Wada hadalladu waa wax dunida laga yaqaan oo inta badanna ku soo gebagebooba guul iyo in wax la isku afgarto. Arrimaha siyaasadda haddii laga wada hadli waayo, waxaa suurtagal ah in ay kuu horkacaan khilaaf raaga iyo mushkilad kugu hagta dagaal iyo dhiig daata, kaas oo ku soo gebagebooba guuldarro iyo arrin aan la mahadin. Shaki ma laha in wadajirku ka wanaagsan yahay kalatagga haddii aanay xal noqonin oo aan la wada joogi kari waayin. Tirana ma laha qoomiyadaha ku heshiiyey in ay midoobaan oo dawlad keliya yeeshaan. Waxa ka mid ah Yementan inoo muuqata oo wada hadalkii 1990 ku soo dhammaaday midnimo iyo dawlad keliya. Dawlado badan oo kale ayaa dunida wada hadal ku kala baxay oo ku heshiiyay in ay labo dawladood noqdaan.

Waxaa ka mid ah kuwii ugu danbeeyay wada hadalkii dhexmaray dawladdii la odhan jiray Jakoslafaakiya iyo qaybtii ka farcantay ee iminka loo yaqaan Czech Republic, kaas oo ku soo dhammaaday in ay ku heshiiyaan labada dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia.

Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia dhexmaray sannadkii 1999; kuwii dhexmaray sannadihii 1991 ilaa 1993 Itoobiya iyo Eritrea; kuwii dhexmaray sannadkii 2006 Serbia iyo Montenegro; iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Southern Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood, duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay.

Wuxuu yidhi Prof. Ibraahin Maygaag Samatar isagoo guud ahaan aragtida wadaxaajoodka arrimaha Soomaaliya iyo baahida Somaliland u qabto wada hadal ay la gasho Soomaaliya, iyo qaababka habboon ee ay Somaliland uga qayb gelayso fagaarayaasha caalamiga ah: “Dhibta jirtaa waxa weeye iyadoo arrimaha koonfureed ee aannaan shaqada ku lahayn la doonayo in na lagu walaaqo iyo meelihii xaajooyinka Soomaaliyeed lagaga tashanayey ee aayahayagii ku sugan yahay iyadana in aad ka maqnaataa ay adag tahay.

Koonfur iyadoo mid ah ayaannu la midawnay, iminkana iyada oo mid ah ayaannu la xaajoonaynaa, si aannu labo dal oo walaalo ah, oo jaar ah u noqonno.”

Somaliland waxay qaadday waddadan wada hadalka sannadkii 2012, oo aan ka mid ahaa xukuumaddii madaxweyne Siilaayo ee xilligaa. Annaga oo ogsoon kana duulayna in dawladnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ay taam iyo mid dhammaystiranba noqon karto marka ay beesha caalamka ka hesho aqoonsi buuxa, waxaannu yaqiinsannay in ay daruuri tahay in la dardargeliyo ka midhadhalinta himilada aqoonsi-raadiska Somaliland oo ay saldhig u tahay wadahadal lala galo xukuumadihii u kala dambeeyey Soomaaliya.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxaannu gurigayga ku kulannay nin la yidhaahdo Faarax Giindhe oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho, Soomaaliya. Waxaannu ka faaloonnay sidii wadahadal Somaliland-Soomaaliya loo bilaabi lahaa. Markii aan arrintii isla qaadannay, ayaan qorshihii u bandhigay madaxweynaha iyo wasiirkii khaarijiga ee xilligaa. Si fiican ayaannu isula qaadannay qaabkii loo bilaabi lahaa wada hadallada, oo aan isla waafaqnay in marka hore la sameeyo kulamo qarsoodi ah oo aan rasmi ahayn (Informal discussions); marka faham la abuurana, kulamo rasmi ah la sameeyo.

Waxaana xusid mudan markii lagu jiray ololaha doorashada madaxtooyada in waraysi uu madaxweynuhu siiyay wakaaladda Wararka Qaramada Midoobay (www.irinnews.org) uu ku sheegay in Somaliland aanay faraha ka laaban doonin arrimaha Soomaaliya, isla markaana ay ka shaqayn doonto sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabbaali lahaa, oo qaadi doonto tallaabo kasta oo aan wax u dhimayn madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Haddaba, maadaama oo ay jirtay xaasaasiyad siyaasadeed oo ku wajahan wax kasta oo u muuqaal eg midnimo Soomaaliya, arrinta khusaysa wada hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya, waxay ahayd arrin horseedi karaysay kacdoon siyaasadeed iyo qalalaase bulsho oo ay ka dhalan karto fawdo. Annagoo arrintaa maanka ku hayna, ayaannu si taxaddir leh u bilawnay wada hadalladii.

Kulan iyo wadahadallo lala yeesho Soomaaliya wuxuu ahaa xaaraan wakhtigaa, siyaasad hagaagsan iyo qorshe arrintaa ku aaddanina ma jirin. Balse waxaa jiray hadal geed-kaga-kac ah oo laga dhaxlay madaxweyne Cigaal, oo dawladdii ka danbaysay iyo dhammaan siyaasiyiinta Somaliland ay isticmaali jireen oo odhanaysa: “Waxaannu Soomaaliya la hadlaynaa marka ay dawlad noqdaan.” Waxaan arrintaa u arkayay arrin khaldan. Waa laga yaabaa in dad badani arkayay inay khalad tahay balse may jirin kudhac iyo dhiirranaan arrintaa lagu waajaho. Waxa aannu qorshaynay in aannu bilawno wada hadallo aan toos ahayn. Madaxweynaha, wasiirkii khaarijiga, iyo ninkii Faarax Giidhe ayaan kulan u soo qabanqaabiyay.

Madaxweynaha iyo wasiirkii khaarijiga shir baannu yeelannay. Dood iyo niqaash ka dib, arrintii waa la isla qaatay in la bilaabo wada hadal, ninkiina waxaannu isla garannay in uu noqdo xidhiidhiye/dhambaal-side. Waxa aannu u dhiibnay warqad ku socota madaxweyne Shariif, oo aannu ugu bandhigayno wada hadal in Somaliland iyo Soomaaliya ku kala baxaan.

Arrintii Sh. Shariif wuu soo dhoweeyey, ninkii Faaraxna wuxuu u soo dhiibay warqad kale. Waxay diyaariyeen koox ka socota dawladdii Xamar (Wasiirkii daakhiliga, wasiirkii qorshaynta, madaxii sirdoonka, iyo maayirkii xamar). Aniga iyo wasiirkii khaarijiga ee xilligaasi waxaannu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulannay kooxdaa ay soo dirsatay dawladdii Soomaaliya. Kulankii u horreeyay ee Nairobi waxa uu ahaa mid kooban oo aannu ku bislaynaynay shirarka aanbu yeelanaynay qaabka ay noqon doonaan iyo qorshaha lala tagayay shirkii ugu horreeyay ee aannu yeelannay, oo magaalada London lagu qabanayey.

Somaliland ahaan, waxaannu ka dedaalaynay in wada hadalladu ay ku furmaan qaab u dhigan in labada dhinac u wada hadlaan qaab ah labo nidaam oo siman (two Entity) oo ka wada hadlaya xidhiidhka siyaasadeed ee dhexmari lahaa mustaqbalka.

Qolada Soomaaliya waxaa muhiim u ahayd in mar uun Somaliland miiska timaaddo oo wada hadal oggolaato oo ay guul u arkayeen, iyadoo ay dareenkooda ka muuqatay in ay Somaliland masaalaxo iyo madaxsalaax ku soo noqon doonto. Waxa aannu isla garannay shirkii London ee xilligaa ay dawladda UK ku baaqday in looga qaybgalo labo nidaam oo siman iyo in aan Somaliland ka mid ahayn saxeexayaasha qorshihii Garoowe (Garowe road map), wixii ka soo baxayna aanay khusayn. Arrintani waxay dawaysay in aan na lagu darin qorshihii maamul goboleedyadii Soomaaliya. Sidii baa lagu wargeliyey qabanqaabadii shirka. Ugu dambayntii waxaannu ku guulaysannay in aannu shirka ku nimaadno annagoo ah laba dawladood oo kala ah dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkii London ee ay dawladda Britain u qabatay dhinacyadii Soomaalida, kaas oo duniduna si xooggan ugu hanqal taagtay, waxaa xal loogu raadinayay mishkiladdii Soomaaliya. Markaa qolada Soomaaliya waxay xiisaynayeen in Somaliland shirka timaaddo oo uu madaxweyne Shariifna guul u arkayay. Dawladda Britian waxay iyana doonaysay inay muujiso doorka dublamaasiyadeed ee ay ka ciyaari karto guud ahaan arrimaha Soomaalida, gaar ahaanna in ay muujiso in ay Somaliland miiska keeni karto maadaama oo ay saaxiib dhow la ahayd, duniduna ku tuhunsanayd.

Xukuumad ahaan, waxaannu u arkaynay in wada hadalku qiimo badan u yeelayo Somaliland, in uu noqonayo muuqaal dunida u muujinaya in Somaliland iyo Soomaaliya is hayaan oo aanay jirin wax ay Soomaaliya u madaxbannaan tahay oo ay go’aanka ay doonaan ka gaadhi karaan iyo in dunida la tusiyo in Somaliland ay tahay dawlad ilbax ah oo diyaar u ah garnacsi ay dunida u soo bandhigaan dooddooda. Waxaannu wada hadallada u arkaynay guul. Arrintaa dariiqa ka soo horjeeda ee dadku haddii ay wadahadal iyo xal dublamaasiyadeed wax ku kala dhammaysan waayaan, waxaa doorashada labaad noqonaysaa khilaaf, cunfi iyo dagaal. Duniduna waxay isla qirsan tahay dadyawga dunidu in ay xaq u leeyihiin inay masiirkooda ka taliyaan.

UN Charter ayaa odhanaya: “All peoples have the right to self-detemination. By virtue of that right they freely determine their political status and freely pursue their economic, socail and cultural development”; oo marka la soo koobo micno ahaan sheegaya in cid kastaa xaq u leedahay aayakatashigiisa, oo ay iyadu xor u tahay doorashada hannaankeeda siyaasadeed. Waxa kale oo iyana jirtay in dawladdii Sheekh Shariif uu cimrigeedu gabaabsi ahaa isla markaana waxa soo dhawayd xilligii la soo dooranayay dawlad kale oo loo dhiso Soomaaliya. Waxa kale oo xilligaa magaalada Garoowe ka dhacay shirkii maamul goboleedyadda Soomaaliya oo ay saxeexayeen tubtii maamul goboleedyadda (Garoowe Road Map). Arrintaasi khatarteeda ayay lahayd, oo haddii aannaan samayn lahayn taxaddarkii aannu xukuumad ahaan samaynay, waxay run ahaantii Somaliland ku noqon lahayd dabin weyn.

Shirka markii la tegay waxaa noo qorshaysnaa bal in labada madaxweyne (Silanyo iyo Sh Shariif) ay mar kulan u gaar ah oo dadban (Informal) yeeshaan kulankaa waxaa uga jeeddadiisu ahayd in labada madaxweyne is bartaan iyo kalsoonida kooxihii wada hadaladu isugu iman lahaa kor loo qaado.

Markii labada madaxweyne ay isugu yimaaddeen guriga madaxweyne Silanyo uu ka degganaa London. Waxa si lama filaan ah arrin u soo bandhigay madaxweyne Sh Shariif. Wuxuu yidhi: “Madaxweyne Silanyo, waxaan jecelahay in aan soo jeediyo in aad noqoto madaxweynaha Soomaaliya oo kursigan aan ku fadhiyo aan kaaga dego, taa beddelkeedana in aad aniga raysal wasaarahaaga iga dhigato, kursigaagana aad cid aad ku kalsoon tahay u dhiibto sidaana aan dib ugu soo celinno midnimadii Qarankii Soomaaliyeed.” Madaxweyne Silanyo wuxuu kaga jawaabay “adeer sidaa uma hawl yara oo dadkii i doortay ayaan arrintaa igu waafaqayn. Balse waad ku mahadsan tahay dedaalkaaga iyo soojeedintaada.”

Runtii madaxweyne Sh Shariif waxaa ka muuqatay in uu aad u dhiirran yahay oo khatar kasta uu diyaar u yahay si uu u helo wadajirkii Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu ahaa nin u dheganugul arrinta wada hadallada oo aanay xasaasiyadi ka muuqan.

Shirkii intii aannu bilaaban waxa la sugay habmaamuuskii shirka loo imanayay. Waxaana la qorshaynay in madaxweyneyaashii Somaliland iyo Soomaaliya ay kala fadhiistaan laba meelood oo isku mustawe ahaa, iyadoo mid walba kursigiisa loo dhigay calaamaddiisii iyo qoraal muujinaya xilkiisa. Madaxweyne Axmed Silanyo, ra’iisal wasaaraha Ingiriiska ayuu dhinaca midig ka fadhiyay, halka madaxweynihii wakhtigaas ee Soomaaliya Sh. Shariifna uu bidixda ka fadhiyay.

Keliya maannu sii qorshaynin habmaamuuskii fadhiga shirka, ee xataa waxaannu si mug leh uga sii taxaddirnay hadalka ay labada madaxweyne madasha shirka ka jeedin doonaan! madaxweynaha Soomaaliya ayaa u hadlay Soomaaliya, halka uu madaxweynaha Somaliland isna u hadlay darafkii Somaliland. Sida runta ah, arrintaasi waxay ahayd qiime iyo sharaf weyn oo aannu is lahayn waxaad u soo hoyseen Jamhuuriyadda Somaliland. Shirkaasi waxa uu dhacay 23 Feb 201,2 waxaana ka soo baxay war murtiyeedkii caanka ahaa oo uu ku jiray qodobkii lixaad oo ku baaqayay in xidhiidhkooda siyaasadeed ee mustaqbalka ay ka wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya:

The Conference recognised the need for the international community to support any dialogue that Somaliland and the TFG or its replacement may agree to establish in order to clarify their future relations”.

Kulankaasi ibo-fur buu u ahaa wada hadalladii dambe ee ay labada dawladood yeesheen. Waxaan qirayaa in uu door muhiim ah ka cayaaray dhambaal-wadihii xidhiidhinta noo qaabbilsanaa iyo wefti reer Somaliland ah oo xilligaa gurmad deeqo ah u qaaday abaaro kulul oo waxyeeleeyey Soomaaliya. Weftigaa oo Muqdisho tagay ayaannu u sii dhiibnay farriimo ay u gudbiyeen dawladdii Muqdisho. Farriintaasi wuxuu nuxurkeedu ahaa: Shacabka reer Somaliland qarannimadoodii way la noqdeen. Uma aannaan goosan cadho iyo ciilqab ee waxaannu u goosannay doonis xooggan oo ka dhalatay rabitaanka dadkayaga.

Arrintani waxay xoojisay wada hadalkii ka furmay dalka ingiriiska, daarta caanka ah ee Chevening House, kaas oo uu ka soo baxay war murtiyeedkii Chevening House Declaration oo qodobbadaa lagu go’aamiyey ay ku jireen in labada madaxweyne ay ku saxeexaan heshiiska ay labada dhinac ku soo gaadheen UK. Waxaana heshiiskii madaxweynayaasha (Silanyo Sh Shariif) lagu saxeexay dalka UAE ee Isutagga Imaaraadka Carabta gaar ahaan Dubai oo uu ka soo baxay Bayaankii Dubai (Dubai Statement).

Heshiiskii Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya

Markii labada kooxood isu yimaaddeen, intii aan la gelin qolkii lagu wada hadlayey, waxaa ila hadlay Math Wood oo ahaa xoghayaha 1aad ee safaaradda UK ee Itoobiya, wuxuu igu yidhi: “idinku wakhtigan maxaad u danaynaysaan wadahadallada?” Waxa ka muuqatay qolada shirka wadday ee Ingiriiska werwer aan u filayo in uu ku salaysnaa in lagu eedeeyo in ay Soomaaliya kala jarayaan. Waxaan ugu jawaabay annagu Somaliland haddii aannu nahay, waxaannu dunida u xaqiijinaynaa in aannu diyaar u nahay wadahadal iyo garnaqsi, sidoo kale dantayada ayaa ku jirta dawladdan jilicsan oo waxaan ka dhammaysanaynaa kala baqoolkayaga si nabad ah. Markii labaadna Soomaaliya waxaannu si dadban ugu kulannay dalka Imaaraadka Carabta. Shirkaasina waxa uu gogolxaadh u ahaa shirkii dambe ee aannu ku yeelannay Magaalada Istanbul/Ankara ee dalka Turkiga ee Xasan Sheekh iyo madaxweyne Axmed Silanyo yeesheen, ee heerkiisu mid madaxweyne ahaa.

Saxeexa Heshiiska Somaliland iyo Soomaliya. Waxa taagan Madaxweynayaasha Somaliland, Turkiga iyo Soomaaliya.

Wufuuddii Soomaaliya ka socotay may lahayn aragti midaysan sida weftigii ka socday Somaliland oo kale, waayo waxay isugu jireen qaar uu madaxweynuhu soo diray, xubno uu raysal wasaaruhu si gaar ah u soo dirtay iyo wakiillo uu ergada ku soo darsaday guddoomiyaha baarlamaanku. Waxaannu is leennahay markiiba wixii Somaliland u dan ahaa iyo maslaxadeenniiba goolkii koowaadba waannu ka dhalinnay. Annaga waxa guddoomiye noo ahaa wasiirkii khaarajiga ee xilligaa Maxamed Cabdilaahi Cumar. Markiiba waxa la iska xulay labo laba xubnood, waxaana la sameeyay oo lagu heshiiyay ajandihii. Markii dambena waxa la isku afgartay war murtiyeedkii.

Kulankii labaad ee ay Somaliland iyo Soomaaliya ku yeesheen Turkiga waxa uu ka dhacay magaalada Istanbul. Shirkan dambe labadii wefti baa wada hadlay. Dood labo cisho ah ka dib, waxa aannu ku heshiinnay toddoba qodob. Markii aannu heshiiskaa gaadhnay waxa loo yeedhay labadii madaxweyne, oo in Ankara loo duulo ayay noqotay oo labada madaxweyne ku saxeexeen. Markii aannu tagnay Ankara, madaxweynihii Soomaaliya way ku qadhaadhaatay heshiiskii aannu gaadhnay. Olole ayaannu u galnay, dawladdii Turkiguna waxay tidhi qodobbadii ay labadii dhinac soo gaadheen ha la saxeexo. Markaa waxay noqotay in haddana la yidhaahdo labo wasiir ha u kala saxeexaan iyadoo ay dul taagan yihiin labada madaxweynaba. Waxa isna taagnaa goobtii heshiiska lagu kala saxeexanayay madaxweynaha Turkiga oo xilligaasi ahaa raysal wasaare.

Waxa maalintaa ka soo baxay madaxtooyada Turkiga warbixin ay leeyihiin waxaannu wadahadalsiinnay labo dawladood oo Afrikaan ah. Waxaanay arrintaasi ka turjumaysay ahmiyadda uu Somaliland u lahaa wadahadalladii ay la yeelatay Soomaaliya.5

Wefdigii Somaliland iyo Soomaaliya, oo uu u dhexeeyo Raysal Wasaarihii Turkiga. Istanbuul.

Kulamadii shirarkii wada hadalladu way badnaayeen. Waxaa lagu kulmay UK, Imaaraadka, Turkey, Jabuuti iyo Kenya (oo Informal ahaa). Waxaa la isla gartay arrimo muhiim ah, oo ay ka mid ahayd in loo wada hadlo si siman (Somaliland-Soomaaliya); In la iska kaashado nabadgelyada; In si siman loo qaybsado maamulka iyo dhaqaalaha hawada, Hargeysana laga maamulo; In wixii hadalxumo ah ee dhaawici kara wada hadallada la joojiyo; In wixii 5 Ka eeg halkan: http://www.mfa.gov.tr/historic-soomaaliya-summit-in-ankara-presidents-of-soomaaliya-and-somaliland-met-in-ankara.en.mfa mucaawinooyin ah aan la siyaasadayn, qolo kastaana hesho saamigeeda; iyo In ay Soomaaliya qirto xasuuqii loo gaystay dadka Somaliland.

Shir kasta oo aad ka qeybgasho haddii uu najaxo guushaada ayay qeyb ka tahay, haddii uu guul-darraystana guuldarradaada ayay kaalin ku yeelanaysay. Waxa ii farxad ahaa in guulihii laga gaadhay wada hadalladaasi aan qeybta ugu muhiimsan ku lahaa kagana jiray kaalin firfircoon.

In kasta oo Soomaaliya ay ahayd dawlad dunidu aqoonsan tahay oo xubin ka ah jamciyadda quruumaha ka dhexaysa, isla markaana ay dunidu muddo dheerba isku deyeysay in ay dawlad u dhisto, lana burburiyey awoodda kooxihii mayalka adkaa ee ka soo horjeeday (Al Shabaab iyo xisbul Islaam), weli dawladdii may tamarin, waxay se ka soo baxday godkii. Somaliland oo meel fiican maraysay, balse aan dunida ka helin taageero fiican oo la taaban karo, waxaa xilliyadaa Soomaaliya aadka loo koolkoolinayey nagu soo kordhay werwer ku saabsan in dunidii u jeesan oo dhinac saartay Soomaaliya.

Waxaa se xilliyadaa sabab u noqday in dunidii dib u soo jalleecdo waxyaalo ay bud-dhig u yihiin saddexdan qodob; wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya; Yusur Abraar (Guddoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya) oo eedayn xooggan oo wiiqday kalsoonidii dunida dhabarka u saartay, iyo Prof. Axmed Isaamaaciil Samatar oo debadda uga soo baxay isla markaan weerar ku ekeeyay; iyo harumarkii baaxadda lahaa ee xilligaa ka socday Somaliland, oo beesha caalamka soo jiitay.

Wakhtigii ay socdeen kulamadii wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ugu xiisaha badnaa, gaar ahaan markii labada madaxweyne Silanyo iyo Xasan Sheekh ay ku kulmeen dalka Turkey, waxaa na dhex maray kooxdii kale doodo adag iyo dareen u muuqanayey in aanay qolada Soomaaliya weli fahmin meesha wax ka khaldameen iyo waxa dadkan reer Somaliland markii hore kiciyey iyo waxay maanta doonayaan. Anigoo ka fekeraya wixii iiga muuqday masuuliyiintii Soomaaliya iyo aragtidoodii, ayaa waxa aan is waydiiyey maxaa khaldan, hadalladani ma ka hanjabaad baa! Ma ka garashaa! Aniga oo leh waar arrini ma dhowa ayaannu shirkii ka dareernay. Isla markii aan tegay qolkaygii waxaa igusoo dhacday in aan ku cabbiro dareenkayga tix gabay ah.

Waan ka soo horjeedaa siyaasiyiinta niqaabka ka xidha xaqiiqada ka jirta Somaliland iyo Soomaaliya. Waxaan aaminsanahay in wadahadal lagu gaadhi karo xal siyaasadeed oo ay saldhig u tahay maslaxadda bulshadu. In kasta oo hadal ka joogo sharciyadda israaca, haddana waxaa hubaal ah in ay dawlad keliya ku midaysnaayeen muddo 30 sannadood ah. Dadka Somaliland waxay sheegeen in ay midnimadii ka baxeen oo ay madaxbannaanidoodii la soo noqdeen, balse beesha caalamku ma aqoonsan, Soomaaliyana may aqbalin arrintaa, waxaana biyakamadhibcaan ah in aan dawlad hanan karta dalkeeda iyo dadkeedu ka hana qaadin Soomaaliya ilaa wakhtigan.

Fikirkaada Waa Muhiim