Caddaaladda waa aasaasaka maamulka wanaagsan iyo dawladnimada, waxaanay ka mid tahay qiyamka wanaagsan ee bini-aadamku doonisteeda ka siman yahay. Fulinteeduna waxay ka mid tahay mushkiladaha waaweyn ee haysta caalamka, gaar ahaan Afrika iyo guud ahaanba dunida saddexaad. Caddaaladdu waa shay looga baahan yahay dhammaan heerarka nolosha. Waxaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay aasaasiyaadka nolosha.

Xaqiijinta caddaaladda iyo hagaajinta garsoorku wakhtigii aan dawladda ka mid ahaa waxay ka mid ahayd waxyaalihii culayska nagu hayey, in kasta oo ay ka mid ahayd waxyaalihii madaxweynuhu ballan qaaday xilligii ololaha isla markaana himiladeedu nagu weynayd xukuumad ahaan. Kumaannu guulaysan in aannu gaadhsiinno meeshii aannu la doonaynay. Waxa se jiray isku dayo badan iyo bilow wanaagsan oo aan odhan karo waa laga qabtay.

Mushkiladihii jiray iyo caqabadihii na dabray waxaa ka mid ahaa waxyaalo badan oo isa sudhan oo ay ka mid tahay: ugu horrayn aqoonta iyo wacyiga bulshada ee ku wajahan caddaaladda iyo gebi ahaanba kalsoonida bulshada ee garsoorka iyo helista caddaaladda oo aad u hooseeya, sharciga garsoorka oo qabyo ah iyo hannaanka caddaaladda oo aan horumarsanayn, aqoonta iyo xirfadda garsoorka oo hoosaysa iyo guud ahaan bahda caddaaladda oo aan diyaarsanayn, dhaqaalaha bahda garsoorka oo aan ku filnayn, shaqadooda oo aan ilaashanayn iyo goldaloollo ka jira nabadgelyada nafteeda, habmaamulka garsoorka oo jaahwareer ku jiro iyo hoggaaminta bahda caddaaladda oo aan qeexnayn.

Aan tusaale keliya u soo qaato siyaabaha ay shaqada ku yimaaddaan (HR) dadka garsoorka ka shaqeeya. Ugu horrayn way tiro yaraayeen dadka sharciyaqaannada ah, khibraddana leh ee ka soo shaqeeyay dawaladihii Soomaaliya u kala danbeeyay ee dhaxalka u noqon kari lahaa Somaliland. Maadaama oo mushaharka garsoorku hooseeyo, dadka sharciga yaqaannaa uma shaqo tagaan maxkamadaha, ee beddelkeeda waxay raadsadaan shaqooyin dhaqaale fiican leh ama waxay door bidaan in ay qareenimo ku shaqeeyaan. Sidaa darteed afarta jaho ee ugu badan ee ay ka kala yimaaddaan waxa weeye: Sharciyaqaanno tiro yar oo inta badan laaluush iyo musuqmaasuq ku soo kacaamay.

Booliska ku raagay oo dembi-baadhayaal iyo xeer-ilaalin ku soo shaqeeyay oo inta badani laaluush iyo musuqmaasuq ku soo indha fureen. Xoghayayaasha xaakimka oo loo yaqaan kaaliyayaal marka danbe noqda qaaddiyo fadhiista kursigii xaakinka heerarka kala duwan ee maxkamadaha, kuwaas oo inta badani xarfaan ku ahaayeen laaluushka ay u kala qaadaan qofka iyo xaakinka. Wadaaddo maxkamadaha degmada ka soo shaqeeyay, sida meharka, dhaxalka, qoomaha ama waxa loogu yeedho (Axwaalu shakhsiga), oo markii danbe ku socday dhammaan heerarka maxkamadaha ilaa maxkamadda ugu sarraysa iyaga oo aan aqoon ku filan lahayn.

Waxaa iyaduna caqab weyn ku ahayd qisaasta uu sharciga Ilaahay iyo sharciga Somalilandba dhigayaan. Dad aad u tiro badan, oo aan filayo in ay 100-150 qiyaastii gaadhayeen ayaa dil u xidhnaa. Waxaa adkaatay in la qisaaso tiro noocaas ah, oo u muuqan karta xasuuq. Sidoo kale waxaa adkayd in kuwa cusub lagu fuliyo qisaas iyada oo kuwii horaba aan lagu fulin.

Fikirkaada Waa Muhiim