Somaliland oo la aqoonsado oo beesha caalamka ka mid noqotaa waa waxa ugu weyn ee dadkeedu ka dhursugayeen muddada dheer. Waxaanay ka mid tahay shaqooyinka ugu mudan ee dawladda laga sugayo. Way jiraan waxyaalo badan oo ay isku dayeen dawladihii kala danbeeyay ee soo maray Somaliland. Wakhtigii aan xukuumadda ka midka ahaa waxaa jiray tallaabooyin badan oo la qaaday, iyada oo aan odhan karo waxaannu samaynay dhaqdhaqaaqyadii ugu badnaa, waxaana xukuumaddayadii ay ku tallaabsatay tallaabooyin aan hore loo qaadin.

Waxay gaadhsiisay waddamo aan hore loo gaadhin, waxaanay ku bixisay dedaal badan. Haddana waxaan aaminsanahay guud ahaan reer Somaliland iyo dawladahoodii kala danbeeyay ictiraafka way sugayeen ee may raadin, manay siinin muhiimaddii loo baahnaa, lagamana dhigin qaddiyad ummadeed iyo halgan bulsheed nafta loo huro.

Wixii qaaliya cayaar laguma helo ee wax qaaliya ayaa loo huraa. Si kasta oo aad hannaan maamul u samayso oo aad hay’adihii iyo shuruudihii dawladnimo la timaaddo, ma hawl yara in dunidu kuu garwaaqsato dawlad madax bannaan maadaama oo aad dawlad jirtay kala baxaysaan. Wuxuu yidhi Maxamed Nuur Fadal:

Nin naftiisa biime u gesha iyo bohol xun mooyaane, bawdada nimay kaga dhacdo iyo boqonta mooyaane, gobonnimo bilaash looma helo ban iska taaltaal!”

Waxaa iyaduna marag ma doon ah in aan dawladihii kala danbeeyay aanay midna salka u dhigin siyaasad arrimo debedeed oo qeexan iyo qorshe hawleed nidaamsan oo qof kasta iyo dawlad kastaa meesha ay ka qaaddo iyo meesha ay kaga tagto la yaqaan.

Waxaa ka mid ahaa tallaabooyinkii aannu qaadnay; ugu horrayn, xukuumaddii aan ka tirsanaa in kasta oo ay ku soo baxday cod ballaadhan oo ay xisbiyadii kale ka horraysay tiro codad ah oo aad u badan, haddana may ku soo bixin aqlabiyadda codka muwaadiniinta ee waxay guusha ku hanatay 49% codadka dalka, halka xisbiyadii kale isugeyntoodu ay ahayd 51%. Sidaa darteed waxaannu dedaal gelinnay in xanaftii doorashada la tirtiro dadkana dib loo mideeyo, iyada oo aannu u jahaynay dhinaca horumarka oo ay dalka ka hirgaleen mashaariic aad u waaweyn, dhaqaaluhu aad buu kor ugu kacay isla markaana waxa abuurmay yuhuunta fiican ee suurtagelisay in ay yimaaddaan oo ku soo dhiirradaan shirkadaha waaweyn ee baadhista shidaalka, shirkadaha waaweyn ee ganacsiga DP World iyo Coca Cola iwm. Waxay tahay ujeeddada dulucdaydu: siyaasadda arrimaha dibadda ee dunidu kula yeelanaysaa waxay ku xidhan tahay muuqaalka iyo siyaasadda gudaha sida loo arko (foreign policy is a reflection of domestic policy). Siyaasadda guduhu waa go’aamo maamul oo si toos ah ula xidhiidha dhammaan arrimaha iyo hawlaha gudaha xuduudaha waddanka, taas oo saamaysa siyaasadda debadda ee dalkaas iyo siyaabaha ay dawladuhu kuula macaamilayaan ama xidhiidhka danaha siyaasadeed ee adduunka.

Guud ahaan waxaa kor u kacay dhaqaalaha dalka iyada oo ay salka ku haysay yuhuuntii isbeddelka iyo filashadii dadka oo abuurtay xiise dad badani u soo hiloobeen dalka, gaar ahaan qurbajoog badan oo ganacsi iyo dhismayaal ka bilaabay dalka, shirkado waaweyn oo maalgashi ka bilaabay, iyo mashaariic horumarineed oo ay ka bilaabeen dawladaha deeqda bixiya iyo hay’adaha horumarinta. Waxaa la yidhaahdaa dhaqaaluhu wuxuu ku tiirsanyahay oo qaybta ugu muhiimsan ka qaadata jawiga siyaasadda iyo hoggaaminta. Labadaas baannu hagaajinnay.

Waxa aannu isla garabsannay dhaqaalihii debadda naga soo gelayey, dhaqaalihii gudaha ka soo baxayay iyo dakhligii dawladda oo aan kor u qaadnay. Waxaan aaminsanahay in kobaca dakhligu uu salka ku hayay wacyigelintii guud ee wasaaradda maaliyaddu samaysay, tiigsiga yool siyaasadeedkii madaxweynaha ee jaangooyada dakhliga iyo kharashka ee lagu sargooyey miisaaniyadda, kor u qaadidda hannaanka dakhli ururinta iyo habaynta iyo dhiirrigelinta shaqaalaha oo wasaaradda maaliyaddu dedaal gelisay, kordhinta cashuurta oo ay soo qorsheeyeen guddidii miisaaniyaddu, iyada oo khasnadda dawladda lagu soo xereeyey ilihii dhaqaalaha ee maaliyadda iyo haamaha shidaalka iyo sooxeraynta qayb ka mid ah lacagtii maxjarrada xoolaha. Tusaale ahaan, sannadkii 2010, markii xukuumaddayadu timi xilka, miisaaniyadda Dawladda Dhexe waxay ahayd 46 milyan oo doollar; markii aan ka tegay, sannadkii 2015, waxay maraysay 180 milyan oo doollar!

Si aannu gudaha dalka u midayno, waxaannu beddelnay lacagtii Giinbaarta ahayd ee laga isticmaali jiray gobolka Togdheer. Lacagtaas Giinbaartu waxay ahayd lacagta noodhka ah ee boqolka iyo kontanka shilin ee lacagtii Soomaaliya. May jirin meel kale oo laga isticmaalo lacagtaas carriga Soomaalida oo aan Togdheer ahayn, waxayna Somaliland ku haysay culays dhaqaale maadaama oo aanay ka qayb qaadanayn wareeggii lacagta ee ganacsiga. Waxaanay dawladihii Somaliland u kala danbeeyay ku taamayeen inay beddelaan iyadoo dadka reer Burcna si laxaad leh uga dhursugayeen in la beddelo.

Waxaa madaxweynuhu ku daray qodobbadii uu ololaha doorashada ku galay in uu Burco ka beddeli doono lacagtaas haddii uu tartanka ku guulaysto. Markii uu ku guulaytay ee uu shaqada bilaabayna wuxuu ku darsatay liiska shaqo ee boqolkii cisho ee ugu horreeya dawladdiisu qabanayso. Waxaannu qorshaynay intii ay qiyaas ahaan naga qaadanaysay lacag Somaliland, oo u dhigmaysay ilaa saddex milyan iyo badh Dollar oo Somaliland shilin ah. Waxaana fulinteeda loo xil saaray wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Dhexe. Waxaa loo maamulay si habsami ah, waxaanay ku dhammaatay guul iyada oo dhammaan wixii lacagtaa yaallay laga soo xareeyay dadkii haystay, looguna beddelay lacagta Somaliland shilinka. Giinbaartiina waxaa la dhigay goob bannaan oo lagu gubay, saxaafaddana waa lagu soo bandhigay.

Arrimaha gudeed ee aannu ku dhiirrannay waxa ka mid ahayd qaybintii derajada ciidanka. Ciidamada qalabka sidaa waa astaamaha qarannimada iyo awoodaha qaran ku taagan yahay. In kasta oo arrimaha ciidamadu ay yihiin arrimo sir ah oo qaran kasta u ilaashan, waxaan jecelahay in aan si kooban u dulmaro hawshii bixinta derejada ciidamada iyo hawlgalkii ciidamada loogu qaybinayey garaaddada oo ahayd hawl culus oo xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland aanay ku dhiirran, balse suurtagashay xilligii aan xafiiska joogay ee dawladdii madaxweyne Silanyo, arrintan oo dadka qaarkood siyaabo khaldan wax uga sheegaan.

Derajada bixinteedu waxay dawladda Somalilnad u lahayd muhiimad weyn, waxaanay ahayd himilo ciidamadu leeyihiin oo hagaajinaysey maamulka, muuqaalka iyo mooraalkoodaba. Madaxweynaha oo ahaa taliyaha guud ee ciidamadu wuxuu guddi farsamo u saaray si ay uga soo talo bixiyaan qaab-dhismeedka ciidamada, habka derajada loo bixinayo iyo gunnada garaaddada lagu bixinayo. Guddigaas oo ahaa saraakiil hore uga soo shaqeeyay ciidamada oo aqoon iyo waaya-aragnimo u lahaa arrimaha ciidamada.

Waxay guddidu soo qiimeeyeen jaranjarada ciidamada, dable ilaa sarreeye gaas, kuwaas oo aad u faaqiday dhammaan ciidamada qofqofna isula taagay oo xog dhammaystiran ka soo diyaariyay. Bixinta garaaddada meelaha tixgelinta siiyeen waxaan ka xusuustaa: Wakhtiga ku biirista, aqoonta, hawgallada uu ka qayb qaatay, iyo xilalka u ka soo qabtay dawladdii Soomaaliya; wakhtiga ku biirista SNM xilalka uu ka soo qabtay iyo hawgallada uu ka qayb qaatay; Wakhtiga ku biirista, koorsooyinka uu soo qaatay, xilalka iyo hawgallada uu ka qayb qaatay ciidamada Somaliland; Heerarka aqoon jaamacadeed ee uu leeyahay. Qiyaas ahaan lacag u dhiganta ilaa saddex milyan iyo badh doollarka Maraykanka ayaa sannadkii u horreeyayba ku siyaadday miisaaniyada ciidamada.

Dhammaan kulamada hoggaamiyayaasha dunida ee aan cutubkii hore ku soo sheegay waxay bud-dhig u ahaayeen dedaalladii aqoonsi raadinta Somaliland. Waxa kale oo aan ka tilmaami karaa tallaabooyinkii aannu qaadnay xilligaa, Madaxweyne Silanyo waxaa lagu casuumay aqalka looga taliyo boqortooyada Ingiriiska ee Down Streen No 10. Iyada oo uu halkaa ku qaabbilay xoghayihii arrimaha dibadda iyo raysal wasaarihii dalku. Waxaa mar kale oo raysal wasaarahani shir caalami ah, oo ay ka soo qayb galeen 57 hoggaamiyayaasha dunidu oo u qabtay intii Soomaaliya la isku odhan jiray, ku casuumay madaxweyne Silanyo oo weliba si maamuuskeedu sarreeyo loo qaabbilay, iyaga oo casuumaddooda mugdiga ka saaraya waxay soo qoreen: “Somaliland is not Signatory Garowe Road map” oo macnaheedu yahay

Somaliland kama mid aha saxeexayaasha waddada iyo khariiradda Garoowe (waa barnaamijkii xukuumadda loogu dhisayay Soomaaliya). Labadan arrimood ee aan soo sheegay waxay ahaayeen qaar ku cusbaa Somaliland oo aan intii ay jirtay lagu qaabbilin maamuus noocaas oo kale ah, kulamadan waxaan ku soo faahfaahiyey cutubka 15aad. Waxaa iyana xilligaa si fiican u xoogaystay xidhiidhka aannu la lahayn waddamada Carabta in kasta oo aannu gaadhin heerkii loo baahnaa, haddana wuxuu dhaliyey in laga helo mashaariic horumarineed iyo maalgashi bilaw ahaa xilligaa. Waxaa la sameeyay barnaamijyadii Somaliland Development Fund, oo ahaa sanduuq dhaqaalaha loogu soo shubayo oo ay wada maamulayaan dawladda Somaliland iyo dawladaha deeqda bixiyey; iyo Somaliland Special Arrangement, oo ahaa habka mucaawinooyinka ee hay’aduhu u soo marinayaan Somaliland iyada gaar ka ah Soomaaliya inteeda kale. Labadan hab oo ahaa qaar dunidu ugu talo gashay in ay dhaqaalaha kula wadaagto Somaliland kana turjumayay in loola macaamilo hannaan hab-dawladeed ah, halkii markii hore wax loogu soo dhiibi jiray NGO.

Dedaalladii xukuumaddu samaysay waxaa ka mid ahaa in ay hawlgelisay shirkado ka shaqeeya xidhiidhada saxaafadda caalamiga ah, iibgaynta iyo xayaysiinta siyaasadda (Strategic Communication and Public relations companies), waxaa ka mid ahaa Portland. Kuwaas oo loo qorsheeyey in ay si joogto ah ugu gudbiyaan saxaafadda caalamiga ah wararka, safarrada muhiimka ah ee masuuliyiinta iyo guud ahaan xaaladaha Somaliland:

Highlights have included broadcast interviews for the Foreign Minister with VOA and the BBC World Service (listening figure of 180 million); a letter penned by the Foreign Minister in the Economist (one of the world’s most influential news magazines); an Op-Ed by President Silanyo published in African outlets such as the Mail & Guardian (South Africa), the East African (Kenya), and the Daily Monitor (Uganda); broadcast interviews for the Minister of Trade and Investment with CNBC and BBC World News; Op-Eds by the Foreign Minister in the Nigerian Guardian and Euractiv (Europe’s leading outlet focused on EU issues); a letter penned by the Director of Government Communications in the Financial Times; interviews for the Energy Minister with Reuters, CNBC and the Daily Maverick; a letter by Edna Adan in the Guardian and interview in the Evening Standard; an Op-Ed by Environment Minister on the World Economic Forum site; an interview for President Silanyo with Radio France Internationale.

Wada hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya, oo aan hoos ku faahfaahin doonaa, waxay ahaayeen dhacdo ku cusbayd siyaasadda iyo xeelad farshaxan ah oo loo marayay in Somaliland aqoonsi ku hesho, taas oo ay xukuumadda isku barbartaageen golayaashii iyo xisbiyadii qaranku dhammaantood. Waa dariiqa ay u mareen dhammaan dawladihii kala baxay ee dunida soo maray sida Jakoslafaakiya oo noqotay laba dawladood ee Czech Republic iyo Slovakia. Sidaa waxaa la mid ah qaar badan oo ay ka mid yihiin East Timor iyo Indonesia. Ethiopia iyo Eritrea. Serbia and Montenegro iyo kuwii ugu dambeeyay 2010 Sudan iyo Southern Sudan. Dhammaan intan aan soo sheegay waxay ku dhammaadeen in ay kala baxaan oo labadii dhinac noqdaan labo dawladood duniduna ku waafaqday oo u aqoonsatay.

Halkaan ka aqriso: http://www.tukesomalism.com/archives/7899http://www.tukesomalism.com/archives/7899

Fikirkaada Waa Muhiim