Waa hubaal qof shaqaynayaa wuu khaldamayaa, Ilaahay ayuun baan khaldamin. Intii aannu shaqada dawladda ku jirnay khaladaad way naga dhaceen guud ahaan, anigana gaar ahaan way iiga dhaceen. Way dhacaysay wax aqoonxumo nooga dhaca, waanay dhacaysay wax aannaan ku talo gelin oo naga khaldamayay intuba. Balse ma jiraan khaladdo aan u badheedhay ama aan si kibir iyo dheeldheel ah ku galay oo aan hadda qoomamaynayo.

Markii madaxweynuhu talada dalka la wareegay ee uu soo saaray tiradii koobnayd ee golaha wasiirrada, maadaamo oo filashadu aad u sarraysay waxaa taageerayaashii Kulmiye ee siyaasiyiinta ahaa ka soo baxay qarax siyaasadeed, oo dhammaan dadkii boqolaalka ahaa ee wax filayay ayaa qaylada isku daray, sidii aan horeba u soo xusay. Waxaa ka sii darnayd dadka la magacaabay inta badini waa dad aan saaxadda siyaasadda ka muuqan, aqoonyahan iyo dad farsamo lagu soo xulay, balse aan indha buuxin taageerayaashii xisbiga. Taladii markii la gorfeeyay waxaa lagu goostay in madaxweynuhu DG-yada iyo hay’adaha madaxa bannaan markuu magacaabayo tixgeliyo.

Markii madaxweynuhu soo saaray 45 xil oo isugu jiray agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa bannaan, isla markaana xil-ka-qaadis ku sameeyay 26 DG oo hore u shaqaynayay, isla markiiba waxaa soo baxay khaladaad waaweyn oo ay ka mid tahay in maskaxdii ama xusuustii maamul ee wasaaraduhu (Institutiolnal memory) meesha ka baxdo. Sidoo kale wasiirradu waa aqoonyahan iyo xirfadlayaal, agaasimihiina waa siyaasi aan maamulka aqoon ama u jajabnayn. Wasaaradihii waxaa ka dhacay saxmad iyo murug shaqo, waxaanan is leeyahay waa khaladaadkii ugu horreeyay ee aannu galnay markii xukuumaddu talada la wareegtay.

Intaa waxaa dheeraa, waxaan ahaa madaxii shaqada iyo shaqaalaha madaxtooyada (Cheif Of Cabinet), markii aan shaqadii la wareegay ayaa labo xubnood oo la iigu sheegay inay siyaasadda ku milmeen oo shaqaalaha madaxtooyada ka mid ahaa aan u qoray warqad shaqa-ka-fadhiisin ah, labo kalana beddel u codsaday in hay’adaha kale la geeyo. Runtii sharciyadda sax kumay ahayn erisku. Waxaana qoraalkaa ii diyaariyay inamadii madaxtooyada ee shaqada aan ugu imi, aniguna waxaan u qaatay sidii shaqaalaha shirkadaha. Balse shaqaalaha dawladda waxaa la mariyaa hannaan u gaar ah, waxaana shaqada ka saari karta hay’adda Shaqaalaha oo keliya. Mid ka mid ah, oo Nuur Mooge la yidhaahdo, ayaa si qallafsan oo rabshedi ku jirto iigu soo warceliyay, aniguna waxaan u qaatay ujeeddo siyaasadeed iyo wixii lagu sheegayey oo kamaan gurin e, askartii ayaan ku ballamiyay in shaqadii laga eryay oo aannu soo gelin. Waxaan qirayaa in aannu sax ahayn qaabka aan u eryay.

Waxaa iyaduna wakhti taa ku dhow iga codsaday shakhsi aan ixtiraamayay in aan kala hadlo maxakamad wax kaga xidhan yihiin. Xoghayihii ayaan idhi qoraal aan arrintaa ugu gudbinayno ii diyaari. Qaab qoraal aan sax ahayn ayuu ii diyaariyay, manaan hubsan ee waan saxeexay waana loo diray. Nasiib wanaag nin oday ah oo aannu saaxiib nahay ayay warqaddii ku beegantay. Wuu ila soo xidhiidhay, waxa aannu igu baraarujiyay khaladka warqaddu xambaarsan tahay. Waan uga garaabay, ujeeddadii aan doonayayna waan u sheegay, warqaddiina waxaan ku idhi i soo celi. Arrintaasina halkaas ayay ku dhammaatay. Marka aad masuuliyad hayso waa muhiim in aad hubiso waxa lagaa saxeexayo, waana muhiim doorashada iyo hubinta wada shaqaynta xoghayaha iyo askariga ku ilaalinaya oo aad u dhug yeelato, waayo saamayn badan ayay shaqadaada ku leeyihiin xogo badanna waad is waydaarsanaysaan.

Arrimo ay ka mid yihiin caddaaladda, qabyaallada iyo la dagaallanka musuqmaasuqa, annagoo isku daynay in aan wax ka qabanno, haddana waxaan rumaysanahay in aannu ka gaabinnay shaqadii loo baahnaa ama aannaan saarin culayskii ku habboonaa. Manay jirin ujeeddo xun oo aannu ka lahayn e, waxaannu jeclayn in aannu wax ka qabanno, balse sidii aannu doonaynay nooguma qabsoomin.

Waxaa jirtay wada hadalladii maalgelinta ee dekedda Bebera oo aan guddigii ku hawlanayd ka mid ahaa intii aanan ka tegin xukuumadda. Waxaa u tartamayey ilaa shan shirkadood oo ay ugu soo horraysay shirkad Faransiis ah oo la yidhaahdo Bollore, shirkadda Emarate laga leeyahay oo la yidhaahdo DP World iyo saddex shirkadood oo ka soo kala jeeday Saudi Arabia, Kuwait iyo Switzerland. Wuxuu qorshuhu ahaa in Somaliland ay si fiican u baayactamaan oo ula gorgortamaan shirkadaha oo ay ugu cadcaddaayeen labadan shirkadood ee Bollore iyo DP World. In kasta oo Bangiga Adduunka aannu waydiisannay in uu arrintan gacan naga siiyo, haddana guddigayagii waxaan isla qaadannay in aannu u baahannahay cid khibrad iyo aqoon u leh oo na gala talisa dhinaca sharciga (Legal Advisor), iyo farsamada dhismaha dekadaha (Port Engineers).

Doodda iyo gorgortanku wuu badnaa. Xaddiga dhaqaalaha maalgashiga waxuu ka bilaabmay meel hoose, balse labada shirkadoodba waxay soo gaadheen ugu danbayntii ilaa afar boqol oo millyan oo Dollar. Hayeeshee waxaannu isku mari weynay DP World qaabkii heshiiska, oo ay doonayeen in marka hore aannu kala saxeexanno Qoraal Isfaham (MOU). Annaguna waxaannu doonaynay in shirkaduhu tartan galaan, marka ugu danbaysana ee aannu gorgortanka soo gaadhsiino meel fiican. Ugu danbayn 17 May 2015, waannu ku kala kacnay wada hadalkii dekadda Beberana halkaas ayaa iigu danbaysay.

Fikirkaada Waa Muhiim