Marka qofka masuuliyadda loo dhiibo, nooc kasta oo ay tahay, waxay leedahay xuduud iyo qaab loo isticmaalo. Masuuliyaddu waxay tuujisaa oo soo saartaa waxa qofku yahay. Awoodda inta badan waxa weheliya xamaasad halis noqon karta, markay tahay awood weyn ama in uu qofku u taliyo xajmi ballaadhan. Waxaan odhan karaa waa lagu sakhraamaa. Waxaa caqliga tegsiiya dalabaadka badan ee dadka kaga imanaya, buunbuuninta kooxaha danaha ka leh, la-xisaabtan-la’aanta, aargoosiga, badnaanta anaaniyada iyo kibirka, isku dheellitir la’aanta awoodda uu u baahan yahay, waxa uu doonayo iyo helista awoodda xad-dhaafka ah iwm. Xaddiga sakhraddu badanaa waxay le’eg tahay hadba inta awood qofku helo.

Waxaanan odhan karaa waxaa caqliga u soo celiya ugu horrayn sharciga, ismaqalka iyo talawadaagta masuuliyiinta la shaqaynaysa ama ka sarraysa, dhibaatooyinka iyo dhacdooyin rabitaankiisa ka hor imanaya, qiyamka, dhawrsoonida iyo Alle ka cabsiga. Waxaa laga weriyey madaxweynihii. Maraykan ee caanka ahaa Abraham Lincoln: “Nearly All men can stand adversity, but if you want to test a man’s character, give him power” oo macnaheedu yahay: dhammaan dadka oo dhani way isu taagi karaan cidhiidhi iyo dhibaato, laakiin haddii aad rabto inaad tijaabiso dabeecadda qofka, u dhiib awood.

Haddii aan tilmaan xidhiidh la leh awoodda iyo taariikhda Islaamka ka bixiyo, waxay sheegaysaa taariikhda Islaamku dhacdooyin, qaar ka mid ah saxaabadii oo khalad ku kacay oo Cumar Bin khadaab uu si dhakhso ah ugu yidhi Nebiga SCW, Nebigii Ilaahayow ninkan qoorta ma ka jaraa. Iyadoo aynu og nahay dhiigga muslimiintu inuu yahay xaaraan, saxaabadii nebiga in la dilaana ay tahay dembi weyn, iyadoo aynu og nahay Cumar wanaaggiisa iyo heerka caddaaladdiisu gaadhsiisnayd, kaas oo ahaa shakhsigii saddexaad ee Islaamka, maxaa ka keenay in uu mid Saxaabadii Nebiga ka mid ah yidhaahdo ma dilaa? Waxaa ku badnaa xamaasaddii jacaylka diinta, Nebiga iyo difaaca Islaamka, waxa aannu u isticmaalayay awood xad-dhaaf ah oo uu ku ilaallinayay. Sidoo kale waxaan ka maqnayn debaacadda bashariyadda ee falcelinta degdeg ah, waxaa se joojin jiray sharciga. Marka Nebigu yidhaahdo maya ama sharciga loo akhriyo, Cumar wuu iska taagi jiray.

Marka tusaale xagga dhaqanka Soomaaliga ah la eego, waxaad ka helaysaa gabayga caanka ah ee kibirka uu ka tiriyay Ismaaciil Mire. Dhammaan 11-ka nin ee uu ku sheegay gabayga, waxay awoodda u isticmaaleen si caqliga ka baxsan oo xad-dhaaf ah ilaa ay soo gaadheen gegabadii oo guuldarro ah. Waxaa muuqata in aanay jirin awood ka sarraysay oo joojin karaysay, ama sharci soo dabbaala, malaha Alle ka cabsigoodu ma buurayn (intii hore waxay saaraayeen khaddu-sariic).

Marka aynu tusaale kale u soo qaadanno hoggaamiyayaashii Carbeed ee qarnigan, intoodii badnayd waxay ku sugnaayeen xaalad la mid ah taa aan kor ku soo sheegay ee Soomaalida, waxaanay isticmaaleen awood xad-dhaafa oo caqligii ka baxsan, dabarkii sharciguna muu shaqayn, diintana hadalkeeda iska daa. Waxaa la mid ahaa madaxweynihii Soomaaliya ee Maxamed Siyaad Barre, madaxdii sare ee kacaanka iyo boqolaal siyaasiyiin ah oo u dhexeeyay casrigan iyo casriga raggaa aan kor ku soo sheegay, waxaanay raaceen waddadaa aan soo noqodka lahayn (Fast line ka).

Markii uu 10|09|2010 dhacay duullaankii ONLF ee aan kor ku soo sheegay, ee  taliyayaashii ciidamadu nagu wargeliyeen mashaqada soo korodhay, ayaannu shir isugu yeedhnay dhammaan madaxdii amniga qaranka ku shaqada lahayd. Shirkii talo badan ayaa lagu soo jeediyay, doodna waa la isku waydaarsaday. taliyihii ciidanka, Nuux Ismaaciil Taani, ayaa warbixintii ku daray in Maxamed Cismaan Xudhuun oo ah taliyaha aagga galbeed ee ciidamada qaranku uu ONLF gacan siinayay kuna lug lahaa shirqoolkan, taas oo ay weliba suurtagal tahay in uu iska caabbin xooggan innaga la hor yimaaddo haddii aynu isku dayno in aynu qabanno.

Arrintan waxay nagu noqotay fajiciso kale oo ciidamadii nagu soo duulay naga mashquulisay. Iyadoo la qorsheeyay in xoog loo adeegsado qabashada Xudhuun iyo wixii taabacsanba, ayuu wasiirkii daakhiliga ee xilligaa Dr Maxamed Cabdi Gaboose soo jeediyay talo maangal ah, taas oo uu yidhi “Madaxweyne anigu aan tago magaalada Boorama. Maamulka, ciidamada iyo shacabkaba aan la kulmo, ka dibna aan tallaabooyinkeenna qaadno, si aan kacdoon magaalada la inoogaga abaabulin.” Shirkii iyo madaxweynihiiba wuu ku waafaqay. Sidii baannu habeenkii ku kala hoyannay, oo uu subaxii ku baxay.

Anigoo werwersan ayaan 6:30 subaxnimo shaqadii soo galay. Wax yar ka dib waxaa i soo garaacay Dr Gaboose, wuxuuna ila wadaagay xaalad ka duwan tii aannu haynay oo ah “Saaka 5:30 ayaan gurigii Xudhuun tegay aniga oo ciidankaygii wata. Ninkii la inoogu sheegay in uu fallaag yahay oo uu duurka ku jiro ciidamo xoogganna haysto, isagoo sariir kaambaydh ah daaradda ku hurda ayaan u soo galay, kamana muuqato wax dhibaato ahi!” Sidoo kale wasiirku wuxuu shirar la qaatay maamulkii gobolka, ciidamadii iyo dad badan oo uga-qaateen ah, markuu waraystayna wuxuu soo ogaaday in ay jirto is-maandhaaf iyo xurguf u dhexaysay Xudhuun iyo taliye Nuux Taani. Wasiirkii ayaa soo kexeeyay Xudhuun, markii baadhis lagu sameeyayna wax raad ah lama helin. Taladii wasiirku waxay noqotay mid badbaadisay isku dhac ciidan iyo tallaabo xagga gurracan loo qaado.

Gacanta siyaasadda iyo dublamaasiyadda, ayaa ka xoog badan gacanta ciidanka, oo la adeegsado marka xal kale la waayo. Wakhtiga mucaaradka iyo muxaafidka wax kasta oo laguu sheegaa wada run maaha, wax kasta lagaa sheegaana wada run maaha. Waa in aad iska hubiso waxa texgelinta u baahan iyo waxa aan u baahnayn.

 

***

Waxaan leeyahay akhristaha, marka aan tilmaamayo adeegsiga awoodda, awooddu ma aha in ay wax ku yeesho, ma aha in aad dadkaaga wax ku yeesho, ma aha in ay diintaada wax yeesho ama aad dalkaaga wax ku yeesho. Waa in aad u isticmaashaa wixii laguu siiyay, waa in sharcigu kaa soo dabbaalaa xamaasadda iyo dareenka bashariyadda ee kugu duugan. Waxaa laguugu dhiibay awoodda in aad bulshada ugu adeegto, ku maamusho, ku ilaaliso, oo aad cadawga kaga difaacdo.

Xilliyadii muxaafidka iyo mucaaradka ee kala duwanaa oo aan qoraalkan sare kaga soo warramay waxyaalo ka mid ah iyo wakhtiyadii kala duwanaa, aan ku soo xidho wax ka mid ah hadalkaygii xilligii aan xisbiga mucaaradka Waddani la midawnay.

Waxa aannu doonaynaa dadka Somaliland in aannu ka saarno u hoggaansanka ashqaasta, waxaan rabnaa in ay u hoggaansamaan sharciga. Dadka Somaliland in aannu ka saarno qoqobnaanta qabyaaladda, waxaan rabnaa iskuduubnida bulsho, isukaalmaysiga wanaagga iyo horumarka. Dadka Somaliland in aannu ka saarno isxulufaysiga danaystayaasha, waxaan rabnaa isgarabsiga aqoonta iyo aragtiyaha siyaasadeed ee ku dhisan daryeelka bulsho walaalo ah oo isku qiimaysa wanaagga, kartida iyo aqoonta.

Fikirkaada Waa Muhiim