wakhtigooda sida dhabta ah uga faa’iidaystay.

Muhiimadda wakhtigu waa waxa keenay in dadkii ka faa’iidaystay ay tusaale lagu daydo u noqdaan nolosha. Waxaynu daraasaynaynaa taariikhda qarniyadii tegay iyo sooyaalkii ummadahii dunida soo maray. Taariihdu waa wakhti tegay, waxaana bilawgii buugga ku soo bilaabay taariikhda facayga iyo halka ay ka xidhan tahay taxanaha xidhiidhsan ee dadkayga. Sidoo kale waxaan ku soo gunaanadayaa raadka taxanaha casriyadii ay soo mareen bulshada Islaamka ee aan ka midka ahay.

Akhrinta taariikhda iyo tilmaamaha guud waxaa ka mid ah ogaanshaha casriyadii kala duwanaa ee Islaamka, xilliyadii uu hormuudka ahaa iyo xilliyadan casriga ah, taas oo aan u doortay in aan u kala qaado qormada buuggan toddoba casri iyo maamulladii kala duwanaa ee xilligaa, laga soo billaabo Nebi Maxamed (SCWS) oo ahaa Aasaasihii iyo Hormuudkii Islaamka. Bilawga iyo aasaaska hannaan maamul, kala danbayn iyo haykal dawladeed waxa markii ugu horreysay dhagax dhigay Rasuulku (SCWS) isaga oo Maka ka hijrooday, fadhiisinkii ugu horreeyeyna ka sameeyay Madiina. Waana bilawga tirsiga taariikheed ee Hijiriga. Halkaasi oo uu ka unkamay unuggii ugu horreeyey ee maamul Islaam ahi (1-11H – 622-632CD). Geeridiisii ka hor, maamulkiisu wuxuu gaadhay inta badan ee jasiiradda Carbeed.

Rasuulka (SCWS) geeridiisii ka dib, saxaabadiisu waxay doorteen Abuubakar, Cumar, Cismaan iyo Cali bin Abii-Daalib. Casrigan waxaa loo yaqaanaa wakhtigii Khullafa-Raashidiinta. Waa Casrigii labaad ee dawladdii Islaamka (11-40H. 632-661CD). Xarunta looga taliyaa waxay ahayd Madiina, waxaana maamulkoodii gaadhay mandaqadda Shaam, Ciraaq ilaa Masar. Casrigii saddexaad waxa billaabay Mucaawiye, waxaana loo yaqaanaa casrigii Umawiyiinta oo ahaa muddo 90 sannadood ah (41-132H. 661-750CD), xarunta looga taliyaana waxay ahayd Dimishiq, dalka Suuriya.

Maamulkani wuxuu gaadhay qayb ka mid ah Afrika ilaa Yurub (Andulus). iyadoo xagga barigana ku fiday Hindiya ilaa Shiinaha. Waxaa maamulkii saxaabadu ku soo gebageboobay Casrigii afraad. Waxaa loo yaqaanaa casrigii Cabaasiyiinta oo ahaa muddo 508 sannadood ah (132-656H. 750-1258CD). Xarunta looga taliyo Islaamka waxay ahayd Baqdaad, Ciraaq. Maamulkani wuu sii fiday waanu sii xoogaystay ilaa laga soo gaadho xilligii uu burburay, oo ugu danbayna ay cagta mariyeen gulufkii Mangooliyiinta, ee loo yaqaan Tataarka, oo uu hoggaaminayay Jankis Khaan iyo hormuudkii ciidamadiisa ee Hoolaako.

Casrigii shanaad ee Mamaaliikta wuxuu ka soo farcamay maamulkii Masar ka jiray waxa aannu jebiyey ciidamadii xoogga badnaa ee Taraarka ee soo burburiyey hoggaankii Dawladii Islaamka, Waxaana Muslimiinta Hoggaankii u kala danbeeyay Dawladdii Mamaaliikta, oo loo yaqaana Casrigii Mamaaliikta (648-922H. 1250-1517CD). Wuxuu si laxaad leh ugu sii fiday qaaradaha Aasiya, Afrika iyo Yurub. Xarunta looga taliyaa waxay ahayd Qaahira, Masar, ilaa uu talada kala wareegay hoggaankii Cismaaniyiintu. Casrigii Lixaad ee Dawladdii Cismaaniyiinta (922-1329H. 1517-1924CD), oo markii uu kala burburay maamulkii Mamaaliikta ay hgogaanka si xooggan ula wareegay dunida islaamkana ka talinayay illaa laga soo gaadho 1924, oo uu burburay isla markaana uu ku dhawaaqay Mustafe Attaatoork Jamhuuriyadda Turkiga ee Cilmaaniga ah. Xilligaa ayaana ugu danbaysay maamul muslimiinta u dhexeeya. Casrigan 1924 ilaa maanta dalalka Islaamku waxay yihiin 56 dawladood oo ay badankoodu ka yihiin muslimiintu, iyo dawlado kale oo ay qayb hoose ka yihiin sida dalka Hindiya oo ay ku nool yihiin maalaayiin Muslimiin ah.

Taariikhdan kooban ee sare waxaa la socday dhaqankii ay lahaayeen ummadahaasi oo ahaa dhaqanmo wanaagsan. Iyadoo laga yaabo in ay jireen waxyaalo caadooyin ah oo xun oo waxyeelo ku ahaa horumarka iyo aqoontaba, haddana guud ahaan dhaqankoodu wuxuu ahaa hab nololeed ku dhisan aqoon, tijaabooyin iyo xikmad kaas oo bulshada u ahaa ilaaliye iyo iskuxidhe.

Dunida Galbeedka ee maanta hoggaamisa inta badan aqoonta iyo ilbaxnimada waxay soo mareen marxalado kala duwan oo aad u qallafsan. Waxaa jirtay xilliyo ay halakeeyeen dhibaatooyin iyo gumaysi dagaallo sokeeyo, iyagoo inta badan ee dunida soo gumaystay iyagana qaarkood isa soo gumaysteen ilaa laga soo gaadhay dagaalkii 1aad ee dunida iyo dagaalkii 2aad ee dunida oo nafo badan iyo dhaqaale badan lagu waayay dib u dhac iyo saamayn xunna dunida oo dhan ku lahaa.

Waxaa iyaduna u dhexaysay welina aan dhammaan tartanka nolosha oo ah sunnada, nolosha iyadoo lagu tartamayo aqoonta, farsamada, ilbaxnimada iyo halbeeg nololeedka bulshada. Haddaba xilliyadii badnaa ee ay soo mareen oo wax wanaagsan iyo wax xunba lahaa, waxaan jecelahay in aan ka soo qaato xilliga ay u bixiyeen Iftiiminta (Enlightment), oo hirdankii ka dhex jiray Diinta, Dhaqanka iyo Ilbaxnimadu uu keenay in horumar badan oo xagga nolosha ah ay ku tallaabsadaan in kasta oo diintii iyo dhaqankoodiina uu dhibbane u noqday, dadyawga kale iyo diimaha kalana laga yaabo in dhibi ka soo gaadhay arrintan. Waxaan jecelahay in aan ka soo qaato taariikhdan inteeda wanaagsan.

Xilligan Iftiimintu oo ahaa bilowgii qarnigii 17aad ilaa kii 18aad oo ku sinnaa1685-1815 waxa uu ahaa xilli aad muhiim ugu ah koboca garaadka, falsafadda iyo aqoonta. Xilligani waxa uu baro bixiyey oo meesha ka saaray nidaamyadii taqliidiga ahaa iyo dawladihii ku dhisnaa boqortooyada, oo loo arkayey in ay caqabad ku yihiin horumarka garaadka iyo aqoonta qofka iyo bulshadaba.

Xilligaa waxa xoogaystay aragtida ah in adeegsiga cilmiga iyo caqliga oo wada socda lagu gaadhi karo horumar iyo barwaaqo, waana laga lib keenay arrintaa iyada oo guulihii ka dhashay isbeddelkaa aadamigu si weyn u mahadiyey; hadday tahay xagga siyaasadda, dawladnimada, falsafadda, culuunta daawada, isgaadhsiinta, iyo gaadiidka iyo waxsoosaarka oo isku furay dunidii kala xidhnayd. Aragtida xilligan Iftiimintu waxa ay salka ku haysay in wixii aqoon dunida jirta la soo qaato, iyada oo aan lahaanshaheeda cid gaar ah loo eegayn. Waana halkaa halka aqoontii soojireenka ahayd ee Islaamka iyo aqoonta cusub ee reer galbeedku iskala falgaleen, ee midhaha ka dhashay u noqdeen kuwo manfacooda la wada leeyahay.

Gebagebadii dunidu waa mid keliya, aadamigana Ilaahay baa abuuray oo karaameeyey, Nabi Muxammadna (SCWS) waxa loo diray dunida oo dhan si uu  uga saaro mugiga aqoondarrada, una gaadhsiiyo diinta iyo cilmiga, oo ah iftiinka nolosha. Wax kasta oo wanaagsan oo maanta ka muuqda dunida horumartay waa mid salka ku haya diinta oo si cad inoogu tilmaantay, hadday tahay ka faa’iidaysiga waqtiga, dhawrista axdiga iyo ballamaha iyo macaamilka wanaagsan ee aadamaha ka dhexeeya. Xikmaddu waa garashada waxa wanaagsan iyo halka loogu hagaagayo, garashaduna waa adeegsiga xikmadda si loo helo barwaaqo, badhaadhe iyo horumar, loogana badbaado belo iyo baas.

Fikirkaada Waa Muhiim