Dhammaan xukuumadihii naga horreeyay waxay lahaayeen wasaaradda madaxtooyada in kasta oo shaqada ay qabataa aad u yarayd, fikirka guud ee ay bulshadu wasaaradda madaxtooyada ka haysteen wuxuu ahaa Wasaarad aan miisaan culus lahayn ama aan micno badan u lahayn hawlaha kala duwan ee qaranka. Magac kasta ha loo bixiyo e, masuulka maamulaya ee maaraynaya hawlaha madaxtooyadu wuxuu door muhiim ah ka qaataa guusha hoggaamiyaha qaranka.

Ka hor intaan la ii magacaabin xilkii wasiirka madaxtooyada, waxaan soo maray shaqadii Chief of Cabinet-ka. Muddo sannad ah markii ay hadhiwayday hadal hayntii xilkii aan hayey ayaannu madaxweynaha isla garanay in uu magicii (Chief Of Cabinet) ka beddelo oo ka dhigo wasiirka madaxtooyada. Muhiimadda koowaadna waxay ahayd in danaha qaranka iyo maslaxadaha ummadda ee shaqadayda si toos ah ama si dadbanba ugu xidhnaa aan u guto si sharciga waafaqsan isla markaana fahamka dadka u sahasha.

Siyaasaddu guud ahaan waa nolol ciilqab badan. Mar waxaad ku ciil qabtaa halkaa gaadh, marna waxaad ku ciil qabtaa kaa iska celi, marna waxaad qawadsan tahay kaalintaada bulshada, marna waxaad ku ciil qabtaa waxaa qabo oo dhaxalkaa reeb. In kasta oo eedihii iyo dhaleecayntii joogtada ahayd aanay xilkii waxba ka beddelin, haddana waxay ahayd xil kii hore ka magac roon, kana mug weyn xaga sharciga. Waxaa la sheegay in madaxweynihii Maraykan ee John F Kennedy uu aabbihii uga cawday saxaafadda oo cidhiidhi badan ku haysa, balse aabbihii uu u sheegay inuu soo ururiyo Joornaalladii laga qoray ka dibna uu ku yidhi “isku taag.” Markii uu tumbul isku taagay ee uu noqday nin meel sare fuushan ka dib ayuu ku yidhi “intaas ayaad qayrkaa dheer tahay.” Xikmad adeegso, waana adiga iyo nasiibkaa.

Shaqada dawladdu waxay u qaybsantaa wax masuuliyadda loo guto si shakhsi ah iyo waxyaalo loo guto si isku duubni ah. Xilka wasiirnimo wuxuu ii sahlay in aan ka qayb qaato hawlihii golaha wasiirrada iyo in aan saaxadda siyaasadda si aan gabbasho lahayn uga muuqdo, oo aan saxaafadda u soo ban baxo, si aan bulsha-weynta wixii khalad iga fahamsanaa u qanciyo, kalsoonidooda u helo. Hore waa kii Cali Sugulle Duncarbeed u yidhi:

Diric keli ahaantii daleel guusha kama helo dadkaa geesi lagu yahay.

Noloshu waa maalmo xaddidan. Adduunkana magac baa ka hadha. Xilalka qarankuna waa meerto, oo maalinba qof baa jooga, waana fursad laguu siiyey tijaabada kartidaada iyo kaalinta aad ka qaadanayso horumarinta iyo Ilaalinta dadkaaga iyo dalkaaga. Qof kasta oo xil bulsho loo igmado waxa wanaagsan inuu xilkaa iyo masuuliyaddaa uu qaaday, intii awooddiisa ah, uu u guto sida ugu habboon, ummaddana uu uga tago dhaxal, isagana u gasha taariikhda.

Haddaba, xilka iyo masuuliyaddu, heer kasta oo ay yihiinba, ma aha kuwa iyagu dhaliya ama keena isbeddelka loo baahan yahay!! Sidoo kale waxaan aaminsanahay in aanay wasaaraduhu kala wanaagsanayn, haba kala miisaan weynaadaan e. Xaqiiqdu waxay tahay, qofka xilka loo igmado ayaa ah ka la yimaadda isbeddelka looga baahan yahay in laga hirgeliyo hay’adda masuulka looga dhigay. Qoraagii caanka ahaa ee John Maxwell wuxuu yidhi: “It is not the position that makes the leader, it’s the leader that makes the position – Mansabku ma sameeyo hoggaamiye, laakiin hoggaamiyaha ayaa sameeya Mansabka.” Wasaaradda madaxtooyadu waxay noqotay mid ku biirta safka wasaaradaha la xiiseeyo, magacaygiina wuxuu noqday mid tusaale loo soo qaato marka la tilmaamayo qofka halkaa ugu mudan: “Halkan yaa ka Xirsi ah ama anigaa ka Xirsi ah” ujeeddada ay doonaad ha ka lahaadaan.

Madaxtooyadu markii aannu la wareegnay waxay u baahnayd dayactir ballaadhan iyo casriyayn. Maadaamada ay tahay xaruntii qaranka looga talinayey ee ay taallay haybaddii, himiladii iyo haykalkii dawladnimada, waxaan lagama maarmaan iyo daruuriba u arkay inay muuqaal iyo bilic wanaagsan yeelato, oo aan qasriga madaxtooyada gebi ahaanba isbeddel muuqda ka hirgeliyo, oo aan ka beddelo sidii ay xukuumadda cusubi kula wareegtay.

Ha noqoto muuqaalka iyo bilicda dibedda ee xarunta madaxtooyada, ha noqoto dayac-tirka iyo qalabaynta dabaqa hoose ee xafiisyada, ama ha noqoto dayactirka iyo qalabaynta dabaqa sare oo ah hoyga madaxweynaha e, waxaannu ku dedaalnay sidii aan xarunta madaxtooyada uga dhigi lahayn meel lagu soo hiran karo oo ka tarjumaysa haybadda iyo mustawaha uu qaranku leeyahay. In kasta oo aannu dedaal badan gelinnay, haddana quruxdu kama maaranto haween kula qorsheeya. Waxa run ahaan si lexaad leh iigala qayb qaadatay talo, tilmaan iyo door lama ilaawaan ahba ku lahayd marwada madaxweynaha.

Iyadoo aan la dumin ama aan waxba loo dhimin qalfoofka (structure) guriga, waxaannu dayactir laxaad leh iyo dibuhabayn weyn ku samaynay guud ahaanba madaxtooyada. Isbeddelkii aannu ka hirgelinnay xarunta madaxtooyadu wuxuu noqday mid ay guud ahaanba dadku si weyn u dareemeen, bulshaduna ay si togan oo niyadsami leh uga dareen celiyeen.

Dadku waxay aqoonsadeen in xarunta madaxtooyada uu isbeddel muuqdaa ka dhacay; dadkaasi ha ahaadeen kuwo ku nool dalka gudihiisa, kuwo ka yimi dibedda amaba ha ahaadeen dadka kale ee ajaanibka ah ee dalka soo booqanayey.

Fikirkaada Waa Muhiim